Uncategorized

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa

Hargeysa Feb 08,2013(SDN)-Xildhibaan ka tisan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay dhawaan qabteen ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa maxkamad ku sugaya xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Xildhibaan Jaamac Maxamuud oo bishan shanteedii ka soo degay magaalada Berbera ayaa lagu qabtay magaalada Gebiley.

Xildhibaanka ayaa lagu soo oogayaa sharci ay 2003dii ansixiyeen labada aqal ee sharci dejinta Somaliland.

Sharciga ayaa dhigaya in aan muwaadiniinta Somaliland aaney xil ka qaban kareyn dalka Soomaaliya.

Qareenka Xildhibaan Jaamac Maxamuud ayaase ku andacoonaya in sharcigaasi aanu hada shaqeyneyn ka dib kolkii bishii labaad ee sanadkii hore ay labada aqal ee sharci dejintu ooda ka rogeen wada xaajood dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya.

“Xariga xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland waxa ay keeni kartaa ismaan dhaaf hor leh oo dhex mara labada dhan”ayuu yiri qareen Xuseen Jaamac Guuleed.

Qareenku waxa uu sheegay in intii ka danbeysay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay Somaliland imanayeen masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya,mana cada sababta loo bartilmaansaday xildhibaan Jaamac Maxamuud.

Dawladaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaan weli wax war ah ka soo saarin xariga xildhibaan Jaamac Maxamuud.

Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in dhawaan maxkamad la horkeeno.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com