Webmaster

Agaasimaha Guud ee Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta & Maareeyaha Guud ee Cusub ee Telefishanka Qaranka oo Xilkii la Wareegay DAAWO

Hargaysa 17. December 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyey Agaasimihii guud ee hore iyo agaasimaha cusub ee wasaaradaasi, halka sidoo kalena isla munaasabadaasi uu wasiirku xilalkii u kala wareejiyey maareeyaha cusub ee TV-ga Qaranka iyo Maareeyihii hore.  

Read More

“Maareeyihii Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, Waad ogtihiin oo Waalla Beddelay, Waxaana Beddelay Koox Habeenkii Dalka u Shirta, oo Qaabka ay Wax u Beddalaan Tahay Laba Sifo” Sheekh Aadan Siiro

Hargaysa 17. December 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay sida ay Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ugu wanaagsan tahay inay la tashadaan Cid Nasteex u ah. Sheekhu wuxuu sheegay in dhibaatada ka jirta Dalalka Islaamka ee Somaliland ka mid tahay ay tahay in Hoggaamiyeyaashu ay la tashadaan Dad…

Read More

“Aniga 50 kun oo Dollar ma Weydiisan Fawsiya Yuusuf ” Mid Ka Mid ah Xubnaha Madax Dhaqameedka u ah Shakhsiyaadka Magaca Somaliland ku Metelaya Doorashada Somalia oo Cod Sir ah laga Duubay

Muqdisho 16. December 2016 (SDN/QJ):- Suldaan C/raxmaan Suldaan C/qani oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Waqooyi ee ku hawlan Doorashadda Ergooyinka ayaa si kulul u beeniyey Hadal Cod ah oo dhawaan lagu baahiyey qaar ka mid ah Warbaahinada, kaasi oo lagu sheegay inuu ahaa Cod ay Musharax Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ka duubtay…

Read More

DHAGEYSO: Jawaari oo ka hadlay Doorashada, Sheegayna Hadal ka Gedisan kii Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho 16. December 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Dalka ka socda iyo halka ay marayaan. Jawaari oo si gaar ah uga hadlay Doorashada xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in weli ay Magaalada Muqdcisho ka socoto isdiiwaan gelinta xildhibaanada cusub ee…

Read More

Muuqaal Murugo Leh:-Abaarta Kajirta Deegaanada Gobolka Sanaag Oo Waji Cusub Gashay DAAWO

Ceerigaabo 16. December 2016 (SDN/QJ):- Xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada hoos yimaada gobolka Sanaag ayaa maraysa meel Adag oo u baahan in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay deegaanadaasi abaartu ku Saamaysay,waxaana kulan deg deg ah oo qaylo dhaan ah iskugu yimi maamulka Gobolka sanaag iyo gudida abaaraha gobolka. Dadka ayaa udhow…

Read More

Madaxda Xisbiga WADDANI oo Suuqa Waaheen Ku Booqday Hooyooyin Ka Cabanaya Sixir Bararka iyo Sarifka Lacagaha DAAWO

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa suuq Waaheen ee badhtamaha magaalada Hargeysa ku soo booqday Hooyooyin iyo dadweyne kale oo danyar ah kuwaasi oo ka cabanayaa heerka uu sixir bararku maraayo iyo heerka nololeed ee bulshada Somaliland oo aad u sii adkaanaya muddooyinkii dambe.

Read More

Xarun Jaamacadeed iyo Dugsiyo Wax Barasho oo Agoomaha Loogu Talo Galay oo Laga Hirgaliyey Deegaanka Haleeya ee Bariga Hargaysa DAAWO

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda,Madax dhaqameed Iyo Mas’uuliyiin Kale ayaa Ka Qayb galay Dhagax dhig Loo Samaynayay Xarun Jaamacadeed & Goobo loogu adeegayo Caruurta Agoomaha ah oo laga Hirgalinayo Deegaanka Haleeya ee Bariga Magaalada Hargaysa.

Read More

Xaalad Dagaal oo Kasoo Cusboonaatay Koonfurta Laascaanood Oo Ay Ka Hadleen Masuuliyiinta Hayadaha Dawlada Ugu Jira Gobolka Sool DAAWO

Laascaanood 16. December 2016 (SDN/QJ):- Agaasimaha Gudida Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa,Agaasimaha Diiwaanka Sakada Iyo Agaasimaha Hayada Qandaraasyada Qaranka Ayaa Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Qayaad Iyo Bahararsame oo Ku Dagaalamaya Koonfurta Gobolka Sool https://www.youtube.com/watch?v=kH_ExIC7g4g https://www.youtube.com/watch?v=MqHsK8Dl2qw

Read More

“Ninkaygii Wasiirradaa Caloosha Waaweyn Ayuu Lix Boqol Ku Ilaaliyaa, Ubadkaygii Waa Laga Soo Eryey Dugsiga, Xaggeen Geeyaa, Ballan Waxaan Ugu Qaaday Inaan Guriga Siilaanyo Geeyo” …Hooyo Xaliimo

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Xaliimo Maxamed Kaahin oo ah Mid ka mid ah haween-weynaha ururka Khudradleyda Iidaan ee Magaalada Hargeysa oo ka hadlaysay mar ay shalay bannaan bax isugu soo baxeen ururkeedaasi oo ay kaga cabanayaan sicir bararka iyo nolol xumada aafaysay shacabka Somaliland muddooyinkii dambe ayaa waxa ay ka sheekaysay dareen dhiillo leh…

Read More

“KULMIYE, Wuu Fulin Waayay Qodobadii Ay Beesha Habar Carfaan Hordhigtay,Kulmiye Boorama Olole Ayuu Ka Wadaa” Prof Geedoole, Wasiirkii hore ee Waxbarashada

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole, haddana kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay socdaalka hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ku tagay Magaalada Boorama, waxaanu sheegay in ujeedada socdaalkani ahaa inay si gaar ah ula kulmeen Beesha Habar Carfaan oo ka mid…

Read More

Shacabka Oo Saluugsan Aamusnaanta M/Siilaanyo Iyo Dalka Oo Waajahay Xaaladihii Ugu Cuslaa, Dhoofkii Xoolaha Ee La Joojiyay, Abaaraha Ba’an, Sixir Barar, Xanuuno Iyo Dib U Dhaca Doorashooyinka

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Bulshada Somaliland ayaa u hanqal taagaysa Khudbadihii tolmoonaa ee Madaxweyne Siilaanyo lagu yaqiinay Wakhtigii uu u cararayay Kursiga uu hadda ku fadhiyo ee dalka laga hago iyo inuu Bulshada la qaybsado dareenka murugada leh ee uu dhaxalsiiyay wakhtiga adag ee uu Dalku waajahay, Sixir Bararka,Dhoofkii Xoolaha ee la joojiyay,Abaaraha ba’an…

Read More

“Reer Awdaloow Ciyaartaasi Kulmiye Waddo Garanmaysaan oo Waa Qolo Qalo ee Nimankaasi iska soo Caraabiya”Wasiir Abgaal

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal,   oo Shalay ka hadlayey munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa Weftiga Xisbiga Kulmiye ee ku sugan Boorama ku eedeeyay inay halkaa u tageen Qabyaalad iyo inay kala furfuraan Bulshada halkaas ku dhaqan. Maxamed…

Read More