Uncategorized

Booliiska Canada oo baadi-goobaya nin Soomaaliya oo lagu tuhmayo dilka Soomaali kale

Edmonton Feb 08,2012(SDN)-Nin Soomaali ah ayaa Booliska magaalada Edmonton ay u baadigoobayaan dilka nin kale oo Soomaali ah oo bishii November midi lagu dhuftay.

Sidaana waxa shalay gelinkii danbe shaaciyay booliska magaalada Edmonton oo sheegay in Xasan Ciise Ismaciil oo 29 jir ahi loo baadi goobayo dilka Aden Axmed oo 24 jir ahaa iyo heysashada hub sharci daro ah.

Dilka aadan oo dhacay 19 bishii November ee kal hore ka dib kolkii Aqal ku yaal Edmonton dagaal ka dhacay Midi lagu geliyay Marxuumka.

Booliiska ayaa sheegay in ay baaritaan ay sameeyeen ka dib ay u soo baxday in Xasan yahay ruuxa dilka geystay.

“Waxaanu qabnaa in ay suurto gal tahay in uu Xasan ku sugan yahay magaalada Toronto,mana jiraan cadeymo muujinaya in dilkani uu xiriir la leeyahay ka ganacsiga maandooriye”sidaa waxa yiri Denbi baare Mark Bloxam.

Axmed Xuseen oo ah madaxa Ururka Canadian Somali Congress ayaa sheegay in baadigoobkan u danbeeyay muujinayo isu soo dhawaan Soomaalida iyo Booliiska.

Wada shaqeynta ayaan ku koobneyn uun dilkan u danbeeyay balse Axmed Xuseen waxa uu sheegay in booliisku gacanta ku hayo ilaa sideed fal danbiyeed oo kale.

Ninka loo baadi goobayo dilkan ayaa hore fal danbiyeedyo noocana u galay,booliiskuna waxa ay shicibka uga digayaan in uu ninkani hubeysan yahay isla markaana uu khatar yahay.

Gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa  intii ka danbeysay sanadii 2006dii waxa lagu dilay in ka badan 30 dhalinyaro ah oo ilaa haatan dilalkooda intooda badani aan la xalin.

Gobolkan oo qani ku ah shidaalka ayaa waxa u soo shaqo taga sanadihii u danbeeyay Soomaali aad u tiro badan.

SDN-Edmonton
contact@somalidiasporanews.com