Hargaysa 27. Sep 2015 (SDN/QJ)- Fadhigii maanta ee golaha wakiilada JSL ayey shirgudoonka , waxay golaha ka horcadeeyeen inay ka heshiiyeen khilaafkii gacan ka hadalka keenay ee dhexmaray gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) iyo ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax.
Labada Guddoomiye ayaa arrintan si iskood ah isaga saamaxay iyadoo aanay jirin cid dhex-dhexaadisay, sida ay labadudooduba Golaha ka hor sheegeen.
