“Author Archive”
Stories written by akguled

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xill. Cabdiqaadir Jirde oo Hambalyo iyo Fariin Isbarkan u Diray Taageerayaasha Xisbiga WADDANI

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa guud ahaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba ugu hambalyeeyey qaabkii uu u soo qabsoomay shirkii Golaha Dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo bishan dabayaaqaddeedii ka qabsoomay magaalada Hargeysa, waxaana uu shirkaas ku tilmaamay in uu ahaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Labada Garab ee Gudida Qabanqaabada Shirweynaha aan Caadiga ahayn ee Xisbiga Ucid oo Mawqifyo kala Durugsan ka istaagay Qabsoomida Shirkaas DAAWO

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):-Labada Garab ee Xisbiga Ucid u qaybsan yahay Gaar ahaan Gudida qaban qaabada Shirka aan Caadiga ahayn ee Xisbigaas oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa Kooxda Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxa ay sheegeen in Dib u dhac Koobani uu ku Yimid Qabsoomida Shirkaas oo Ku Mudaysnaa 2 Bishan soo Socota ee November. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Iyo Xulalka Gobolada Hawd Iyo Sool oo Wada Ciyaaraya LIVE U DAAWO

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):- Waxaa Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Stadium ka socota Tartanka Ciyaaraha Gobolada dalka Wareegiisii Labaad Waxaa Maanta Ciyaar adagi dhex maraysaa Gobolada Sool Iyo Hawd.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maxaad Ka Ogtahay Sababaha Dib Loogu Dhigay Shirkii Nabadaynta Gobollada Bariga Ee Ku Muddaysnaa 25-kii Bishan?

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):-Madaxtooyada Somaliland, ayaa shaacisay in dib loo dhigay Shirkii Nabadaynta gobollada Bariga (Nabadayn Qaran), kaasoo uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hore u sheegay inuu gogoshiisa dhigay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana uu u muddeeyey qabsoomiddiisa 25-kii bishan aynu ku jirno ee Aktoobbar, hase-yeeshee, sababo jira awgood dib ugu dhacay, sida ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo ka Hadlay Xaalada Gobolada Bari ee Dalka Iyo Kalfadhigii 61aad ee Golahaasi oo Furmay DAAWO

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):- Mudanayaasha Golaha Guurtida JSL ayaa Maanta Waxa U Furmay Kalfadhigoodii 61-aad.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani iyo Hogaamiyaha Xisbigaas oo Qodobo Kala Duwan ka Hadlay DAAWO

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Mudane C.qaadir X.Ismaaciil Jirde iyo Hogaamiyaha Xisbigaas Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Maanta si Wada Jir ah Warbaahinta ula hadlay isla markaana ka hadlay Qodobo Kala Duwan.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Shir Gudoonkii Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo Bedka soo Dhigay intii Jeer ee uu Codeeyay Gudoomiye Axmed Muumin Seed “Waa La Iga Badiyey ayuu Odhan Kari Waayay”DAAWO

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):-  Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab ayaa Guul daro ku Tilmaamay Weedho ka soo Yeedhay Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo ka Cadhooday Murashaxnimadiisa Kolkii laga hor mariyey Murashaxa haatan Xisbigu u doortay Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Aammusnaan Kaga Baxay Hargeysa Iyo Guud-marka Afhayeenka

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan Xubno Wasiirro ah, Guddoomiyaha Kulmiye iyo Marwadiisu, ayaa Jimcihii shalay ka dhoofay magaalada Hargeysa, isla markaana Safar aan la sii shaacin ugu kicitimay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ka dib markii uu Marti-qaad rasmi ah ka helay Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya Hailemariam […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Ma Maqasheen Al-shabaab Aadaya Waqooyi? Al-Shabaab Koonfurta Gaalkacayo Wax Ku Dila? Kuwa Reer Puntland Waa Doqmo..” C.weli Gaas

Garowe 29.October 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ku soo duuleen wax uu ugu yeedhay Daacish, Al-Shabaab, Federaal iyo Maamullo aan Sharci ahayn sida uu hadalka u dhigay, isagoo Federaal ula jeeda dawladda Soomaaliya, halka Maamullada aan sharciga ahayna uu u jeedo Maamulka Galmudug oo ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xoghayihii Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani oo Sababaysay Amuuro ay Iska Casishay Xilkii Xisbigaas DAAWO

Hargaysa 29.October 2016 (SDN/QJ):-Xoghayihii Ciyaaraha ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Marwo Rooda Cabdi Muuse oo ayaa  shaacisay inay iska casishay xilkii iyo xubunimadii ay kaga tirsanayd Xisbiga Waddani.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »