Webmaster

London:- Dareenadda Naxdinta Leh ee Ku Xeeran Gabadh Somaliyeed oo Is dishay Kadib Markii La Kufsaday DAAWO

London 24.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gabadh Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Faisa Ahmed’s ayaa is dishay, kadib markii la kufsaday, Falkaas ayaa Wararku Sheegayaan inay Marxuumadda ku Dhalisay Buuq fara badan oo Sababay inay Mararka qaar isla hadasho. Marxuumad Faisa Ahmed waxay ku nooshahay bariga Magaalada London ee cariga Ingiriiska. Hadaba, HALKAN HOOSE KA DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=KGhsx1_mRkY

Read More

“Meelaha Qaar Kama Jiraan Goobo La Iska Diiwaangeliyaa…….” Gudoomiye C.raxmaan Cirro

Burco 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo hoggaaminaya wefti uu ku marayo goboladda beriga oo lagu magacdaray Samawadde, ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo ujeedada uu daaran yahay, Isla markaana wuxuu sheegay in meelaha qaar aanay ka jirin goobo la iska diiwaangeliyo. Sidoo kale meelaha qaar looga guuray abaaro oo dadku ay…

Read More

Arday Somaliland ka Socda oo Kaalinta 1aad ka Galay Tartan Caalami ah oo ka Dhacay Imaaraadka DAAWO

Hargeysa 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Caasimada Hargaysa lagu soo dhaweeyay arday Somaliland ka Socotay oo Guul taariikh ah ka soo hooyay Tartan ka dhacay Waddanka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ardaydan oo Wax ka barata Dugsiga Degmada Sheekh ee ay Gacanta ku hayso Hay’ada Sos ayaa Markii ay Madaarka ka…

Read More

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Xaglatoosiye Oo Kulan Xasaasi ah la Yeeshay Gudiga Beelaha Dhulbahante Iyo Go,aano Ay Isla Meel Dhigeen

Buuhoodle 24.Jan 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed ayaa habeenkii xalay kulan labo geesood ah la yeeshay gudida beesha degta deegaanka Buuhoodle Kulankaas oo u dhexeeyey Beelaha Dhulbahante Iyo Xukuumada Somaliland oo uu u joogay kulankaas Wasiirka Wasaarada Caafimadka Somaliland Kulanka Wasiir Saleebaan Xaglatoosiye la qaatay Beesha ayaa waxaa diirada lagu saaray…

Read More

Raysal Wasaarihii Hore ee Somalia oo Rajo Quus leh ka Muujiyey in Somalia ay Sannadkan ka dhacaan Doorashooyinkii loo Qoondeeyey DAAWO

Garowe 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Shiikh Axmed oo socdaal ku jooga Puntland ayaa sheegay iney ka welwelsan yihiin in doorasho dhici weydo 2016, maadama uusan waxba kasoo bixin shirkii madaxda Soomaalida ku yeesheen bishaan gudaheeda magalada Kismaayo. Cabdiweli waxa uu sheegay inay dhiman yihiin dhowr bilood isla markasna waxa uu…

Read More

 “Hooyaday Soo Kiciya”: Wiil Afar Jir Ah Oo Hooyaddii Lagu Hor Toogtay iyo ka waranka Dhacdo Naxdin leh

Muqdisho 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Weerarkii qaraxyada iyo rasaasta isugu jiray ee lagu qaaday xeebta Liido ee magaaladda Muqdisho ayaa waxa ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee halkaa ku sugnaa ee ka badbaaday weerarkaa wiil afar jir ah oo hooyaddii iyo xubno kale oo qoyskooda ah lagu hor toogtay. Siday baahiyeen shabakadaha wararku xilligii weerarkaasi…

Read More

Soomaaliya Iyo Sacuudiga Iyo Xidhiidhka Loo Jaray Iiran Warbixinta uu ka qoray Qadiyaddaasi Sir faafiyaha Caalamiga ah ee Wikileaks AKHRI

Nairobi 24.Jan 2016 (SDN/QJ):- Dad badan oo arrimaha Soomaaliya iyo Sacuudiga xog-ogaal u ahi lama ay yaabin dhacdooyinkii ugu danbeeyey gaar ahaan dhaliishii ay Soomaaliya u dirtay dalka Sweden , ka dib markii dawlada Sweden ay Sacuudiga ku dhaleecaysay xaquuqda bani aadamka ee ay ku xadgudbaan , waxa kale oo aan lala yaabin xidhiidhkii ay…

Read More

Maayarka Iyo Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dad iyo Xoolo Farabadan Oo Ku Dhibaataysan Deegaano Waqooyiga Hargeysa Ah

Hargeysa 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Maayarka iyo Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa qaylo-dhaan ka soo saaray dad xoolo-dhaqato ah iyo xoolahoodii oo dhibaato ku haysato deegaano ka tirsan waqooyiga Hargeysa, kuwaas oo ugu baaqay ganacsatada iyo bulshada kaleba in gurmad degdeg ah lala gaadho. Dadkan xoolo-dhaqatada ah iyo xoolahoodii ayaa wakhtiyada jiillaalka xoolahooda u dhaadhicin jiray deegaanada…

Read More

Askarta Naaxda Ee Booliska Ingiriiska Oo Mushaharka La Dhimayo

London 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Taliska guud ee booliska dalka Ingiriiska ayaa Askarta Naaxda ama saraakiisha buur buuran ee ciidamadooda u diray, warqado lagula socodsiinayo in haddii ay baruurta iska ridi waayaan muddo lix bilood ah mushaharkooda badh laga goyn doono, si qasab loogaga dhigo in ay ka hawl galaan sidii ay baruurta isaga ridi lahaayeen….

Read More

Baraf Aan Caadi ahayn Iyo Dabaylo Xoogan oo laga dareemay Bariga Maraykanka

Washington 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Washington DC iyo gobollada bari ee Maraykanka waxaa ka da’aya baraf dabeylo wata oo la sheegay inuu socon doono ilaa 30 saacadood ee soo socda. Lix gobol oo ku yaalla dhinaca bari ayaa lagu dhawaaqay xaalad deg-deg ah, waxaana dadka lagu amray inaysan guryaha ka soo bixin. Barafka ayaa saameynayaa…

Read More

Hay’adda NASA Oo Sheegtay In Qaraxii Weynaa Ee Cadceedu Sameeyay Dhinbiilo Hydrogen Ah Oo Halis U Leh Dunida

Washington 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Qarax si dabiiciya uga dhacay cadceeda ayaa sababay olol iyo bambooyin hal bilyan ka badan, oo nooca Plasma loo yaqaan ah, kuwaas oo ka samaysan curiyaha ololka daran ee Hydrogen afka qalaad loogu yeedho, sida laga soo xigtay wakaalada sahaminta hawada sare ee dalka Maraykanka NASA oo iyadu sawir ka qaaday….

Read More

Gurigii Lagu Metelay Filimkii Caan baxay ee Gurigaan Keli Ku Ahay “Home Alone” Oo La Iibinayo

Chicago 24,Jan 2016 (SDN/QJ):- Guri ka mid ah kuwii sida wayn caanka u noqday sagaashanaadkii qarnigii hore ee aynu ka soo gudubnay, isla markaana dadka intooda badani ku xasuustaan sumcadii iyo magacii uu ka helay filimkii lagu metelay ee Gurigaan keli ku ahay ama “Home Alone” ayaa shaaca laga qaaday in la iibinayo. Gurigan oo…

Read More

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Iyo Kulankii uu Ganacsatada Maanta la Yeeshay Maxaa Natiijo ah ee ka soo Baxay DAAWO

Hargaysa 23.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta (23.01.2016) kulan ballaadhan oo muhiim ah la yeeshay Ganacsatada waaweyn ee dalka. Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, W. Madaxtooyada, W. Maaliyadda, W. Ganacsiga & Maalgashiga, W. Qorshaynta Qaranka, W. Duulista Hawada, W. Difaaca, W….

Read More

“Liido iyo Madashu isu keey qaban la” Yuusuf Garaad oo Tusmo Cusub ku Cabiray Wixii ka dhacay Xeebta Liido

Muqdisho 23.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxda Dowlad Goboleedka iyo Madaxda Qaranku waa in ay runta dalka iyo xaaladda shacabka Soomaaliyeed uu ku sugan yahay ay fahmaan, dareemaan, una dhaqmaan si ka tarjumeysa xaaladdeenna.         In Shabaab ay weerar joogta ah ku hayso shacabka, bil kasta aan la taahno murugo haddiiba aan ka badbaadno…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Shaacisay Liisamada Wadista Gaadiidka ee Caasimada Hargaysa DAAWO

Hargaysa 23.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Marwo Sam-sam Cabdi Aadan, Oo Warbaahinta Kulahadlaysay Xafiiskeeda ayaa shaacisay in Wasaaradda Maaliyadu Soo saartay Liisanka Cusub ee Wadayaasha Gaadiidka, inta laga soo saarayo liisanka Lafta ah. Wasiirku Wax ay sheegtay In Liisankan Cusub Laga Qaadan Doono Laamha Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.  Wasiirka Wasaaradda…

Read More

“Hanagu Kalifina Inaanu Idinka Tashano, Ma Idiin Aqoonsanini Inaad Diintayada Masuul ka Tihiin” Maxmed Xaaji I.cigaal DAAWO

Hargaysa 23.Jan 2016 (SDN/QJ):- AUN Madaxweynihii Hore Somaliland Oo Ahaa Sida Dadka Aqoonta Ulihi Tilmaamaan Aabihii Dimuquraadiyada Geeska Africa, Ayaa Xidhiidhkii Uu Lalahaa Beesha Caalamku Uu Ahaa Mid Aad U Adag, oo aanu Cidna Daba Fadhiisan Jirin. Daawo Xidhiidhkii Dhinaca Wadamada Carabta iyo Weedhaha Uu Ku Ganay.

Read More

Curadkii Curinta: Calan-side Cali Sugulle Cigaal, (1936kii – 2016ka)

  “Waxan waayey, waayeel murtida, waajibkeed gudaye, Waxan waayey, waadiga hiddaha, weel nin noo dara e’, Waxan waayey, ruux loo wakiyo, wiiqii bawdada e’, Waxan waayey, ruux lagu wardiyo, weedhuhuu yidhiye, Waxan waayey, wabarkii tixdiyo, wadanaheediiye, Waxan waayey, waradii hiddaha, waayo-ara ggiiye, Waxan waayey, wadihii wan-qalay, wowga dirireede, Waxan waayey, wadhi kii ku dhigay, gaalkii…

Read More

Qiimaha Sarifka Dollarka oo Halkii u Hoosaysay Tegay iyo Maceeshadii oo aanay Waxba ka dhicin+ Shir Madaxtooyadda Ka Dhacay DAAWO

Hargaysa 23.Jan 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Labadii maalmood ee u danbeeyay Suuqyada Somallland si wayn looga daremayay hoos u dhac ku yimid qiimhii sarrifka dollar-ka halka qiimihii shilinka Somaliland uu kor u kac ku yimid Bulshada ku dhaqan Somaliland ayaa soo dhaweeyay talaabadan wallow ay talaabadan ay barbar socoto dhibaato kale oo ah Maciishadii oo cirka…

Read More

Sheekh Aadan Siiro oo ka hadlay Dagaalkii uu Daahir Rayaale la Galay Iyo Natiijada Isbedelkii uu Siilaanyo ku Taageeray

Hargaysa 23.Jan 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Dilalkii Qisaasta ahaa ee Xukuumadda Somaliland ku fulisay 7-dii qof ee loo haystay inay hore Dad u dileen, waxaanu sheegay inay tahay tallaabo dhanka Wanaagsan loo qaaday Maaddaama oo Amarka ILLAAHAY (SW) la fulinayo. Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbad kasta oo Jimcaha…

Read More