Webmaster

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo Oo La Baaxaa-degaya Culaysyo-siyaasadeed Oo Gudaha Iyo Dibadda Dalkiisa Ah

Muqdisho 24. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Shalay dhaw u dhoofay magaaalada Kampala ee dalka Uganda socdaal qeyb ka ah safar uu ku tagi doono qaar ka mid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa madaxda dalka Uganda kala hadli doona arrimo badan oo ay ka mid tahay…

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Ku Dhawaaqay Isbedel ay Ku Sameeyeen Saacadaha Ololaha Xisbiyadda & Sababaha Keenay DAAWO

Hargaysa 23. October 2017 (SDN/QJ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta Wax ka bedel ku sameeyay Saacadaha Xisbiyadda Qaranka loo ogol Yahay inay sameeyaan Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland. Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Siciid Cali Muuse iyo Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Eng C.qaadir Iimaan Warsame oo Maanta Kulan Warbaahineed ku qabtay Xarunta Guddidda Doorashooyinka ayaa Sheegay inay Wax…

Read More

Nuxurka Khudbad Murashax C.raxmaan Cirro u Jeediyey Kumanaan ka Mid ah Shacabka Caasimadda ee Taageersan Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 23. October 2017 (SDN/QJ):-Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa waxaa isugu soo baxay Taageerayaal Tiro badan Waxaana Halkaasi Khudbad uga Jeediyey Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro & Madax kale. Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa u mahadceliyay taageerayaasha guud ahaan gobollada dalka isugu soo…

Read More

Wacdarihii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maanta ku Soo Bandhigay Magaaladda Ceerigaabo,Iyo Khudbad Quluubta Taageerayaasha Saamayn Ku Yeelatay oo Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Jeediyey DAAWO

Ceerigaabo 23. October 2017 (SDN/QJ):-Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Taageerayaal laxaad leh oo Ku dhaqan Magaaladda Ceerigaabo waxa uu ugu soo bandhigay Qorsheyaasha uu Xisbigiisu ku rabo inuu hogaaminta dalka kula wareego.

Read More

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Mawjado Dad ah & Wacdare la yaableh ka Dhigay Caasimadda Dalka ee Hargaysa DAAWO

Hargaysa 23. October 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Waxa uu ku soo bandhigay Dhoola Tus xoogan oo Siyaasadeed Isla markaana uu ku Muujinayo Cuddudiisa ku wajahan Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda. Magaalooyinka uu sida weyn Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maanta isu soo baxyada ka dhigay waxaa Ka…

Read More

Xisbiga WADDANI oo Isku-Soo Baxyaddii ugu Ballaadhnaa Ka Dhigay Dalka+ Taageerayaashiisa oo Muujiyey Cudud Taageero oo Xooggan[+SAWIRO]

Hargaysa 23. October 2017 (SDN/QJ):-Kumanaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ah ayaa dhoolatusyo balaadhan ka sameeyay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland maalinta koobaad ee xisbigu u lahaa ololaha doorashada madaxtooyada ee 13 November. Masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga ayaa kala qayb galay isu soo baxyada taageerayaasha oo kala hadlay fagaareyaal ay camireen taageerayaasha…

Read More

Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Caawa Dib ugu Soo Laabtay Caasimadda Hargaysa

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamud Siilaanyo ayaa caawa Fiidkii dib ugu soo Laabtay Caasimadda Dalka ee Hargaysa Kadib Markii uu Socdaal ku tegay Qaar ka Mid ah Gobolada bari ee Dalka. Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Hogaaminayo Waxa uu Safarkiisu daaranaa dhamaystirka Heshiis buuxa oo dhex maray Xukuumadda…

Read More

Hargeysa: Xisbiga KULMIYE oo Dhoolla-tus Layaab leh ku Bilaabay Ololihiisa Caasimadda Baaxadda isu soo baxa taageerayaasha KULMIYE + baaqa Ambassador Cawil iyo dardaaranka Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga  Midnimada iyo Horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa dhoolla-tuska layaab leh ku bilaabay maalinta koowaad ee ololihiisa ku bilaabay ee Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland. Kumannaan ku dhaqan magaalada Hargeysa oo ka mid ah taageerayaasha xisbul-xaakimka KULMIYE oo isugu jira dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida waayeelka, dhallinyarada iyo haweenka…

Read More

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Ololaha Xisbiga Kulmiye Maanta Kaga qayb galay Magaaladda Burco Isla Markaana Jebiyey Wareegtadii uu Ka Soo Saaray Adeegsiga Gaadiidka Dawladda SAWIRO

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa Maanta Guud ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka ku qabtay isu soo baxyo Kulmiyey Taageerayaal Laxaad leh oo uu ku Muujinayo Cuddudiisa ku wajahan Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda waxana magaalada Burco kala qayb galay madaxweynha JSL Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo…

Read More

‘’Waxaanu Dhamaynay Tabashadii Reer Awdal’’ Murashax Muuse Biixi oo Duufaan Siyaasadeed Isaga Kiciyey Gobolka Awdal & Madax Dhaqameed Beeniyey Weedho ka soo Yeedhay DAAWO

Boorama 22. October 2017 (SDN/QJ):-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb qaadanayay Dood loo qabtay Murashixiinta Sadexdda Xisbi qaran ayaa sheegay in Xukuumadda Iyo Xisbiga Kulmiye ee ay ka dhalatay ay dhameeyeen Tabasho hore uga soo yeedhay Beelaha dega Gobolka Awdal Waxaana Jawaabo duufaano ah kaga falceliyey Mid ka mid Salaadiinta Gobolka…

Read More

Weriyeyaasha Cali-Seenyo iyo Maxamed-ilig Maxaa Ku Qasbay inay Daaddihintii Doodda Musharrixiinta u Dhaartaan? DAAWO

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Weriye Cali Axmed Raabbi (Cali-Seenyo) oo ay isaga iyo Weriye Maxamed Cabdi Sheekh (Maxamed-Ilig) Daaddihinayeen Dooddii dhex-martay Saddexda Musharrax Madaxweyne ee Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani oo Habeenkii Jimcaha ka qabsoontay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana la dhaariyey intii aanay doodda bilaabin ka hor, ayaa markii u horreysay ka…

Read More

Mujaahid Axmed Mire oo Sharaxaad ka Bixiyey Qoraal uu Dhawaan Baahiyey oo Qoonsimaad Keenay

London 22. October 2017 (SDN/QJ):-Mujaahid Axmed Mire Maxamed, ayaa ka dareen celiyay qoraal uu hore u qoray toddobaadkii la soo dhaafay kaas oo ay ka dhasheen dareeno, waxaanu sheegay in nuxurka qoraalkiisu ahaa xoojinta dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga. Wuxuu dad aanu magacaabin ku eedeeyay inay bedeleen  hadalkiisii islamarkaana ay la wareegayaan isku dirka qabiilada iyo…

Read More

‘’Dawladdu waa inay talaabo ka qaado salaadiinta iyo siyaasiyiinta ku ololeeya qabyaalad, si aanay dadku  cadaawadi u soo kala dhex galin’’ Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Somaliland

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay ololaha iyo loolanka Xisbiyada, waxaanu ka digay in lagu ololeeyo Qabyaalada, waxaanu Dawladda ugu baaqay in talaabo laga qaado Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta ku ololeeyana qabyaalada, si ay u dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ahi. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee…

Read More

“Nin Aanu Jabhaddii Wada Ahayn Oo Axmed Mire La Yidhaahdo Inuu Maanta Xoqo Wixii 1994-Kii Hargeysa Ka Dhacay Waa Ayaan-Darro, Sidoo Kale Ninka Buurmadow La Yidhaa ee Boqorka Lagu Sheego…” Xasan Guure

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Muj. Xasan Guure Jaamac ayaa laba jawaabood oo adag midig iyo Bidix Uga kala dhiibay Col. Axmed Mire Maxamed oo dhawaan hadal uu warbaahinta mariyey ku goodiyey xasillooni darro dalka ka dhacda haddii Doorashada soo socotaa uu ku soo bixi waayo cidda uu…

Read More

Sidee Looga Daawaday Doodda Saddexda Musharrax Ee Somaliland Magaalooyinka Soomaalida Ee Geeska Afrika (Jabuuti, Jigjiga, Muqdisho Iyo Gaarisa), Dareenkii Reer Muqdisho, Dooddii Reer Jabuuti Iyo Dardaarankii Reer Gaarisa?

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Soomaalida ku nool Geeska Afrika iyo Guud ahaan Caalamka kaleba ayaa Telefishannada Af-soomaaliga ku hadla si weyn ugala socday Dooddii Musharraxiinta u tartamaysa kursiga Madaxweynenimo ee Somaliland oo Habeen hore ka qabsoontay Caasimadda Hargeysa taasi oo noqotay tii ugu horraysay ee ay isku soo hor-fadhiistaan Musharraxiin u taagan kursiga Madaxtinimo guud…

Read More

“Sidee Dal Loogu Aamini Nin (Faysal) Xisbigiisii Ku Dul Dumay, Cirro Waakaa Dadaalay Ee Xisbigiisu 10 Sano Oo Kali Ah Kula Tartamayo Xisbul Xaakim” ….Siyaasi Cali Guray

Hargaysa 22. October 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa fal-celin ka sameeyey dooddii musharraxiinta saddexda xisbi qaran ku dhex martay caasimadda Hargeysa isaga oo si adag u weeraray Musharraxa Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo uu ku sifeeyey siyaasi fashilmay oo ka shararxan xisbigii ugu da’weynaa oo uu baabi’iyay iyo in musharrax…

Read More

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Xaflada Qalin-jebinta Jaamacada Golis Fara-ceeda Burco Xadhigana ka Jaray Dhismaha Miiska Saraakiisha ee Ciidanka Qaranka Togdheer SAWIRO

Burco 21. October 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada Bariga ayaa maanta magaalada Burco kaga qayb galay munaasibad loo sameeyey arday ka qalin jabisay Jaamacada Golis qaybteeda Togdheer.   Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey Ardaydii ka qalinjebisay jaamacada golis ayaa yidhi “Dhammaan marti-sharafta, masuuliyiinta kala duwan, madaxda…

Read More

Xisbiga Kulmiye Oo Khal Khal Galiyey Ololihii Maanta Ee Xisbiga UCID Iyo Xisbigaas  oo Baaq adag Diray DAAWO

Hargaysa 21. October 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maanta Somaliland ka bilaabmay Ololaha Doorashadda Madaxtooyadda Waxaana Bilaabay Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid. Afhayeenka Xisbiga Ucid ayaa Sheegay in Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye uu ku kacay fal ka soo Hor jeeda anshaxa doorashadda isla markaana uu Maanta Olole sharci daro ah sameeyay.

Read More

Xisbiga Ucid oo Maanta Wacdaro ka Dhigay Magaaladda Burco & Murashaxa Madaxweyne ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Ka Sheekeeyay Waxqabadka uu Dalka ka Hirgalin Doono Hadii la Doorto DAAWO

Burco 21. October 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa taageerayaasha xisbigaas kala qayb galay isu soo baxa ololaha ee xisbigaasi ku qabsaday magaalada Burco. Faysal Cali Waraabe “Labada Murashax Ee Kale Taladoodi Waxay Saarteen Salaadiintoodii, Anna Waxaan Taladayda Saartay Ilaahay, “Waxaa Ii Soo Hambalyeeyay Dad Ku Dhaw 200,000,(Laba Boqol Oo…

Read More

Xisbiga Ucid oo Maanta Guud ahaan Gobolada dalka ka Sameeyay Ololaha Tartanka Doorashadda Madaxweynaha SAWIRO

Hargaysa 21. October 2017 (SDN/QJ):-Iyadoo uu Maanta Bilaabmay Ololihii Doorashadda Madaxtooyadda ayaa Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka ee Ucid Waxa uu Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka ku qabtay isu soo bax ay taageerayaashiisu ku dhoola tusanayeen Waxaana kala qaybgalay Madax iyo Mas’uuliyiin kala Duwan. Gudoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa taageerayaasha xisbigaas kala…

Read More