Webmaster

    Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo Nidar ku Maray inuu Dacwad ka Gudbin doono Isu-duwaha aan ka soo Xaadirin Xafiiska uu Mas’uulka ka yahay DAAWO

    Boorama 20.July 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamud Cali Saleebaan Ramaax ayaa daboolka ka qaaday in 21 Wasaaradood ee ka hawl gala Gobolkaas 15 ka Mid ahi aanay Wax Shaqo ahi ka socon, Waxaanu Cod dheer ku Sheegay in Wixii hada ka danbeeya Mas;uulka ka soo Xaadiri waaya Xafiiska uu Madaxda ka yahay uu u…

    Read More

      Maraakiib Dagaal iyo Ciidamo Kenya Usoo Diraysa Badda Muranku Ka Taagan yahay Ee Xadka Soomaliya

      Nairobi:Jully,20,2015(SDN/QJ)-waxa meel sare gaadhay muranka dhinaca badda ah ee u dhexeeya Dawladaha Kenya iyo Somalia, waxana xukuumaddu Kenya ku hawllan tahay qorshe ay maraakiib dagaal iyo ciidamo ugu dirto Goobaha muranku ka taagan yahay. Gudxiga Golaha Difaaca Qaranka  iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Baaralamaanka Kenya, ayaa dowladda Uhuru Kenyatta ugu baaqay inay si Deg Deg…

      Read More

        Isu Soo Bax Ballaadhan Oo Madaxweyne Obama Ku Qaban Doono Nairobi Iyo Tirada Dadka La Filayo Inuu La Hadli Doono

        Nairobi:Jully,20,2015(SDN/QJ)-Guriga looga taliyo Waddanak Maraykanka, ayaa ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Obama uu isu soo bax ballaadhan ku qaban doono Magaalada Nariobi oo la filayo inuu dhawaan Booqasho ku tegi doono. Kulanka Obama uu shacabka khudbadda ugu jeedin doono ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan in ka badan 300,000 oo qof. Arintaan…

        Read More

          Muran Ka Dhashay Boqor Salmaanka Sucuudiga iyo 400, Oo Qof Oo Uu Wato Oo Si Khaas ah Loogu Xidhay Xeeb Lagu Dalxiiso Oo Faransiiska Ku Taalla

          Paris:Jully,20,2015(SDN/QJ)-Muran Xooggan, ayaa ka  taagan dalka faransiiska, kadib markii saraakiisha dalxiiska dalkaasi shaaciyeen in xeeb dad badani ku dalxiisi jiren si khaas ah loogu xidhi doono Boqor salmaanka Sucuudiga oo kali ah. Masuuliyiinta deegaanka Vallauris ayaa xaqiijiyay in ay sameeyeen xayndaab ku dhereran xeebta si loo xaqiijiyo ammaanka boqorka iyo afar boqol oo ruux oo…

          Read More

            “Haddii Wada-hadallada Somaliland Iyo Somalia Hagaagaan Waxa Qalabka Hawada Lagu Maamulo La Dhigi Doonaa Laba Goobood Oo Xamar Iyo Hargeysa ah….”Wasiirka Duulista Somalia

            Muqdisho:Jully,20,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somalia Cali Axmed Jaamac Jaangeli,  ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay dhibaatada ka taagan maqnaanshaha maamulkii Hawada Soomaaliyeed oo wali gacanta ugu jira Qaramada Midoobay, isla-markaana laga maamulo Magaalada Nairobi. Wasiirka oo u warramayey Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay inuu dedaal ugu jiro sidii maamulka Hawada Soomaaliyeed ay gacantooda…

            Read More

              Ciidamada Ammaanka Hargeysa Oo Gacanta Kusoo Dhigay Gaadhi-dukhaan Dhawaan Afduubtay Haweenay Kiraysatay

              Hargeysa:Jully,20,2015(SDN/QJ)-Ciidanka ilaalada Nabadgelyada waddooyinka, ayaa gacanta kusoo dhigay Gaadhi nooca Dukhaanka loo yaqaano oo si weyn loo raadinayey, kadib markii uu isku dayey afduubka Haweenay dhallinyaro ah oo kiraysatay. Gaadhigan oo Number-kiisu yahay 58037, ayaa maalintii shalay la arkay isagoo yaalla goob u dhaw Xarunta Tv-ga Hctv, Waxana ciidamadu ku qaadeen Wiish, kadib markii hore…

              Read More

                Nuxurka Warqad Shucuurta Reer Masar Gilgishay Oo Madaxweyne Maxamed Mursi Jeelka Kasoo Diray

                Ca’iro:Jully,20,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Xasbiga ku jira ee Dalka Masar laga inqilaabay Maxamed Mursi, ayaa munaasibaddii ciidul-fidriga shacabkiisa usoo diray waraaq uu kaga hadlay xaaladda dalkiisa, isla-markaana ku dhiirrigelinayo dadkiisa. Maxamed Musri ayaa Shacabka Masar u diray fariin isugu jirta Cod iyo qoraal oo uu soo dhigay boga uu Aallada Fecebook ku leeyahay waxa uuna taageereyaashiisa ugu baaqay…

                Read More

                  Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Ummada Somaliland DAAWO

                  Boorama 20.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo Mudooyinkii u danbeeyay ku Sugnaa dalka ayaa Booqday Magaaladda Boorama ee Xarunta u ah Gobolka Awdal oo uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo. Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Cali Saleebaan Ramaax ayaa Maalintii Shalay Hadhiimo- Sharafeed u sameeyay Waxaa kale oo Hadhiimo Sharafeedkaas…

                  Read More

                    Wikileaks oo Bannaanka so dhigay Sir Culus iyo Fadeexad Dul-hoganaysa Shirkadda SOMTEL & Xukuumadda Siilaanyo AKHRI

                    Roma 20.July 2015 (SDN/QJ)- Shabakadda caanka ku ah jabsashada iyo baadhashada Dhukumentiyada Sirta ah ee dawladaha iyo Shirkadaha waawayn ee caalamku is-dhaafsadaan ee Wikileaks, ayaa kashiftay ama fashilisay Sir culus oo noqonaysa Fadeexad dul-hoganaysa dawladda Somaliland iyo Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel oo ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya.   Waxay Shabakadda Wikileaks doraad…

                    Read More

                      Gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ku Taliyay in Xaalada dalka ka Taagan Wax laga Weydiiyo Daahir Rayaale Kaahin

                      Boorama 20.July 2015 (SDN/QJ)-Badhasaabka Gobolka Awdal Maxmuud Cali Saleebaaan (Ramaax),  ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale Kaahin wax laga weydiiyo arrimaha iyo xaaladaha siyaasaddeed ee dalka ka taagan, isla markaana wuxuu sheegay inuu kala tashanayo Suldaan Wabar iyo kooxdiisa ka gaysta falalka amaan-daro Gobalka awdal ee uu masuulka ka…

                      Read More

                        Maxkamadda Sare ee Somalia oo Go’aamisay in Muwaadin Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo lagu eedeeyay inuu Been abuuray Magacyada Mas’uuliyiin dawlada ah Xoriyadiisii loo soo Celiyo

                        Muqdisho 20.July 2015 (SDN/QJ)- Maxkamadda Sare, oo ah hey’adda Garsoor ee dalka ugu sarreysa, waxay go’aan ay soo saartay ku caddeysay in xarigga Cali Cabdi Wardheere (Cali – Yare)  uu yahay sharci darro. Waxay Maxkamaddu amartay in la sii daayo. Sii haynta Cali Yare sharci ma ahan. Cid kasta oo gacanteeda uu ku sii jirana…

                        Read More

                          Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan oo Cadeeyay inaanay ka Joogsanayn Ficil kasta oo Maraykanka Qab weynidu ku Jirto ka dhan ah.

                          Tehran, 20 July 2015 (SDN/QJ)-Hogaamiyaha sare ee Iiraan Ayatullah Cali Khamaniyi, ayaa wacad ku maray inaan waddankiisu joojin doonin diidmada uu Maraykanka ku wajahayo iyo cilaaqaadka caawinta ah ee uu la leeyahay bariga dhexe. Khamaniyi oo  khudbad dalkiisa u jeediyay dhammaadka Ramadaan awgeed ayaa sheegay inaan dalkiisu joojin doonin siyaasadda adag ee uu Maraykanka ku…

                          Read More

                            Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo Dhoweeyey Degmooyinka Burtinle iyo Gaalkacyo.

                            Gaalkacyo, July 20, 2015 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban labadda Gole ee dowladda, la-taliyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo safar dhanka dhulka ah oo ka kicitimay  magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa gaaray magaalooyinka Burtinle iyo Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaaraha XFS…

                            Read More

                              Madaxweynihii Hore ee Punt land oo Si diiran Hargaysa loogu soo dhaweeyay DAAWO

                              Hargaysa 19.July 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynihii hore ee Puntland Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa galabta siweyn loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Air pot ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa madaarka ku soo dhaweeyey madaxda xukuumadda Somaliland, madax-dhaqmeed, culimada iyo shacabka tiro badan oo lulaayey sawirka madaxweynihii hore…

                              Read More

                                Guddiga doorashooyinka oo markii u horreysay ka hadlay khilaafka Muddo-kordhinta & bilawga diiwaangelinta Codbixiyeyaasha DAAWO

                                Hargaysa 19.July 2015 (SDN/QJ)- Guddiga doorashooyinka Qarnaka Somaliland, ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, isla markaana shaaciyey xilliga rasmiga ah ee ay bilaabmayso diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, iyagoo xusay inaanu khilaafka siyaasiga ah ee muddo-kordhinta Guurtida iyo Heshiiska Xisbiyada oo aan weli dhinacna la isla-dhigin. Shan…

                                Read More

                                  Xiisaddii deegaanka Qarxis oo heshiis rasmi ah laga gaadhey

                                  Garowe 19.July 2015 (SDN/QJ)- Waxaa heshiis rasmi ah laga gaarey xiisaddii ka aloosneyd deegaanka qarxis ee u dhexeysey saraakiisha hoggaaminayey ciidamada gadoodsan iyo dowladda Puntland. Waan-waanta oo muddo labo bilood ku dhow soo socotey islamarkaana marxalado badan soo martey waxaa ugu dambeyntii lasoo afjaray xalay, kadib markii labada dhinac tanaasul badan sameeyeen islamarkaana si wadajir ah…

                                  Read More

                                    ..”Umada Somaliland Igama ay Baran Hadalo Deelqaaf ah Balse Wasiir Abgaal Isaga ayay Hadalada Deelqaafku Ku Badnaa Oo Uu Madaxweynaha Wasiirka Uu U Yahay Cay Hawada Uu Marin Jiray..” Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Xisbiga Ucid DAAWO

                                    Boorama 19.July 2015 (SDN/QJ)- Musharaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa ka fal celiyay Dhaleecayn uu u so Jeediyay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo ay ka soo wada jeedaan Gobolka Awdal. Musharax C.rashiid Xasan Mataan Waxa uu Sheegay inaan Shacabka Somaliland isaga ku baran Caytan iyo Aflagaado halka taas badalkeeda…

                                    Read More

                                      Wasiir Xukuumadda Ka Difaacay Eedo Kaga Yimi Dhinaca Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeen Ee Xisbiga Ucid

                                      Borama:Jully,19,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaadhsiinta somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa raalligelin ka bixiyey dhaliilo dhawaan ka yimi dhinaca Musharraxa Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, kuwaas oo uu dhaqanka xukuumada ku dhaliilay Madashii salaadda ciidda lagu tukanayey ee Magaalada Borama. Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal, waxa uu sheegay inuu raalligelin buuxda ka bixinayo erayadaas xukuumadda lagu…

                                      Read More