Webmaster

Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegtay Inaan Wer-wer Laga Qabin In Doorashadu Xilligeeda Ku Qabsoonto DAAWO

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Xukuumadda iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera Doorashooyinka, ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Guddida Doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa. Shirkan Saddex Geesoodka ah, ayaa waxa lagaga wada hadlay Hawlaha la xidhiidha Doorashada Madaxtooyada iyo sidii sida ugu dhakhsaha badan loogu daabici lahaa Cod-biixyeyaasha oo Dalka Gudihiisa lagu farsamaynayo,…

Read More

Soomaaliya Oo Sheegtay In Sucuudigu Soo Gaadhsiiyey Warqad Sheegaysa In Xoolaha La Joojiyey Qabaan Xanuunno Khatar ah

Muqdisho 16. December 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay wado dedaallo ay ku dooneyso in Sucuudiga ay ku qanciso sidii ay dib ugu fasixi lahaayeen dhoofka Xoolaha Soomaaliya ee la geeyn jiray dalkaasi. Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa…

Read More

Go’aankii lagu soo celiyay 11-Xildhibaan oo katirsan Aqalka Hoose oo si Wadajir ah looga soo horjeestay

Muqdisho 16. December 2016 (SDN/QJ):- War Saxaafadeed Wadajir ah soo saaray Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad- Goboleed oo kala ah Puntland, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo Jubbaland. War saxaafadeedkan wuxuu ku saabsan yahay go’aanka GXKHD 14/12/2016 ee la doonayo in lagu hor-istaago kuraas loogu doortay deegaan doorashooyinka dalka si sharci ah. Ugu horreyn waxaan madaxda MHQ,…

Read More

Fadeexadaha Muuqda Ee Dul Hoganaya Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Iyo Jawaabta Aan Lagu Qanci Karin Ee Xayiraada Xoolaheena Ee Boqortooyada Sucuudiga

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Marka u horreysa waxaan halkan ka salaamayaa oo aan ku hambelyeyna Madexweynaha JSL- Mudane Axmed Max’d Maxamuud (Siilaanyo), dhismaha quruxda badan ee uu ka dhisey Xarunta waxool, taasoo Dawlidihii ka horeeyey oo dhammi aanay waxba ka qaban, iyadoo ey tahay in markii u horeeysay xafiis laba dabaq laga dhiso xarunta…

Read More

“Waxaan Ahay Qof Caqli Badan, Uma Baahni War-bixinnada Sirdoonka..” Donald Trump

Washington 16. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in aanu u baahneyn in uu ka qayb-qaato Warbixinada sirdoonku siiiyaan Madaxweynaha ee maalinlaha ah. Sababta ayuu ku sheegay in uu yahay qof caqli badan oo aan waxaas oo kale u baahneyn. “Waxaan ahayn nin caqli badan. Ma doonayo in…

Read More

Talyaaniga: Nin Naakhuude ka ahaa Dooni Qarqoontay oo Lagu Xukumay Dhimashada 700 oo Tahriibayaal Ahaa DHAGAYSO

Roma 16. December 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Talyaaniga ayaa 18 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin u dhashay dalka Tunisia oo lagu eedeeyay doorkii uu kulahaa dhimashada 700 oo qof oo tahriibeyaal ahaa. Dadkaasi ayaa bishi April ee sanaddii 2015 waxa ay ku geeriyoodeen badweynta Mediterranean ka, markii ay la degtay doonidii ay saarnaayeen. Sidoo…

Read More

Farqiga U Dhaxeeya Maskaxda Ragga Iyo Haweenka, Keebaa Maskax Badan Wiilasha Iyo Gabdhaha?

Hargaysa 16. December 2016 (SDN/QJ):- Ma aha wax qarsoon in qaab dhismeedka, korriimada iyo shaqada qeybaha kala duwan ee jidhku ay ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhaha. Tusaale ahaan maskaxdu waa meelaha ay ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhuhu marka dhinac walba laga fiiriyo waxaanan halkaan ku xusi doonaa dhowr farqi ama kala…

Read More

Ilmo Laga Sameynayo Saddex Qof Oo Laga Ogolaadey Markii Ugu Horreysey Taariikhda Dalka UK

London 16. December 2016 (SDN/QJ):- Ilmo laga samaynayo laba dumar iyo hal nin ayay ogolaatay hay’adda sharciyada taranka ee dalka UK ee lagu magacaabo (Human Fertilisation and Embryology Authority, HFEA). Talaabadan oo ah mid taariikhi ah oo dood badan dhalisay ayaa ka hortagi doonta ilmaha inay ku dhashaan cudur ay waalidkood ay ka keeneen. Dhakhaatiirta…

Read More

Somaliland oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Eedayn Ka Timid Somalia oo Ku Saabsan in Gaadhi Taarikada Somaliland lihi Lagu Fuliyey Qaraxii Muqdisho ka Dhacay

Hargaysa 15. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Dawladda Somaliya, ee ahaa in Gaadhi ay ku xidhan tahay Taarikada Somaliland lagu fuliyay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),…

Read More

Boorama:Beel-waynta Habar-carfaan oo si Buuxda ula Midowday Xisbiga KULMIYE iyo Nuxurka Khudbadihii laga Jeediyey SAWIRO

Boorama 15. December 2016 (SDN/QJ):- Beel-weynta Habar-carfaan oo ka mid ah beelaha Gobolka Awdal, ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah ugu biireen xisbal-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, taas lagaga dhawaaqay madal ilyartu is qabatay oo lagu qabtay huteelka SAW ee magaalada Boorama maanta. Xafladdaas waxa goob-joog ka ahaa oo hoggaanka dhaqanka ee…

Read More

Murashax C.raxmaan Faroole oo Beeniyey Warar ay Warbaahintu ka Qortay Kulan Siyaasadeed ka Dhacay Gurigiisa DAAWO

Garowe 15. December 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweynaha Somalia ahna Xildhibaan katirsan aqalka Sare Barlamanka Federaalka Somalia, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa beeniyay warar warbaahinta qaar ka qortay oo ku saabsana kulan dhexmaray; Cabdiwali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, Farole iyo Juriile. Kulankaas, ayaa warbaahinta Qaar u dhigtay in looga hadlayay tanaasulaad midkood uu sameeyo Farole…

Read More

Faah faahin: Sarkaal sare oo ka bad-baaday weerarka The Village ee Muqdisho & Khasaaraha Dhacay intuu Gaadhsiisan Yahay

Muqdisho 15. December 2016 (SDN/QJ):- Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay Qarax Saaka ka dhacay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kaasoo la doonayay in lagu Khaarajiyo Sarkaal sare oo katirsan ciidanka Booliiska. Col Maxa’ed Daahir, oo Taliyaha ciidamada Booliska Waliyow Cadde ayaa si dirqi ah uga badbaaday Qarax Ismiidaamin ah, oo saakay ka dhacay magaalada…

Read More

Guddiga doorashooyinka Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland oo ka Hor-yimid Go’aankii Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka Somalia AKHRI

Garowe 15. December 2016 (SDN/QJ):- Qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland, ayaa lagu naqdiyay tallaabada Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Somalia (GHKH) kusoo celiyeen 11 xubnood oo labo kamid ah kasoo jeedaan dhinaca Puntland. Guddiga doorashada Puntland, ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid lagu carqaladaynayo doorashooyinka waddanka ka dhacaya islamarkaana lagu nusqaaminayo sharafta Puntland…

Read More

Qarax Xoogan oo Goor dhawayd ka Dhacay Maqaaxi ka Soo Hor Jeeda Tiyaatarka Magaalada Muqdisho

Muqdisho 15. December 2016 (SDN/QJ):- Qarax xooggan oo ismiidaamin ah, ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimda dalka Somalia. Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Gari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa  ka dhacay Maqaaxida The Village, oo ku taalla kasoo horjeedka Tiyaatarka Qaranka. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida wax u dhaceen,…

Read More

Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo Sannad Iyo Badh Kadib Ka Hadlay Colaadii Siyaasadeed ee Soo Kala Dhex Martay Isaga Iyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi & Sababta uu Ku Taageeray DAAWO

Hargaysa 15. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa Sannad iyo Badh kadib Wuxuu Ka Hadlay Loolankii uu dhexeeyay isaga Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay Colaad Siyaasadeed Soo Dhex Martay.

Read More

“Muuse Biixi Wuxuu Qirtay Gefkii uu ii Gaystay,Waxaan Goostay Inaan Dhiso Hankiisa,Waxaan Kala Doortay Laba Xisbi oo Muxaafid ah” Muuqaal Dhamaystiran & Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Berbera 15. December 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiga Jamaal Cali Xuseen ayaa Si rasmi ah ugu Dhawaaqay inuu Ku Biiray Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye Isla Markaana uu dhisayo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Wuxuu Jamaal Sheegay in Xisbiga Kulmiye ahaa Godkii laga Qaniinay Murashaxnimadiisa Hasa Yeeshee Wuxuu Intaas ku daray In…

Read More