“Qasriga dalka looga taliyo waar Habarjeclo-na kama taliso, koox reer ahina kama taliso, xukuumadduna way ka sal ballaadhan tahay. Kulmiye-na waa xisbi ballaadhan.”Wasiir Maxamuud Xaashi.
Hargeysa:June,10,2015(SDN/QJ)-Dood adag oo salka ku haysa Xaaladda Dalka iyo qardoofooyin siyaasadeed oo lasoo maray, ayaa habeenkii xalay dhexmartay Xubno siyaasiyiin ah oo wasiirro, mucaarid iyo Xildhibaanno iskugu jira, waxana lasoo bandhigay arrimo badan ooh ore dadka shacabka ah uga qarsoonaa. Dooddan oo uu qabtay Telefishanka Star, isla-markaana uu daadihinayey Wariye Xamse Cali Bulbul, ayaa wax…
