“Author Archive”
Stories written by akguled

Dawladda Sucuudiga Oo Dhakhaatiir Caafimaadka Xoolaha Baadha U Soo Diraysa Somaliland iyo Soomaaliya

Jeddah 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Sucuudiga, ayaa sheegtay inay Soomaaliya  u soo dirayaan Dhakhaatiir Aqoon dheeraad ah u leh baadhitaannada Caafimaadka Xoolaha, si loo baadho Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya dhulka Soomaalida uga dhoofi jiray oo ay si ku-meel-gaadh ah u joojisay kawda bishii 12-aad ee 2016-kii. Waxaanay Dhakhaatiirtaasi mari doonaan Koonfurta Soomaaliya, Somaliland iyo Bariga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Cuqaashu Waa Dadka Nagaga Gudban Bulshada, Waxaanannu Ka Wadahadlaynay Tabasho La Xidhiidha…” Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Cuqaasha Beelaha Somaliland, ayaa kulan cabasho ah la yeeshay Masuuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha, oo ay kala hadleen gunnadii ay qaadan jireen oo laga joojiyey, iyaga oo laga saaray Liiska Joogtada ah ee Shaqaalaha dawladda, isla markaana lagu daray liiska shaqaalaha aan joogtada ahayn sida uu sheegay Wasiiru-dawlaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ninkii Afrikaanka ahaa ee La kulmay cunsuriyadii u Xumayd ee Taariikhda Adduunka DAAWO

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Barnaamijkeena xogta dahsoon waxaynu ku soo bandhigaynaa ninkii afrikaanka ahaa ee ay ku dhacday cunsuriyadii ama midab kala soocii ugu xumaa ee taariikhda soo martay

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Ilaahay Wuxuu Inagala Dardaarmay Inaynu Ku Faano Qabyaalad, Ama Aynu Cayno Dadka Kale Qabiilkooda…” Guddoomiyaha Diwaanka Zakada

Hargaysa 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Diwaanka Zakada ee Somaliland Sheekh Siciid Maxamed Faarax, ayaa si qoto dheer uga hadlay xumaanta ay leedahay ku dhaqanka Qabyaaladdu Ifka iyo aakhiro.   Sheekh Siciid oo faahfaahinaya dhibaatada ku dhaqanka Qabyaaladdu u leedahay Wada noolaanshaha Aadamaha, ayaa yidhi, “Khudbadeenii hore waxaynu kaga hadalanay cudur xun oo Ummadda ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawladda India Oo Xoolaha Dalkeeda U Samaysay Kaadhadhka Dhalashada !

Delhi 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Kaadhka dhalashadu waa kaadh had iyo jeer loo adeegsado sidii qofka Muwaadinka ah loogu aqoonsan lahaa, laakiin Dawladda Dalka India ayaa bilwaday arrin cusub oo ah inay Xoolaha ku nool Dalkeeda gaar ahaan Lo’da u samayso Kaadhadhka Aqoonsiga.     Tirada Xoolaha Lo’da ah ee ku nool Dalkaasi oo lagu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Baaxaadega Siyaasadeed ee Dalka Ivory Coast,Wasiirkii Gaashaandhiga oo Xoriyadiisii Dib u Helay & Madaxweyne Ouattara oo Sheegay in la Heshiiyey

Ivory Coast 09. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dalka Ivory Coast waxaa maalmahan kasoo cusboonaaday xiisad kadib markii ay gadood sameeyeen ciidamo katirsan Milatariga dalkaasi oo ka cabanayay mushaar yari iyo sidoo kale in aysan helin daryeel ku filan.   Ciidamada Milatariga Gadoodka sameeyay oo kasoo baxay Xeryahooda ayaa la wareegay goobo badan ay Dowlada xarumo u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamadda Booliska Somaliland oo Hawlgalkii Ugu Xooganaa Ku Qaaday Gaadiidka Mara Wadooyinka Dalka & Arrimaha la Baadhayo DAAWO

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Maanta Waxay Guud ahaan Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka Ka Fuliyeen Hawlgal ay ku qabqabanayaan Gaadiidka aan wadan Sharciga Wado Marista iyagoo dhinaca Kalena u Kuurgalaya Xawaaraha ay Baabuurtu ku Socdaan Taas oo ka danbaysay Shilal Mudooyinkii u danbeeyay ay Sababeen Gaadiidku.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ummadda Somaliland oo Ka Walaacsan eedaymo Dharaarihii la soo dhaafay ay is weydaarsadeen Murashixiinta Madaxweyne ee Kulmiye Iyo Waddani & Qodqodka Nabaro in la Baanto la rabo DAAWO

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Jamhuuriyadda Somaliland Laga soo Bilaabo Dabayaaqadii Sannadkii 2002dii Waxaa ilaa iyo hada waxaa ka soo qabsoomay Laba Doorasho Deegaan,Laba Doorasho Madaxtooyo iyo Hal doorasho Gole Wakiilo oo ah Kuwa Hada Jooga. Shantaas Doorasho waxaa Qabsoomidooda Ku Kala Suntan Madaxweynihii Hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo qabtay 4 Doorasho […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Akhriso: Magacyada xubnaha aqalka sare ee ku soo baxay doorashadii ka dhacday Muqdisho

Muqdisho 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Doorashadii xubnaha aqalka sare ee ka soo jeeda gobolada woqooyi ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Muqdisho. Illaa 16 musharax ayaa ka qeyb qaatay doorashadii maanta, kuwaasoo ku tartamay illaa lix kursi oo ka tirsan 11-ka kursi oo xubnaha aqalka sare ee gobolada woqooyi loo qoondeeyey. Waxaa tartankaas ku soo baxay illaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Halkee ayuu Ku Danbeeyay Wada Hadalkii u Socday Xisbiga Kulmiye Iyo Garabka Toosinta ee Axmed Muumin Seed Hogaamiyo? DAAWO

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Wada hadalo u Socdeen Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye Iyo Garabka Toosinta iyo Caddaalada ee Xisbiga Waddani oo uu Hor kacayo Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Xisbiga Waddani Siyaasi Axmed Muumin Seed.  

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »