Webmaster

    Maxkamada Hargeysa oo Rumaan u Dirtay Hoboladii Xidigaha Geeska iyo Shacabka oo soo dhaweyey

    Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta Todoba cisho oo Rumaan ah u dirtay Fanaaniinta Afartii Fanaan ee ka Tirsanaa Xidigaha Geeska. Fanaaniintan oo Maalintii Axadii laga Qabtay Madaarka Cigaal ee Hargeysa kuwaasi oo ka soo laabtay Bandhig faneed maalintii ciida ay ku dhigeen Magalada Muqdisho, fanaaniintan ayaa ku eedeysan qarandumisnimo ka dib…

    Read More

      “Madaxweynuhu Waxa La Filayaa Inuu Iclaamiyo Inaanuu Musharax Ahayn, Kolayse Cid Buu Dhabarka Taaban doonaa” Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow

      Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ka tirsan hogaanka dhaqanka Somaliland, laguna tiriyo dadka xogogaalka u ah siyaasadda xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, ayaa iclaamiyay in la filayo in Madaxweyne Siilaanyo cid gaar ah u asteeyo musharaxnimada Kulmiye. Boqor Buurmadow oo waxa uu sheegay inaanu Madaxweynuhu sharaxnayn “Qoladii Kulmiye way muddeeyeen wakhtigay…

      Read More

        “Markaa Waxaan Ku Lahaa Maxamed Biixi, Ma Xusuusataa Ushii Dheerayd Ee Aad Sidan Jirtay Berrigii Aad Macalinka Noo Ahayd” Gudoomiye Muuse Biixi

        Hargeysa, 29 Sep 2015  (SDN/QJ)-Siyaasiyiinta loollanka adagi ka dhexeeyo ee Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi ayaa shalay ku kulmay madal hadhimo sharafeed ahayd oo nin ganacsade ahi ku martiqaaday wasiiradda beesha woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa kaga jira xukuumadda, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, Wasiirka arrimaha Gudaha, xubno madax dhaqameed ah iyo xubno kale, kuwaasoo isu gaynta wadartoodu…

        Read More

          Maxkamada Gobolka Hargaysa oo Go’aan ka Qaadanaysa Dacwad u dhaxaysay laba Jaamacadood

          Hargaysa 29.Sep 2015 (SDN/QJ)- Waxa Axadii toddobaadkan si rasmi ah ay maxkamadda gobalka Hargeysa u soo gunaanaday dacwad u dhaxaysay jaamacada Hargeysa iyo jaamacad kale oo la baxday Hargeisa International University. Jaamacada Hargeysa ayaa dacwad ku oogtay jaamacadan cusub oo uu aasaasay Dr. Cabdi Gaas oo hore guddoomiye uga ahaa jaamacada Hargeysa, waxaanay jaamacada Hargeysa…

          Read More

            “Waxaan Xukuumadda ugu Baaqayaa inay Xoriyadoodda u soo Celiso Fannaaniinta Xidigaha ee u Xidhan” Xasan Guure

            Hargaysa 29.Sep 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa Xukuumadda ku canbaarayey xadhigii Fanaanta Xiddigaha Geeska ee Xamar tagay, waxaanu sheegay in aanay Fanaantu ahayn Siyaasiyiin, Xamarna u tageen oo qudha bandhig iyo inay ka soo heesaan, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u soo dayso.   Guddoomiyaha…

            Read More

              Xukuumadda Somaliland Dalacsiisay Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Booliiska iyo Asluubta

              Hargeysa, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ayaa dalacsiisay askar iyo saraakiil ka tirsan labada ciidan ee Asluubta iyo Booliiska, kuwaas oo in muddo ah sugayey isla markaana ay arrintoodu hortaalay guddida darajooyinka oo in muddo ah gacanta ku haysay. Dalacsiinta ciidamadda Somaliland ayaa ah arrin niyadsami ku abuuraysa Ciidamadda Somaliland oo markii ugu horaysay ay…

              Read More

                “Xukuumada Cid uga Wanaagsan Gacan ku haynta Haamuhu Ma Jirto” Xildhibaan Shaadh

                Hargaysa 29.Sep 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Cismaan Shaadh oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa Xukuumadda u soo jeediyey talo ah inay gacanta ku hayso Haamaha Shidaalka, waxaanu tilmaamay in cid Xukuumadda ugu wanaagsan gacan ku haynta Haamuhu aanay jirin, balse waxa uu kula taliyey inay aad uga fiirsato cida ay ku wareejinayso …

                Read More

                  Ciidamadda Puntland oo Duleedka Laasqoray ka af-duubtay Kalluumaysato Iiraaniyiin ah Iyo Somaliland oo ka hadashay DAAWO

                  Laasqoray 29 Sep 2015 (SDN/QJ)- Ciidamo ka socda maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay dhinaca Badda ka soo weerareen Somaliland, isla markaana ka kaxaysteen afar doonyood oo laga leeyahay Dalka Iiraan oo ay saarnaayeen laba iyo toban qof. Hawlgalka ay fuliyeen ciidamadda Puntland waxay ku dileen nin wakiil ka ahaa Doonyahaas oo la…

                  Read More

                    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo baaq nabadeed ka soo saaray colaadda degaano ka tirsan Mudug iyo Sool

                    Muqdisho, September 29, 2015(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, ayaa baaq nabadeed u diray kaasoo ku aadan joojinta colaada ka aloosan deegaanada Qorilay, Magaclay iyo dhulka Howdka oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Sool. waxaana uu u jeediyey beelaha walaalaha ee dirirtu dhexmartay…

                    Read More

                      Wefti Dalka Jabouti Ka Socda Oo Somaliland U Imanaya Soo Afjarida Baadhitaanka Qaraxii Jabouti.

                      Hargaysa 28.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wefti ka socda Dalka Jabuuti aya Somaliland u iman doona sidii ay usoo af-jari lahaayeen baadhitaano kaga hadhsan dadkii ka danbeeyey qaraxii Jabuuti ka dhacay sanadkii hore, kaasoo ay Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Jabuuti iska kaashanayaan sidii loo heli lahaa dadkii ka danbeeyey, iyadoo Dawladda Jabuuti hayso maxaabiis xukuumadda Somaliland u…

                      Read More

                        “Bin Laden wuu Nool Yahay, Isagoo Nabad ahna Wuxuu Jooga Jasiirada Bahamas” Basaaska Caan Baxay ee Edward Snowden

                        Moscow 28.Sep 2015 (SDN/QJ)-  Ninka fashiliyey sirro ammaaneedka Maraykanka ee Edward Snowden oo hore uga tirsana hay’adda hawlaha ammaanka u qaabilsan Maraykanka ee NSA, ayaa soo saaray warbixin muran badan dhaliyey, isagoo sheegay inuu hayo macluumaaad lagu kalsoonaan karo oo caddaynaya in hoggaamiyihii Al Qaacida ee Osama Bin Laden uu wali nool yahay.   Mr….

                        Read More

                          Fannaaniinta ay Xukuumadu Hargaysa Maanta Ku Xidhay iyo Bandhig faneedka lagu haysto ee Muqdisho ay ka soo dhigeen DAAWO

                          Muqdisho 27. Sep 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta Xidhay afar ka Mid ah Fannaaniinta Xidigaha Geeska oo Magaalada Muqdisho ka soo laabtay kadib markii ay ka soo dhigeen Bandhig faneed Maalmihii Ciidul Adxa. Fannaaniintan ka tirsan Xiddigaha Geeska, ayaa kala ah Cabdiraxmaan Caydiid (Oday), Nimcaan Cabdiraxmaan (Hillaac), Xamda Cabdi (Qu’een) Maxamed Axmed Bakaal (Cirro),…

                          Read More

                            Laba Wasiir ku Xigeen oo Beeniyey in Wakaaladda Biyaha Berbera la Wareejinayo,eedaymana u soo Jeediyay Xisbiga Waddani DAAWO

                            Berbera 27. Sep 2015 (SDN/QJ)-  Labada Wasiir ku Xigeen ee Wasaaradaha Xoolaha iyo Wershadaha Cali Gadh-dheer ( Cali Maxamad Cilmi) iyo Cali Dhagoole oo Ku Sugan Magaaladda Berbera oo ay ka Jirto Xiisad ka dhan ah Wareejinta haamaha Kaydka Shiidaalka ee Magaaladaasi ayaa beeniyey War ku saabsan in Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Berbera lagu Wareejinayo…

                            Read More

                              Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Fanaaniintii Xiddigaha Geeska, Iyo Gudoomiyahooda oo ka hadlay DAAWO

                              Hargaysa 27. Sep 2015 (SDN/QJ)-  Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay 4 ka mid ah kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa, kadib markii ay galinkii hore ee Axadda maanta ka soo dageen Madaarka Cigaal ee Hargeysa. Fannaaniinta ayaa maalmo ka hor Ciidii waxay ka dageen magaalada Muqdisho, iyagoo ka horna muddo ku sugnaa…

                              Read More

                                Salaadiinta Beelaha Subeer Awal iyo Habar Yoonis oo Kulan Xasaasi ah Hargaysa ku Yeeshay Maanta DAAWO

                                Hargaysa 27. Sep 2015 (SDN/QJ)- Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Kulan balaadhan ku yeeshay Salaadiinta iyo Waxgaradka Labada Beelood ee Habar Yoonis iyo Subeer Awal Waxaana Labada dhinac kala hogaaminayay Suldaanka Guud ee Subeer Awal iyo Dhigiisa Habar Yoonis. Ilaa iyo Hada Ma cada Ujeedada ka danbaysay Kulankan iyo Waxa uu daaran yahayba sidoo kale labada…

                                Read More

                                  Gudoomiye Cirro iyo Ku Xigeenkiisa Baashe oo ka Heshiiyey Gacan Hadalkii dhex maray iyo Guurtida oo soo dhawaysay DAAWO

                                  Hargaysa 27. Sep 2015 (SDN/QJ)-  Fadhigii maanta ee golaha wakiilada JSL ayey shirgudoonka , waxay golaha ka horcadeeyeen inay ka heshiiyeen khilaafkii gacan ka hadalka keenay ee dhexmaray gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) iyo ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax. Labada Guddoomiye ayaa arrintan si iskood ah isaga saamaxay iyadoo aanay jirin cid dhex-dhexaadisay, sida ay…

                                  Read More

                                    Naqdigii Ururka Suxufiyiinta Iyo Xisbiyadda Mucaaridka Ah Oo Soo Dhaliyay In La Sii Daayo Suxufi Lagu Xidhay Berbera

                                    Hargaysa 27. Sep 2015 (SDN/QJ)-  Xukuumadda Somaliland ayaa galabta xoriyadiisii u soo celisay weriyihii TV-ga Somali Chanel ee magaalo xeebeeda Berbera, Maxamed Cabdilaahi Soo Fadhiiste oo muddo laba maalmood ah xidhnaa ka dib markii uu baahiyay qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Berbera oo ku foodhyaya Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo dadweynaha kala…

                                    Read More

                                      Wargayska Indian Ocean oo Cadeeyay In Gudoomiye C.raxmaan Cirro uu Madaxweyne Siilaanyo kaga dheereeyay Xidhiidhka Beesha Caalamka

                                      Hargaysa 27. Sep 2015 (SDN/QJ)- Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii toddobaadkan soo baxay wuxuu ku qoray in guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu Madaxweyne Siilaanyo kaga dheereeyay xidhiidhka beesha caalamka. Beesha caalamka ayuu wargeysku qoray inay doonayso inay Cabdiraxmaan-Cirro la yeelato xidhiidh. Wargeysku, wuxuu qoray in Madaxweyne Siilaanyo aanu jeclaysan kulan uu…

                                      Read More

                                        Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Shaqo Ugu Kicitimay Ireland,Kulan uu La Yeeshay Daahir Rayaale Iyo Wasiirka Khaaraajiga oo Uga Hadhay Xumadda Loolanka Xisbiga KULMIYE DAAWO

                                        Hargaysa:Sep,27,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo saaka subaxnimadii hore safar shaqo ugu baxay Dalka Ireland isagoo sii maridoona Dubai. weftiga waxa aan xubin ka ahayn oo ka hadhay Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo isagu ah murrashax u tartamaya murrashaxnimadda madaxweynenimadda ee xisbul xaakimka KULMIYE. Socdaalka madaxweynaha oo ay saxaafadda madaxa…

                                        Read More

                                          Guddoomiye Cirro Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Maanta Si Rasmi ah Iskaga Laab Xaadhay Dagaalkii Hore u Dhexmaray

                                          Hargaysa:Sep,27,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro0 iyo Ku-xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax, ayaa fadhigii maanta ee Golaha Wakillada kaga dhawaaqay inay ka heshiiyeen Khilaafkii dhawaan dhexmaray, kaas oo gaadhay heer ay gacmaha iskula tagaan. Labada Guddoomiye ayaa arrintan si iskood ah isaga saamaxay iyadoo aanay jirin cid dhex-dhexaadisay, sida ay labadudooduba Golaha ka hor sheegeen….

                                          Read More