“Saddex Xisbi Ayaa Tartan Ka Dhexeeyaa, Yaanu Gudoomiyaha Guurtidu U Eekanin Inuu Isaguna Tartanka Ku Jiro, Waayo Wuxuu Noqonayaa Nin Dabaysha La Tartamaya” Danjire Cawil
Hargaysa 02.June 2015 (SDN/QJ)- Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saddexda xisbi iyo xukuumadda ku bogaadiyay heshiiska laga gaadhay khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta, isagoo guddoomiyaha golaha guurtida ugu baaqay inuu aqbalo heshiiska khilaafka lagu soo afjaray. Md. Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee…
