“Author Archive”
Stories written by akguled

Salaadiin iyo Cuqaal ka soo jeeda Gobolka Awdal oo Taageero u Muujiyay Musharaxiinta Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Baaqna u diray Gudoomiye Axmed Muumin Seed DAAWO

Boorama 23.October 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka Mid ah Salaadiinta Iyo Cuqaasha Gobolka Awdal ayaa Taageero Balaadhan u Muujiyey Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee Shalay lagu Doortay Shirkii 1aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani. Salaadiinta Iyo Cuqaashan Gobolka Awdal Waxaa kale oo Baaq Waayeelnimo u Direen Gudoomiye Ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xanuunno Ka Dillaacay Sanaag oo 76 Qof Soo Riday, Sababta Keentay, Dawo-yaraanta Jirta Iyo Baaq Masuuliyiinta

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Ugu yaraan 76 Qof oo isugu jira Dumar, Carruur, Rag waawayn iyo Dhalinyar, ayaa Xanuunnada Xundhurta iyo Shubanka ugu soo dhacay deegaanka Huluul oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ka dib markii Abaar gobolka ka jirtaa sababtay Biyo la’aan, isla markaana ay cabbeen Biyo aan nadiif ahayn, cuneenna Hilibka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

”Anigu Waxaan Ka Tirsanahay Xisbiga Waddani Waxbana Kama Jiraan Wararka Sheegaya inaan ka Baxay” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa si adag u beeniyay inuu ka baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu ka mid yahay hoggaamiyayaashiisa siyaasadeed. Xildhibaan Siciid oo isagoo jooga dalka Imaaraadka Carabta, Telefoonka kula soo hadlay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu ka tirsanyahay xisbiga Waddani, balse uu kulamadii siyaasadeed ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Barnaamij Lagu Qiimaynayo Dadka Danta Guud Wax ka qabtay Rubuc Qarnigii Tegay Iyo Shakhsiyaadkii Ugu Horeeyay ee Lagu Maamuusay Wax ka Baro Taariikhdooda DAAWO

Gudoomiyaha Barnaamijka la Magac Baxay Guulaystayaal Geediga Wadaay,qaybtiisa 3aad ee ah Baro oo ku dayo Muwaadinkaaga danta Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay ayaa Marti Qaaday Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo Noqday Shakhsigii ugu Codaynta badnaa ee Dadkii ka qayb galay Codaynta Barnaamijkan. Qaabka ay u Kala Horeeyaan Muuqaaladu ma aha […]

Posted in Features | Read More »

Luuqadihii Adkaa ee Gudoomiye Muuse Biixi u adeegsaday Madaxweynayaashii Hore ee Somaliland & Dhaxalka Maanta ee Lagu Miisaami doono!! DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi ayaa Mudo dheer Mucaaridad Xoogan kala Hor iman Jiray Xukuumadihii Talada Somaliland Isaga Kala Danbeeyay Sida C.raxmaan Tuur,Maxamed X.Ibraahin Cigaal,Daahir Rayaale Iyo Weliba Madaxweyne Siilaanyo oo Marar kala duwan ay Xurguf Siyaasadeed Soo Kala Dhex gashay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Murashax C.raxmaan Cirro oo ka Fal Celiyey Eedayntii uu u Soo Jeediyey Gudoomiye Ku Xigeenkiisii Codka ka Waayay Shirkii Golaha Dhexe, & Nooca Saamaynta uu Xisbiga Ku Yeelan Karo !!! DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa ka hadlay eedayn uu Gudoomiye ku Xigeenkiisa 1aad ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed u soo Jeediyey Taas oo uu ku Xidhiidhiyey inuu ka danbeeyay Qaabkii ay u dhacday Codayntii Shalay lagu kala Saaray isaga iyo Murashaxa Cusub […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani oo Badheedhihiisa ka dhiibtay Xiligii uu Xisbiga Waddani Ku Soo Biiray Kana Jawaabay Weedho kaga Yimid Gudoomiye Seed oo uu ka Guulaysatay DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka ee Lagu ansixiyey Shirkaas Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka dareen Celiyey weedho uu ku duray Gudoomiye Ku Xigeenka Shirka ka baxay oo sheegay inuu ku Cusub yahay Xisbiga hawl horena ka soo qaban hasa yeeshee Ambassador Maxamed Cali ayaa sheegay inuu ka mid yahay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Hogaamiye Xirsi Cali X.Xasan oo Ka Hadlay Aragtidiisa Ku aadan Sidii uu u dhacay Shirkii Shalay ee Xisbiga Waddani & Doorka Isu soo dhawayneed ee Gudoomiye Axmed Muumin Seed oo Shirka ka Cadhooday DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):- Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Shalay loo ansixiyey Magac Ku Cusub Nidaamka Axsaabta oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muxuu Xisbiga Waddani u Kala Jeclaysatay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbigaas? Ma Jiraa Halbeeg Xisbiyadu Ku Qiimeeyaan? & Dareen wadaaga Dhacdadii Waddani ee Shalay & Muuqaaladii Kulmiye DAAWO

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-   Sideedaba Siyaasadu malaha Saaxiib Joogto ah Balse waxay Leedahay dan Joogto ah, Waxay Siyaasi kasta Tustaa in Saaxiibkii ugu dhawaa ee uu lahaa ay ka fogayso, Waa Hab dhaqan Dunnida Caan ka ah,Waana Mid lagu arko Marar Kala Duwan Somaliland oo Weli Raad barad ku ah hannaanka Dimuquraadiyada iyo Axsaabta badan. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xaraaradda Siyaasadeed Ee Xisbiyada Qaranka Oo Cirka Maraysa, KULMIYE Oo Madaxweynaha Ka Sugaya Xukuumaddii Uu Kaambaynka Ku Gali Lahaa Iyo Wasiirrada La Filayo In Seefta Madaxtooyadu Sahayan Doonto

Hargaysa 23.October 2016 (SDN/QJ):-   Wakhti xaraaradda siyaasadeed ee xisbiyada qaranku si weyn kor ugu kacday bilo koobanina innaga xigaan wakhtigii la filayay in ay dalka ka qabsoonto Doorashada Madaxtooyadu ayaa waxa isa soo taraya xogo rasmi ah oo tibaaxaya hadal hayn badan oo laga daremayo in ay ka taagan tahay gudaha xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »