Webmaster

    Booliska Maraykanka Oo Raacdo Ugu Jira Maxaabiis Dambiyo Culus Gashay Oo Jeel Ka Baxsaday Iyo Madaxyadooda Oo La Duldhigay Boqol Milyan Oo Dollar

    June.09,2015(SDN/QJ)-Carriga Maraykanka waxa si weyn looga Baadi goobayaa laba Nin oo maxaabiis dambiyo culus loo haystay, kuwaas oo si qarsoodi ah uga baxsaday Jeel ay  muddo dheer ku jireen. Richard Matt oo 48 jir ah iyo David Sweat ayaa ahaa laba nin oo dambiileyaal ahaa, kuwaasoo lagu kala xukumay 25 sano iyo xabsi daa’in, waxaana…

    Read More

      Nuxurka Gabay Jacayl Oo Ah Oo Samantha Lewthwaite(carmalida Caddi) u Tirisay Hoggaamiye Usama Ben Laden

      London:June,09,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Nabadsugidda waddanka Britain, ayaa shaaciyey inay heleen qoraal ay haweenayda Jihaadka u heellan ee Samantha Lewthwaite u qortay Hoggaamiyihii hore ee Kooxda Al-qaacida Usama Ben laden oo ay si weyn fikirkiisa u taageersan tahay. Warbaahinta Britain ayaa sheegay inay Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Boliska ay Dukumentigaas ka soo heleen Kombiyuutar ay lahayd Carmalladda Cad,…

      Read More

        Muxuu Abwaan Sangub Ka Yidhi Dilka Maraykanka Loogu Geystay Wiil Uu Dhalay?

        Muqdisho:June,09,2015(SDN/QJ)-Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise(sangub), ayaa si rasmi ah u xaqiiyey in wiil uu dhalay oo lagu magacaabi jirey Alla-Magan kooxo hubaysani ku toogteen Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minisota oo uu degennaa. Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub), ayaa sheega in wiilkiisa la dilay, xilli uu ka soo kacay maqaaxi ku taala Badhtamaha Magaalada Minneapolis, markii rasaas…

        Read More

          “Madaxweyne Siilaanyo waxan leeyahay Marka dhegtaa laguugu warramo dhegtaa kale nala sug oo aan hore ugu idhi Madaxweyne Cigaal.”Gudd. hore ee Maxkamadda Sare

          Hargeysa:09,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa farriin adag oo dhaxal gal ah faraqa ugu sii guntay madaxweyne Siilaanyo, waxana uu ku dhiirrigeliyey inuu dareemo miisaanka garsoorku leeyahay. Guddoomiyihii hore oo shalay markii uu xilka wareejinayey hadal kooban jeediyey, ayaa xusay inuu madaxweynaha hawada u marinayo farriin uu horeba ugu sheegay…

          Read More

            maanso agabla’ w/curiyey maxamed yaasiin maxamed ilkacase

            maansadan waxaan curiyey xiliyadii dagaalkii sokeeye ee siyaasiyiintu isku hayeen shacbiguna  u bixiyeen dagaalkii munaafaqada  kaasoo aanay jorin wax ay bulshadaasi isku hayeen oon ka ahayn wixii ay nimankaasi aaminsanaayeen,aakhirkiisiina waxay cadeeyeen in dagaalkaasi mashruuc ahaa,weliba si jeesjees ah ayay bbc da uga sheeheen taasi oo ah hadimooyinkii laga galay umaddan muslimka ah,ee wax loola…

            Read More

              Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisii oo Kulan la Qaatay Taliyaha Guud ee Ciidamada Waddanka Imaaraadka iyo masuuliyiin kale Iyo Arimo la isla qaatay

              Dubai 09.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulan la yeeshay Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ahna Abaanduulaha Ciidamada Qalab-sda ee dalka Imaaraadka Maxamed bin Zayed bin Suldan Al Nahyan iyo Raysalwasaare ku-xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada Imaaraadka Sheekh Maansour bin Zayed. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada…

              Read More

                Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliland Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Xaalada Xasbiyada Dalka DAAWO

                Hargaysa 09.June 2015 (SDN/QJ)- Sareeye Guuto Maxamed Cismaan Ibraahim Xudhuun ayaa ka dayriyay Xaalada Xabsiyada Somaliland isagoo sheegay in Jeelasha Hargaysa iyo Mandheera ay yihiin labada qudha ee haatan dhisan isla markaana aanay qaadi karin tirada Maxaabiista Maalin kasta la Xukumo. Taliye Xudhuun oo ka Hadlayay Munaasibad ay Xilalka kula kala wareegayeen Gudoomiyihii hore ee…

                Read More

                  Mucaaridka Itoobiya oo Cadeeyay inay Qaadacayaan Natiijada Doorashadii dalkaasi ka dhacday

                  Addis Ababa, 09.June 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga mucaaradka ah ee dalka Itoobiya ee lagu magacaabo Ethiopian Democratic Party (EDP) ayaa ku dhawaaqay inaanay aqbali doonin natiijada doorashadii dhawaan dalkaas ka qabsoontay. Dhawaaqan ayaa noqonaya xisbigii shanaad eek u dhawaaqa inaanu aqbalayn natiijada doorashadaas, waxaana hore u shaaciyay inay qaadacayaan natiikada axsaabta kala ah. Medrek Blue Party…

                  Read More

                    Fanaan aad loo Xiiseeyo Heesihiisa Shaaciyey inuu fanka ka baxay baaqna u diray shacabka Soomaaliyeed DAAWO.

                    London 09.June 2015 (SDN/QJ)- Koritaanka Wacyiga bulshada ayaa Sabab u noqday inaad marar kala duwan maqasho Fanaan Caan ah oo ka Fadhiistay Mihnadiisii faneed,Iyagoo Qaarba daliishada asbaabo u gaar ah inay uga baxeen Ku sii dhex jirista Fanka.   https://www.youtube.com/watch?v=7wgfo2UeC34&feature=share London SDN/QJ contact@qurbejoog.com

                    Read More

                      “Caqabadda Ugu Weyn Ee Na Hortaagan Ee Shacabkuna Ku Dhimanayo Waa Labada Fulinood Ee Iska Soo Daba Baxa” Taliyaha Ciidanka Booliska

                      Hargaysa 09.June 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay sababaha keenay inay isku dhacaan ciidanka Booliskaiyo shacabka Somaliland, taas oo uu tilmaamay taliyuhu inay keento fulinaha kala duwan ee ay soo saaraan Maxkamadaha dalku ee midna fuliya tahay midna hakiya tahay. Taliye Fadal oo shalay   ka hadlayey…

                      Read More

                        Abwaan Sangub oo Xaalad Caafimaad daro la soo deristay Xili Wiil uu dhalay Minnesota lagu Dilay DAAWO

                        Muqdisho 09.June 2015 (SDN/QJ)- Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) ayaa ku xanuunsan magaalada Muqdisho. Abwaan Sangub ayaa xanuunku ka haleelay dhinaca araga , Waxaana taas u sii raacay kadib markii Shalay Wiil uu dhalay lagu dilay oo lagu Magacaabo Maxamed Cabdullaahi Ciise (Sangub) lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Hooyga uu ka degan…

                        Read More

                          Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Shir Caalami ah Kaga Qayb Galaya Dalka Jarmalka

                          Hargeisa 09.June 2015 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shir caalami ah kaga qayb galaya dalka Jarmalka. Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska xisbiga UCID oo warbaahinta soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan :- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo casuumad rasmi ah ka helay gudoomiyaha baarlamaanka dalkaasi Prof. Dr….

                          Read More

                            Dawlada Kenya oo Shaacisay inay Martigelinayso Shir Lagaga Hadlayo Xagjirnimada

                            Nairobi 09.June 2015 (SDN/QJ)- Dowladda Kenya, ayaa marti galin doonto shir goboleed ku saabsan la-dagaallanka xag-jirnimada iyo sidii gacan looga geysan lahaa ka ho-rtagga marin habaabinta dhalinyaradda. Shirkaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururada aanan dawliga aheyn ee NGO-yada (Non-governmental organizations), ayaa loo qorsheeyay inuu mudo afar maalmood ah ka socdo magaalada Nairobi- isagoona dhici doono…

                            Read More

                              “Waa in Wasiirka aan Taageerayn Aftida ka sii Mid ahaanshaha Ama ka Bixitaanka Midawga Yurub uu Is Casilaa” R/Wasaare Camaroon

                              London, 09.June 2015 (SDN/QJ)- Rai’sal wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay inuu dhamaan golaha wasiirada ka sugayo inay ku taageeraan qorshihiisa Midawga Yurub. David Cameroon oo ka hadlaya kulanka todobada dal ee uu dhaqaalahoodu horumaray ee loo yaqaano G7 oo lagu soo gabo gabeeyay Germany, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu samayn doono isbedello…

                              Read More

                                Madaxweyne Xasan oo ku baaqay xallinta cabashooyinka dhismaha baarlamaanka Jubba

                                Muqdisho 09.June 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la dardargeliyo xallinta cabashooyinka ka dhashay dhismaha baarlamaanka maamulka Jubba. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa loogu yeeray guddiga dhawaan xukuumadda u magaacowday xallinta arrintaas in ay dhameeyaan tabashooyinka laga muujiyey hannaanka dhismaha golaha wakiillada Jubba. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay…

                                Read More

                                  Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland oo Magaca Guurtida Ku Hambalyeeyey Nabadayntii Mudada Loo Fadhiyey Coodanle Iyo Natiijadii Go’aamada

                                  Hargaysa 09.June 2015 (SDN/QJ)- Afhayeenka Golaha Guurtida C/qaadir Maxamed Xasan Magaca Guurtida Ku Hambalyeeyey  Nabadayntii Mudada Loo Fadhiyey Coodanle Iyo Natiijadii Go’aamada;; Afhayeenka guud ee golaha guurtida c/qaadir maxamed xasan (indho indho) oo Warbaahinta la hadlay ayaa magaca golaha guurtida ugu hambalyeey shirkii nabadayneed ee mudada loo fadhiyey magaalada coodanle oo dhinca galbeed ka xigta…

                                  Read More

                                    “Waa in Ururka SOLJA ay anshax-marin ku sameeyaan Wargayska Foore aniguna maan tanaasulin” Murashax Jamaal Cali Xuseen

                                    London, 09.June 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa caddeeyey in Mr. Jamaal Cali Xuseen yahay murrashaxa rasmiga ah ee jagada madaxweynaha xisbigooda, iyadoo ay si kulul u beeniyeen in Mr. Jamaal Cali Xuseen ka tanaasulay murrashaxnimada UCID. Wargeyska Foore ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, ayaa caddadkii shalay ku baahiyey war ay ku…

                                    Read More

                                      Mas’uuliyiin katirsan Ahlu sunna oo fagaare ku yaalo Dhuusa Mareeb kula hadlay dadka deegaankaasi

                                      Dhuusamareeb June 09,2015(SDN/QJ)-Maalin kadib markii Ciidamada Ahlu sunna waljameeca garab kamid ah uu la wareegay Gacan ku heynta Magaalada madaxda gobolada dhexe ee Dhuusa mareeb ayaa maanta waxa goob fagaare ah dadka degmadaasi kula hadlay mas’uuliyiin katirsan Ahlu Sunna. Mas’uuliyiintaasi waxaa kamid ahaa gudoomiyaha Degmada Dhuusa mareeb ugu magacaaban degmadaasi iyo saraakiil hogaamineysay Ciidamada la…

                                      Read More

                                        Dibad bax looga soo horjeeday mooshinkii ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya oo kismaayo ka dhacay

                                        Kismaayo June 09,2015(SDN/QJ)-Dibad baxaani oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin katirsan maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo dadka deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo gaar ahaan kuwa jubada hoose ayaa ka dhacay kismaayo. Dibad baxa ayaa ahaa mid looga soo horjeeday go’aankii baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ay ku meel mariyeen mooshinkii ka dhanka ahaa baarlamaanka…

                                        Read More

                                          Wiil uu dhalay abwaan Cabdullaahi Ciise Sangub oo lagu dilay Minneapolis

                                          Minneapolis 08.June 2015 (SDN/QJ)- Wiil uu dhalay abwaanka caanka ah ee Maxamed Cabdullaahi Ciise (Sangub) ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Abwaanka oo ku sugan Muqdisho ayaa idaacadaha maxalliga ah ee caasimadda u xaqiijiyay dhimashada wiilkiisa Allamagan oo 24 jir ahaa. Sangub ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dilka wiilkiisa. Booliska…

                                          Read More