Doorka Ay Xukuumada Somaliland Ku Leedahay Xallinta Shaqaaqada Taleex Ku Dhexmartay Labada Beelood
Hargeysa 23.April 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Ciidamada qaranka Somaliland oo gaadhay degaanka Taleex ay ku guulaysteen hakinta Dagaal laba cisho ka hor halkaasi ku dhex maray Beelo reer Somaliland ah. “Waxaad maqlayseen maalmahanba, in gobolka Xaysimo xaruntiisa Taleex ee dalkan…
