Webmaster

Dhacdo Cajiib ah: Qoraal lagu Baahiyey Bar-kulanka Internet-ka Ee ‘Facebook’ Oo Argegax-geliyey Dawladda Israel!!!

Israel 27. October 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta maxaliga ah ee Israel ayaa ku warrantay in Boolisku toddobaadkii hore xidheen nin Falastiini ah, ka dib markii qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook oo ahaa “Subax wanaagsan” oo Af-Carabi ah, aaladda Awtumaatigga ah ee Facebook ay si khaldan ugu turjuntay kalmad ah “weerara” oo Af-Cibri ah. Boolisku way…

Read More

Hogaamiyaha Macangaga ah ee Kuuriyadda Waqooyi oo Hambalyo aan Hore loo arag u Diray Madaxweynaha Shanta sano ee soo Socota Hogaamin doona Dalka Shiinaha!!

W.Kuuriya 27. October 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Mr: Kiim  Jun un, ayaa hambalyo aan hore looga baran u diray madaxweynaha Shiinaha Mr: Jing Ping oo loo doortay madaxweynaha dalkaasi shanta sanadood ee soo socota, isla markaana la gaadhsiiyey hogaamiye heerkiisa la mid ah Aasaasihii Jamhuuriyada Shiinaha Mr: Mow Tas Tang. Mr: Kiim Jun Un, …

Read More

Maxkamadda Ugu Saraysa Pakistan oo Soo Saartay Amar Lagu Soo Xidhayo Raysal Wasaarihii Hore ee Pakistan oo Dhagaha ka furaystay 3 Jeer oo loo Yeedhay

Karachi 27. October 2017 (SDN/QJ):- Maxkamada sare ee dalka Pakistaan ayaa soo saartay waaran lagu qabanayo amba lagu xidhayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Mr: Nawaad Shariif, ka dib markii seddex jeer looga yeedhay maxkamadaasi uu dhagaha ka furaystay. Hase yeeshee Mr: Nawaad Shariif ayaa ugu eedeysan maxkamada sare ee dalkaasi ku tagri fal hanti…

Read More

Ciidamadda Israil oo Hawlgal ay Diyaaradaha Qumaatiga u Kaca u adeegsadeen Ku qabqabtay Afartameeyo Ruux oo Falastiiniyiin ah

Qudus 27. October 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada israa’iil oo adeegsanaya Dayuuradaha Qumaatiga u kaca ayaa hawl-galo ay ku qabqabanayaan dadka falasdiiniyiinta ah ka bilaamay Mandaqada Al-ciisaawi ee Magaalada Qudus,Waxaanay xabsiga dhigeen ilaa afartan Qof oo falasdiiniyiin ah. Ciidamo tira badan oo isugu jira Milateri,Booliska iyo kuwa sirdoonka ayaa hawl-galkaasi ka bilaabay mandaqadaasi al-ciisaawi, waxaanay xoog ku…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibada Ee Dalka Spain Oo Beeniyey In Aanu Dalkiisu Inqilaabin Gobolka Katolooniya

Madrid 27. October 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Baarlamaanka gobolka Katolooniya ayaa sheegay in tallaabooyinka ay ku dhawaaqday dawlada Isbayn ay tahay inqilaab lagula kacay gobolka Katalooniya. Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Isbayn oo ka jawaabaya hadalka guddoomiyaha-Baarlamaanka Katolooniya ayaa sheegay haddii ay cidi inqilaabku kacayso waxa ku kacay gobolka Katalooniya.   Dawlad-goboleedka Katalooniya oo uu horkacayo…

Read More

Kenya oo Lugaha la Gashay Qalalaase Siyaasadeed oo Ka Dhashay Doorashadii Ku Celinta ahayd ee Maanta Dhacday,Tirada Khasaaraha Dhimashadda, Guddida Doorashadda oo Sheegay in Mar Kale Sabtida ay Doorasho Kale Qabanayaan & Goob Joogayaasha Caalamiga ah oo Walaac Muujiyey

Nairobi 26. October 2017 (SDN/QJ):-Doorashada ku celiska ah ee maanta ka dhacday dalka Kenya, ayaa waxaa hadheeyey isku dhacyo u dhaxeeya booliska iyo dibad-baxayaal, iyo goobaha codbixinta oo aan la furan deegaanada mucaaradka ku xooggan yihiin iyadoo Wararku Sheegayaan inay Soo Xidhmeen Goobihii Codbixintu. Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku furay dibad-baxayaal ku sugnaa…

Read More

Jamaahiirta Waddani Oo Dhoollatus Balaadhan Ka Sameeyay Somaliland Iyo Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Ballanqaadyo U Sameeyay Reer Awdal SAWIRO

Boorama 26. October 2017 (SDN/QJ):-Taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa isu soo baxyo balaadhan ka sameeyay gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. jamaahiirta ku labisan calanka liimiga ah ee xisbiga iyo boodhadh ayaa isu soo baxay fagaareyaasha magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka waxaana kala qayb galay madaxda kala duwan ee xisbiga Waddani. Taageerayaasha jibaysan ee…

Read More

Murashax C.raxmaan Cirro oo Bedka soo Dhigay Qardoofooyin loo Tiriyo inuu Ka Danbeeyay Murashax Muuse Biixi Kana Hadlay Warar Warbaahinta Lagu Faafiyey ( Muuse Biixi Miyuu Ilaabay inuu Madaxweyne Siilaanyo Jid u Galay oo aad Dil La Beegsatay) Gudoomiye Cirro DAAWO

Boorama 26. October 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaaladda Boorama Xisbiga Waddani ku qabtay Dhoola Tus uu ku soo Bandhigayo Cudduda Taageero ee uu ka Haysto Gobolka Awdal. Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Khudbad dhinacyo badan leh waxa uu ka Jeediyey Fagaaraha Beerta Xoriyadda Waxaanu…

Read More

Cabdi Casiis Samaale oo Sheegay in Mar Labaad Xisbiga Kulmiye Hantiyi Doono Codadka Gobolka Togdheer Isla Markaana si Dadban ula hadlay Siyaasiyiin Waxqabadka Kulmiye ku Faana DAAWO

Burco 26. October 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdi-casiis Maxamed Samaale ayaa Sheegay inuu rumaysan yahay in Xisbiga Kulmiye uu Gobolka Togdheer ka heli doono Codad ka badan kii 2010-kii Lagu doortay Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Waxaa Kale oo Mudane Samaale Fariin u diray Siyaasiyiin aanu Magac dhabin oo ku faana sida uu Yidhi Waxqabadka…

Read More

Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan oo Dhaliilo Xoogan u Jeediyey Xisbiga Waddani Bulshada Gobolka Togdheerna ka Dalbaday inay Fuliyaan Dardaarankii Madaxweyne Siilaanyo ee Ku Wajahnaa Cida uu u Soo Xulay inay Doortaan DAAWO

Burco 26. October 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi C.rashiid Xasan Mataan oo haatan ka Mid ah Saraakiisha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa sheegay in Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi uu Yahay Siyaasi Waayo arag ah oo dalka ka sii wadi kara halka uu Madaxweyne Siilaanyo kaga tegayo dharaaraha fooda inagu soo haya….

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Ciidammada Qalabka Sida Iyo Macalimiinta Dawladda u Soo Dadejiyey Mushaharrooyinkoodii Bishan

Hargaysa 26. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Mushaharkii Bishan October u qaddintay Ciidammada Qalabka Sida iyo Macalimiinta Dugsiyada Waxbarashada Dalka. Wasiirka Maaliyadda oo fulinaysa amarka Madaxweynaha Somaliland ayaa Mushaharkii bishan October u soo qadintay ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland Iyo Macalimiinta, maaddaama oo dalku uu u diyaar-garoobayo…

Read More

Habacsanaantii ugu Xooganayd oo soo Food saartay Xafiisyada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Walaac laga qabo dayacnaan ka dhalata in Marxalada Kala Guurka ah laga faa’iidaysto!!

Hargaysa 26. October 2017 (SDN/QJ):-Iyadoo toddobaadkii u dambeeyay la dareemayay hoos u dhac ku yimid shaqadii dawladda, gaar ahaan xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha kale qaarkood, ayaa haddana wixii ka dambeeyay Sabtidii oo uu ololaha doorashadu bilaabmay, waxa la dareemayaa habac ku yimid shaqo maalmeedkii dawladnimo.   Kormeer uu shalay wargeyska Geeska Afrika ku soo sameeyay…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Maroodi Jeex Mustafe Shiine & Bedelkiisii oo uu Magacaabay

Hargaysa 26. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-5169/102017 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey  Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.   Xilka Qaadis   Ku:      Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Maroodi-jeex                                              Hargeysa   Og:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                                 …

Read More

Xisbiga Kulmiye oo Wacdaro ka Dhigay Xarunta Gobolka Salal ee Magaaladda Saylac & Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Mudane Saylici oo Kala Qayb Galay DAAWO

Saylac 26. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku xigeenka JSL ahna musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga kulmiye Md: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kala qayb galay taageerayaasha xisbiga kulmiye isu soo baxa ololaha doorashadda madaxtooyadda ee gobolka Salal gaar ahaan magaaladda Saylac. Xisbiga Kulmiye ayay Shalay u ahayd Maalintiisii Labaad ee Kaltanka Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda,

Read More

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL, Md. Maxamed Muuse Abees Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey Oo Sheegaya Inuu Iska casilay Xilkii Uu Qaranka U Hayey

Hargaysa 26. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane. Maxamed Muuse Abees oo ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku beeniyey wararkaasi, sidoo kalena ku sheegay inuu La shaqaynayo Xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo xisbul xaakimka Kulmiye, qoraalkaasi ayaa u dhigan sidan:- “Waxa aan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo taageerayaashayda u sheegayaa…

Read More

Caasimadda Hargaysa oo ay Soo Gaadheen Hormadii Kowaad ee Goob Joogayaal Caalami ah oo la Soconaya Doorashadda Madaxtooyadda DAAWO

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Caasimadda Dalka Somaliland ee Hargaysa soo gaadhay Qayb ka Mid ah Goob Joogayaasha Caalamiga ah ee Kor Joogtada ka noqonaysa Hannaanka ay u dhacayso Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee Ku astaysan 13-ka Bisha November ee Sannadkan. Goob Joogayaashan oo Ka Kala Socday 24 Dal oo Caalami ah ayaa Waxaa maanta Qaabilay…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Deg Deg u Magacaabay Xil uu Maanta Iska Casilay Gudoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Sanaag

Hargaysa 25. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag. Wareegtadan Madaxweynuhu soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Cige Dayr ayaa u dhignayd Sidan: Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad…

Read More

Kenya oo Beri oo Khamiis ah Galaysa Xaalad adag,Doorashadda Ku Celinta ah oo Dhacaysa, Baaqa Hogaamiyaha Mucaaridka ee Dhaq-dhaqaaqa Wax iska Caabinta,& Walaaca Laga Qabo Xiisad Dagaal oo Qaraxda!!!

Nairobi 25. October 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa u sheegay taageerayaashiisa inay guryahooda ku ekaadaan oo aysan u soo bixin doorashada ku celiska ah ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo berri. Waxa uu sheegay in Isbaheysigiisa NASA uu isu beddelayo “Dhaqdhaqaaq wax iska cabin ah” Raila oo taageeayaashiisa kula hadlay fagaaaha Uhuru…

Read More