Webmaster

    Ergeyga USN u fadhiya Canada ka codsaday in ay gacan ka siiso dhaqan gelinta heshiiskii Mucaaridka iyo Xukuumada Jabuuti

    Ottawa June 11,20159SDN/QJ)-Ergeyga dalada Mucaaridka Jabuuti ee USN u fadhiya dalka Canada Md Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole ayaa kulan uu la yeeshay la taliyaha Wasiirka Arrimaha Dibeeda ee Canada waxa uu kala hadlay xaaladihii u danbeeyay ee dalka Jamhuuriyada Jabuuri. Ergeyga USN ee Canada Xuseen Cabdiraxmaan Cadhoole oo uu weheliyay Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir ayaa la taliyaha…

    Read More

      Kenya:126-Macallin Oo Shaqadoodii Waayey, kadib Markii Lagu Eedeeyey Inay Faroxumeeyeen Ardaydii ay Wax u Dhigayeen

      Nairobi:June,11,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda dalka Kenya, ayaa si rasmi ah shaqada uga caydhisay ugu yaraan 126-macallin oo Dugsiyada waddankaas wax ka dhigi jirey, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku kaceen anshax xumo baahsan. Macallimiintan, ayaa la sheegayaa in  lagu helay faro-xumayn ay u geysteen arday ay wax u dhigayeen, waxana go’aan lagu gaadhay inaanay ubadka la barbaarinayo kasii…

      Read More

        Ujeedka Socdaal Ay Wasiiradda Wasaaradaha Xanaanadda Xoolaha Iyo Deegaanku Ku Tageeen Banka Qool-cadey Ee Degmadda Sallaxley Iyo Baahiyaha Ay Dadka Deegaanku Dalbadeen In Wax Lagala Qabto

        Wasiirada Deegaanka Marwo Shukr Xaaji Ismaciil Baandare & Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mud. Cumar Sheekh Maxamed ayaa Kormeer Ballaadhan Ku Soo Maray Deegaanada Qool-Caddey iyo Gunburaha.Waxana Koormeerkan Wasiiradu uu Salka ku Hayey, Xogogaal Noqoshada Xaaladda Nololeed ee Dad & Duunyaba. Deegaanka Qool-Caddey oo ah Deegaan aad u Ballaadhan, ayaa Waxa Iskugu Yimid Xoolo Dhaqato aad u…

        Read More

          “Dawladii Daahir Rayaale may keenin Heshiisyada ay Gasho G.Wakiilada, Dawladda Sillaanyo-na may keeenin,oo dhegaha ayuu ka furaystay intii uu xukunka fadhiyey” Gudoomiye Cirro

          Hargaysa 11.June 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan CIrro), ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay sida uu arko go’aanka ay ka gaadheen muddo kordhinta Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu, mawqifka uu taagan yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu, iyo sida uu xal u arko. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi…

          Read More

            Nidaam Casri ah oo lagu Diwaangelinayo Bukaanada Cisbitaalka Guud ee Hargaysa oo Midowga Yurub Hirgalinayo DAAWO

            Hargeysa 11.June 2015 (SDN/QJ)- Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa la keenay qalab casri ah oo lagu diiwaangelinayo dadka bukaanka ah ee u baahan in adeega caafimaad loogu qabto, waxaannu qalabkan fududaynayaa culayska bulshada iyo hawlwadeennada caafimaad ka haystay diiwaangelinta dadka bukaanka ah ee cusbitaalka yimaad, iyadoo mashruucaasi yahay mid Midawga Yurub ku bixinayo taageero dhaqaale….

            Read More

              Qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland Taageera oo soo Kormeeray Mashaariic laga Hirgalinayo Sanduuqa SDF

              Hargeysa 11.June 2015 (SDN/QJ)- Wefti ka socda dalalka Qaadhaan-bixiyayaasha taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee (SDF) iyo masuuliyiin ka mid ah dawladda, ayaa kormeeray xarumo ka mid ah Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland (RDA) iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo mashaariic horumarineed laga caawiyey. Xafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee Hargeysa oo war-saxaafadeed ka soo saaray faahfaahinta weftiga qaadhaan-bixiyayaasha…

              Read More

                “Xukuumadda Siilaanyo Waxaan uga digay inay Carqaladayso Heshiiska Beelaha Qori-lugud & Buuhoodle” Xildhibaan Siciid C.Rooble DAAWO

                Hargeysa 11.June 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inuu hambalyo u dirayo Beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle oo heshiis ka gaadhay colaado u dhexeeyey, isla markaana waxa uu Xukuumadda talada haysa uga digay inay ka deyso heshiiskaas faro-gelinta Siyaasadeed iyo…

                Read More

                  “Somaliland Waxay Punt land ka Qabsan doontaa Sadex Magaalo oo Waaweyn Waa hadii ay Joojin waayaan Daandaansiga” Xildhibaan Indho Indho DAAWO

                  Hargaysa 11.June 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo ah Afhayeenka Golaha Guurtida ayaa ka hadlay warar sheegaya in maamulka Puntland ciidamo soo tubeen xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo maamulka Puntland,. Xildhibaan C.qaadir Indho Indho ayaa ku hanjabay in Ciidamada Somaliland saddexda magaalo ee waawayn qabsan doonaan Punt land hadii ay Joojin weydo sida uu…

                  Read More

                    Waa Maxay Sababta Muqdisho loogu Masaafuriyay dad lagu Qabtay Madaarka Caasimadda Hargaysa?

                    Hargeysa 11.June 2015 (SDN/QJ)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay dhallinyaro lagu qabtay madaarka Hargeysa oo dib loogu mustaafuriyey dhinaca Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Salaasadii toddobaadkan. Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Genaraal Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho , waxa uu caddeeyey in dhallinyaro tiradoodu dhan tahay 5 xubnood oo…

                    Read More

                      Maansada Gole ka Baan,Dareenka Bulshada Nairobi iyo Qaabilaada Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska DAAWO

                      Nairobi 11.June 2015 (SDN/QJ)- Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya si balaadhan loogu soo dhaweeyay kadib markii uu safar ugu kicitimay Todobaadkan horaantiisii. Xaflad aad qurux badan oo ay soo qaban-qaabiyeen Kooxda Fandhis iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Nairobi, taasoo ay ka soo qayb-galeen Abwaano taariikh dheer…

                      Read More

                        Waraabayaal Weerar ba’an ku haya Deegaan u dhow Laascaanood iyo Khasaare dhimasho oo uu Sababay

                        Laascaanood 11.June 2015 (SDN/QJ)-Waraabayaal duullaan ah ayaa dad ku dilay  halka lagu magcaabo Abbeesaleey oo qiyaastii 20-km ka badan Laascaanood kaga aadan dhinaca Waqooyi. Duullaankan ayaa waxay waraabayaashan ku dileen gabar yar oo Saddex Sano jir ahayd, iyagoo ka qaatay sida ay noo sheegtay Ubax Cabdi Maxamed “Bulunbul” oo habaryar u ah gabadha gudaha aqal…

                        Read More

                          Shuruuda ay Alshabaab Ku Xidhay Sii Daynta Sarkaal Kenyan Ah Oo Ay Gacanta Ku Hayaan

                          Nairobi 11.June 2015 (SDN/QJ)- Al-shabaab, ayaa Shuruud Adag ku Xirtay inay sii dayso sarkaal ka tirsan booliska Kenya oo xoogagga Al-shabaab ay gudaha dalka Kenya kasoo qafaasheen sannado ka hor.   Sarkaalkan oo lagu Magacaabo, Frederick Chirchir ayay Al-shabaab soo Qafaasheen Bishii May sannadkii 2013-kii, iyagoo shuruud ku xiray sii-dayntiisa , Sida ay ehellada sarkaalka…

                          Read More

                            Wadamo Africa ah oo Qallinka ku duugaya Samaysashada Suuqa Xorta ah ee Qaarada Africa ugu Weyn

                            Qaahira, 11.June 2015 (SDN/QJ)- Saddex urur gobolleed oo Afrikaan ah ayaa la filayaa inay samaystaan suuq xor ah oo noqonaya kn ugu weyn qaaradda. Urur gobolleedka horumarinta bulshada Koonfurta Afrika (SADC), ka horumarinta bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo COMESA, ayaa la filayaa inay dalka Masar ku saxeexaan heshiis ay ku samaysanayaan urur ay ku midaysan…

                            Read More

                              Fifa oo Wax ka bedel aan la Mahadin doonin Ku samaynaysa Qabashada Koobka Adduunka ee 2026

                              Samara, 11.June 2015 (SDN/QJ)- Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa sheegay in dib loo dhigayo tartanka cidda qabanaysa koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, sababtuna ay tahay eedaymaha musuqmaasuqa ah ee hadheeyay ururkaas. Waa hadalkii uu horeeyay ee Jerome Valcke uu ka sheego fagaare tan iyo markii dacwad oogeyaasha Mareykanku ay…

                              Read More

                                Hay’adaha UNHCR Iyo IOM oo soo Bandhigay Tirada Qaxoontiga ee Yurub galay Lixdii Bilood ee Sannadkan

                                Geneva, 11.June 2015 (SDN/QJ)- Hay’addaha qaramada midoobay ee UNHCR iyo IOM ayaa shaaciyay tirada qaxoontiga sannadkan gaadhay dalalka Yurub, kuwaasoo ka gudbay badda Mediterranean-ka. Hay’addahan ayaa tirada qaxoontiga Afrika ka tagey ee gaadhay dalalka Yurub ku sheegay inay ilaa hadda kor u dhaafeen 100,000 sannadkan gudihii oo keliya. Hay’adda qaxoontiga u qaabilsan qaramada midoobay ee…

                                Read More

                                  “Wasiirka Caddaaladu Wuu Ka Raalli gelinayaa Maxdaxweynaha Iyo Cidkasta Oo Kale Oo Dhibsatay Arrintaa” Wasiirka Cadaalada

                                  Hargaysa 10.June 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka caddaalada Xuseen Axmed Caydiid ayaa ka digay in loo nisbeeyo aflagaadooyin lagu faafiyay sanduuq Face book  ah oo si been abuur ah loogu furtay magaca inantiisa, isla markaana uu xusay in lagu  faafiyay sawiro lagu xumaynayo magaciisa iyo sharafta madaxweynaha. Qoraal uu arrintaa uu kaga hadlayo oo uu soo saarayna…

                                  Read More

                                    Jaaliyadda Ka Soo Jeeda Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagle ) Ee Ku Dhaqan Dalka Finland Oo Deeq Lacageed Ku Wareejiyay Guddida Dhismaha Waddada Cad + Sawiro

                                    Hargaysa 10/6/2015(SDN/QJ)- Jaaliyadda ka soo jeeda Beelaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) ee ku dhaqan Dalka Finland ayaa Deeq Lacageed ku wareejiyay Guddia Dhismaha Waddada Cad . Munaasibad kooban oo ka dhacday Xarunta Guddida Dhismaha Waddada Cad Ee Hargaysaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Cad Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare)  Xoghayaha…

                                    Read More

                                      Muxaafidka Iyo Mucaaridka Somaliland oo Dood adag Jilbaha is daray,Iyo Weedhihii Adkaa ee la is weydaarsaday DAAWO

                                      Hargaysa 10.June 2015 (SDN/QJ)- Dooddii ugu xiisaha iyo xamaasada badneyd ee muddooyinkii danbe loo qabtay siyaasiyiinta dalka, ayaa talefeeshanka ku hadla afka Soomaaliga ee Star  Tv ku dhex martay wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Md.Maxamed Nuur Carraale (Duur), guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee xisbiga Ucid…

                                      Read More