“Author Archive”
Stories written by akguled

Wasiir Ku Xigeenka Hawlaha Guud Gaadiidka & Guryaynta Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt Land oo Xilkii Iska Casilay Iyo Sababo uu soo Bandhigay DAAWO

Garowe 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Shir jaraa’id oo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyaynta Puntland, Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Tujaana) uu ku qabtay magaalada Garowe, wuxuu ku sheegay inuu booskaasi iska-casilay kadib cadaadis kaga yimid dhinaca Beeshiisa. Wasiir Tujaana, ayaa sheegay in qoyska uu kasoo jeedo lagu dulmiyay siyaasadda gaar ahaan tan Xildhibaanada Aqalka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxay sawiradii hore Uga Maqan Tahay dhoolla-cadayntu (Xogta Dahsoon) DAAWO

Hargaysa 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- marka aad dib u milicsato sawiradii hore waxaad arki kartaa in ay sawirada dadkaasi ahaayeen kuwo aan waxxarakaad ah samaynayn oo xitaa aamusan oo aad mooddo inay cadhaysan yihiin, taasina waa sababta aynu barnaamijkan xogta dahsoon ugu gaar yeelnay sababta ay dhoollacadayntu uga maqan tahay sawiradii hore.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Waraysi Adag oo Lala Yeeshay Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheekh Cali Dheere Iyo Su’aalo Adag oo Jawaabtooda la Hor dhigay DAAWO

Muqdisho 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Waxan Halkan idin kugu soo gudbineynaa Qeybtii Labaad Wareysi Xasaasi ah oo lala Yeeshay Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere. ‘Waalid baad tahay, markaad aragto wiilal yaryar oo Soomaali ah oo saas u dhimanaya, dareenkaagu siduu yahay” Waa mid kamid ah su’aalaha Wariye Xamza Mohamed uu waydiiyay Sheekh Cali Dheere.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Wakhtigu Ka Dhamaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo Si Taxadar Leh uga Hadlay Mooshinkii Lagaga Takhalusay Rafiiqiisii Madaxweynaha ka ahaa Maamul Goboleedka Gal Mudug

Muqdisho 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaanada Dowladda Gobolleedka Galmudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiro. Madaxweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Galmudug , iyada oo la ilaalinayo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Yaa ku soo bixi doona Doorashada Guddoonka Baarlamanka Somalia ee  Saaka ka Dhacaysa Magaalada Muqdisho? Warbixin

Muqdisho 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Diyaar-garowgii ugu danbeeyay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho taasoo lagu wado inay dhacdo Maanta oo Bishu Tahay 11-ka January ee sanadka 2017-ka.   Afar musharax ayaa ku hardamaya doorashada guddoomiyaha baarlamaanka kuwaasoo kala ah, Idiris Aadan Dhakhtar, xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, Prof. Max’ed Cismaan Jawaari oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Farshaxan Amiin Caamir oo Sawir Kartoon Ku Muujiyey Cida Ka Danbaysay Mooshinkii Xilka lagaga Xayuubiyey Madaxweynihii Gal Mudug

Cadaado 11. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Maalintii Shalay ayaa kal fadhi ay yeesheen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa waxaa ay xilka uga qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed. Ilaa hada waxaa dadka Odorosa Siyaasada ay sheegayaan in Mooshinkan uu yahay Mid danno siyaasadeed laga leeyahay ,Madaxweyanah Galmudug oo hadlayna […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Gabadh Iyo Wiil Isjecel Ayaa Ka Xishoodey In Ay Abaarta Isguursadaan , Inaguna Doorasho Ayeynu Dooneyna “Qaar Ka Mid ah Haldoorka Abwaanadda Somaliland oo Fariin Adag u Diray Madaxda Sadexda Xisbi Qaran & Walaaca ay Qabaan DAAWO

Hargaysa 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka Mid ah Abwaanada Waaweyn ee Somaliland oo Kulan Warbaahineed Maanta Ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa Markii u Horaysay Fariin adag u Diray Hogaamiyeyasha Sadexda Xisbi qaran ee Somaliland.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

” Waxaan ku laabanayaa Deegaanada Maamulka Somaliland Hadii la ii diido” Garyaqaan Caydiid Ilko Xanaf

Muqdisho 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilko Xanaf, oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada Xubnaha Aqalka sare ku matalaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay Ceydiid Ilko Xanaf in uu dib ugu laabanayo deegaanada Maamulka Somaliland uu kasoo jeedo hadii loo diido in […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxtooyada Galmudug oo War kasoo saartay Xil ka Qaadistii lagu sameeyay Madaxweyne C/Kariin Guuleed

Cadaado 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):-War-Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa looga soo horjeestay Kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada Baarlaaanka Maamulka Galmudug maanta ku sameeyeen Cabdikariin Xuseen Guuleed. War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay mid sharci daro ah Go’aankiii ay Baarlamaanka maanta kalsoonida kala noqdeen Xildhibaanada Galmudug, waxaana lagu sheegay Warkan in aysan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweynaha Galmudug oo Goor-Dhaw Kalsoonida lagala noqday & Ciidamo Loo Xilsaaray inay Fadhigaas Baajiyaan oo Guul daraystay

Cadaado 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa goordhaw codka kalsoonida waxa ay u qaadeen Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey mooshin looga gudbiyay. Kulanka Baarlamaanka Galmudug waxaa soo xaadiray 54-Xildhibaan waxaana shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka maamulkaasi Xareed Cali Xareed, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa kalsooni […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »