Webmaster

Ciidamadda Qaranka Oo Baacsaday Kooxda Khaatumo Oo Soo Weerartay Widh-widh

Widh-widh 24.June 2016 (SDN/QJ):- Saddex qof oo rayid ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen iska hor imaad galabnimadii Salaasadii todobaadkan degmadda Widh-widh ee gobolka Sool ku dhex maray cutubyo ka tirsan ciidamadda qaranka Somaliland ee halkaa degan iyo koox ka tirsan maleeshiyadda nabad diidka ah ee Khaatumo. Dagaalkaasi ayaa dhacay ka dib markii…

Read More

‘’Waar Reer Berberoow Imaan la’aan ayaa idin haysee dalkiina u Tudha,Reerka iminka loo Dhisayaana Waa Qoladii Berbera looga tegay’’ Xildhibaan C.raxmaan Shaadh DAAWO

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan C.raxmaan Cismaan Xasan Shaadh oo ka Tirsan Mudanayaasha Golaha ayaa ka hadlay Mudaharaadyo ka dhacay Magaalada Berbera kaas oo lagaga soo hor jeedo heshiiska Xukuumadu ku wareejinayso Maamulka Dekeda Berbera ee ay la gashay Shirkada Imaaraadka ee DPW. https://www.youtube.com/watch?v=7w3eM2DZxAc

Read More

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Wasiirka Dib u dejinta ku eedeeyay inuu Xidhay Gudoomiyihii Xisbiga Waddani ee Gobolka Saraar

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):-X ildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga guddoomiyaha gobalka Saraar ee xisbiga Waddani Maxamuud Warsame Geedi oo uu ku eedeeyay inuu xidhay wasiirka dib u dejinta iyo wasiirul dawlaha waxbarashada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Xildhibaan Siciid oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqal insaanka, distoorka iyo garsoorka ee golaha wakiilada,…

Read More

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida ugu baaqay inuu deg deg u soo daayo Weriye Mukhtaar Nuux DAAWO

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ah Gudoomiyaha Gudida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiiladda ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dawlad deegaanka Somalida Itoobiy Cabdi Maxamud Cumar inuu sida ugu dhakhsiyaha badan Xoriyadiisii ugu soo celiyo Weriye Mukhtaar Nuux Ibraahin oo Gobolka Gebilay uga soo warami jiray Telefishanka HCTV kaas oo la sheegay inuu…

Read More

La Taliyaha Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka Wax laga Xumaado ku Tilmaamay Sida Mareegta Cakaara ay u dhalan rogtay Qoraalkii uu iskaga Casilay Tifaftiraha HCTV

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):-          Suxufiga Ruug Cadaaga ah ee C.laahi Aadan Cumar Wayab Wakhtigana ka Mid ah La Taliyeyaasha Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Somaliland ayaa ka hadlay Qaab Khaldan oo Mareegta Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya u dhalan rogeen Mar uu iska Casilay Tifaftiraha Guud ee Telefishanka HCTV. Qoraal uu soo saaray C.laahi Aadan…

Read More

Khaladaadka Ay Galaan Waalidiinta Is-fura Ama Kala Taga Iyo Raadaynta Ubadka

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Sida aynu wada ognahay furriinka Lamaanaha is-qabay waxa ka dhasha dhibaatooyin aad u fara badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwa dhaqaale iyo kuwa nafsad ahaaneed ba . Waxaa jira sababo dhawr ah oo fududayn  kara furriinka, balse ugu dambayn ayay natiijadu noqotaa xanuun tiro badan iyo dhibaato soo waajaha…

Read More

Cadadka Cashuur Golaha Deegaanka Hargeysa Ansixiyey Oo La Saaray Wershadaha Soo Saara Adeegga Qashinka Ugu Badan Ee Caasimaddu Ka Dhasho

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa ansixiyey Cashuur dheeraad ah oo Guddida Bilicda Caasimaddu ku soo rogeen Warshadaha soo saara Biyaha Sifeysan ee loo yaqaanno Moysaxada.   Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo Saxaafadda la hadlay ka dib kulan Shalay Wasaaradda Arrimaha gudaha ku dhex maray Guddida Bilicda Hargeysa iyo Masuuliyiinta Warshadaha…

Read More

Nuxurka Kulan dhex Maray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Somaliland

Hargaysa 24.June 2016 (SDN/QJ):- Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland kuna hawlan arrimaha horumarinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka ayaa kulan la qaatey Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID, kulankaasi oo ka qabsoomey xarunta dhexe ee Xisbiga. Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe   Kulankaasi oo daba socdey mid…

Read More

Wasaarada Warfaafinta Puntland oo Xidhtay Radio Daljir iyo Wariyaal ka hadlay

Garowe 24.June 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Garowe waxaa hawada laga saaray idaacada Radio Daljir kadib cod laga duubay wasiirka wasaarada warfaafinta dawlada Puntland oo saxaafada loo qaybiyey kaas oo ay ka xumaadeen wariyaasha deegaanada Puntland. Maxamuud Xassan Socadde Wasiirka wasaarada warfaafinta dawlada Puntland ayaa cod laga duubay wuxuu ugu dhaartay wariyaasha kasoo horjeeda sumcada iyo amniga…

Read More

Maxkamadda Sare Ee Maraykanka Oo Hor-joogsatay Qorshe Uu Watay Madaxweyne Obama

Washington 24.June 2016 (SDN/QJ):- Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa hor-istaagtay Qorshe uu Madaxweyne Obama ku doonayo inuu inuu sharci ku siiyo Malaayiin dad, oo sharci daro ku joogay Maraykanka sanado badan, kuwaasi oo Dawladdu doonayso inaan Dalka laga Mastaafurin. Maxkamadda sare ayaa joojisay isbeddel uu Obama doonayey in lagu sameeyo Sharciga degganaanshaha Maraykanka, laakiin Qorshahaas…

Read More

Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland ee Maanta oo si Gaar ah loogaga Hadlay Xuska 26 June

Hargaysa 23.June 2016 (SDN/QJ):- Shirkii todobaadlaha ahaa ee golaha xukuumadda oo tirsigiisu ahaa 199,  ayaa maanta oo ah 23-June-2016, ku qabsoomay hoolka shirarka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.   Sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada C.raxmaan Sheekh Cilmi Faahiye Shamax Waxaa Shirkan shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagu…

Read More

“Tartanka soo Socda shaki kama qabo Ilaahay idinkiisa siday u eegtahay iyo indhahay leedahay, KULMIYE waa intiisii oo…” – Guddoomiyaha KULMIYE

Hargaysa 22.June 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa rajo wayn ka muujiyey in xisbigiisu mar kale ku guulaysanayo doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamanka ee u qorshaysan inay qabsoomaan horraanta sannadka 2017. Sidaana waxa uu Md. Muuse Biixi ka sheegay casuumad afur…

Read More

Safiirada Dowlada Ingiriiska Ee Wadanka Somaliya Oo Ka hadashay Qadiya Gooni Istaaga Somaliland Iyo Qodobo kale oo Xasaasi ah DAAWO

London 22.June 2016 (SDN/QJ):- Safiirka Dawlada Ingiriiska u fadhida Somalia ayaa Wax laga Weydiiyey inay Xafiis Ku leedahay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland, Wada hadalada u Socda Somaliland iyo Somalia,Taageerada Ingiriisku siiyo Somaliland iyo Qadiyada aqoonsiga Somaliland. https://www.youtube.com/watch?v=PsejTx1rw_A

Read More