Webmaster

    “Markay dawladdii iyo Wakiilladii israacaan ee ku heshiiyaan inay sharciga jabiyaan oo wakiilkii shanta sano la soo doortay uu shan kale fadhiyo oo sharci kasta oo Dawladdu keento u saxeexo….” Gudd. Faysal Cali Waraabe.

    London:March,02,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Ka Hadlay Xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu ka dayriyey sida xaalku haatan yahay. Guddoomiye Faysal oo haatan socdaal ku maraya Dalal Yurub ah, ayaa sheegay in isku-duubnidii iyo wada jirkii shacabka Reer Somaliland ka Baxday, isla-markaana ay qiimo dhacday qaddiyadii Somaliland ee markii hore loo hanweynaa,…

    Read More

      Xusuus Qor Dhakhtaar Ilkood Iyo Taxane Shabakada Qurbejoog.com idiin soo Gudbinayso {DHAGAYSO}

      Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)-Dhamaanba Asxaabta ku Xidhan Shabakada Qurbejoog.com waxaanu Si Taxane ah Halkan idiinku soo Gudbin doonaa Qormo Xiiso badan oo ay inoo soo diyaarisay Drs Hibaaq C.raxmaan Buubaal oo ah Dhakhtarad Cilmiga Ilkaha Hargaysa kaga Shaqaysa . Waxay Drs Hibaaq Buubaal qormadan Maanta ay inagu Hoga Tusaalaynaysaa Siyaabaha Keena in Mawqifyada Nolosha loo…

      Read More

        Wareegii 8aad ee Wada hadalada Somaliland iyo Somalia oo Baaqday Iyo Dooda Hal Muceed ee Labada Dhinac ku Kala Boodeen

        Istanbul 02.March 2015 (SDN/QJ):- Shirka kulanka ama wejiga siddeedaad ee wadahadallada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland u socday saddexdii sano ee u dambeeyey oo Axaddii shalay ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaan furmin oo baaqday, ka dib markii ay Ergooyinka ka kala socday labada dhinac isku mari waayeen Xubno u dhashay Somaliland…

        Read More

          Wasiir Samaale Weedh uu Alle u Aqbalay Shan Cisho ka Hor Xilka uu Gaashaanka ku dhuftay ee Waxbarashada DAAWO

          Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa noqday ka loogu hadal haynta badan yahay kadib markii uu ganafka ku dhuftay Bedelaadii uu Madaxweyne Siilaanyo ugu Magacaabay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada taas oo uu Gebi ahaanba cadeeyay inaanu qabanayn Xilkan lana shaqayn doonin Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo. Hadaba ka hor intii…

          Read More

            Buuxinta Jagadii Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargaysa oo Hirdankii ugu Xooganaa loogu Jiro

             Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Saleebaan Daahir (Dogox) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay in loolan adag loogu jiro Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, ka dib markii Agaasimaha Wasaaradda Werhsdaha loo magacaabay xoghayihii hore. Xildhibaan Dogox oo shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ay xildhibaanada golaha…

            Read More

              Shirkadii Kowaad ee Caymis ah oo Somaliland laga Furay DAAWO

              Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Munaasibad Lagu daahfureyay Shirkada Caymiska ee Takaful ayaa lagu qabtay Magaalada Hargaysa ,waxaana ka soo qayb galay Gudoomiyaasha Golaha wakiilada iyo Xisbiga Kulmiye Xubno golaha wasiirrada ka tirsan. Munaasibada lagu Furayay Shirkadan Cusub oo lagu qabtay Huteel Maansoor Waxaa ka Qayb galay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye,Madax dhaqameed

              Read More

                Halka Ay Sal-Dhigan Doonaan Wada-hadaladda Somaliland Iyo Somalia (FALAN-QEYN)

                Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Waxa ay taariikhdu ahayd 23/02/2012 markii shirkii weynaa ee caalamiga ahaa ee Somalida lagu qabtey xarunta taariikhiga ah ee Lancaster House, London. Shirka waxa hindisaadiisa iyo abaabulkiisa siyaaasadeed ba lahaa dawladda Britain oo hore ugu qancisay dalka Maraykanka iyo wadamadda Reer Galbeedka ba mihiimadda siyaasadeed ee ay leedahay Somaliya guud ahaan,…

                Read More

                  Taliyaha Cusub ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo ka Hadlay Xilkii laga bedelay ee Ciidanka Asluubta iyo aragtidiisa Xilka Cusub

                  Hargeysa 02.March 2015 (SDN/QJ):- Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka cusub ee uu Madaxweyne Siilaanyo habeennimadii Sabtidii u magacaabay, waxaanu u beddelay Madaxweynuhu inuu noqdo laga bilaabo Sabtidii Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu sheegay inaanu wax dhib ah u arkayn…

                  Read More

                    Dirirtii Deegaanka Buuhoodle oo Weli Taagan iyo Xukuumada Somaliland oo Baaq Nabadeed u dirtay DAAWO

                    Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Xiisad Colaadeed ayaa Maalmihii u danbeeyay waxay ka Oogan tahay Deegaanka Buuhoodle iyo Qorilugud kadib markii Beelaha Jiidaas wada degaa uu isku dhac dhimasho sababay soo kala dhex galay. Hadaba Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa  baaq nabadeed u diray beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanno ka tirsan gobolka…

                    Read More

                      Wasiirkii Hore ee Xannaanada Xoolaha oo ka Hadlay Dareenkiisa ku aadan Bedelaada Wasaarada Shaqada

                      Hargeysa 02.March 2015 (SDN/QJ) Wasiirkii hore ee Xannaanada xoolaha Somaliland, Dr Cabdi Awdaahir Cali, ayaa si kooban uga hadlay warar ku saabsan inuu ku gacan saydhay Xilka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ee haatan loo magacaabay, waxaanu sheegay inaan warkaasi jirin. Wasiirka ayaa haatanka mid ah Weftiga Somaliland uga qayb galaya Wada xaajoodka Somaliland…

                      Read More

                        Duruufo Caqabad ku Noqday Sii ambo qaadista Wada hadalada Somaliland Iyo Somalia iyo Mawqif adag oo Weftiga Somaliland istaageen

                        Ankara 02 March, 2015 (SDN/QJ)-Wada hadalada u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta loo balansanaa inay ka bilaabmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa u muuqda kuwo caqabado ay hadheeyeen, kadib markii Somaliland ku adkaysatay shuruudo ay ku xidheen qabsoomidooda. Labada dhinac oo la sheegay inay kulan casho sharaf ah ku qaateen Hotelka ay…

                        Read More

                          Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxey diyaar u tahay in la dardargeliyo wadahadalada lagula jiro Somaliland

                          Istanbul 01 Maarso 2015 – Iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaareen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa,…

                          Read More

                            Successful personalities like Hersi Hajji motivated the whole Somaliland and a moment of choice is a moment of truth and as we cannot hide the sun, the moon and the truth, equally competence and the resourceful of Hersi Hajji Ali cannot be hidden‏

                            A number of Somaliland websites published an article written by Abdihakim Musa Ali against the hardworking competent minster Hersi Hajji Ali. I have read noted Abdihakim’s article. Even though everybody is free and open to express his point of view in the way he believes, however, Abdihakim’s commentary is remote from the reality in the…

                            Read More

                              Xildhiban C/qaadir Indho,indho Ayaa Maanta Ka Hadlay Isku Shaandhayntii Madaxwayne Siilanyo Ku Sameeyey Qaar Ka Mida Golahiisa Wasiirada Iyo is Casilaada Samaale

                              Hargeisa 1/3/2015(SDN/QJ)xildhiban c/qadir  indho indho oo ka mida xildhibanada golaha guurtida somaliland  ayaa maanta ka hadlay isku shaandhaynta madaxwayne silanyo qaar kamida golahiisa wasirada ku sameeyey  isagoo sheegay inay siku shaandhayntu thay  wax suna ah  uu madaxwaynaha somaliland xaq u leeyahay  awood dastuurka somaliland siinayso inuu ciduu doono magacaabi karo kuu doonan ka qaadi karo…

                              Read More

                                13-kamid ah Dadkii Dhawaan Ku Dhaawacmay Hutel Central Oo Saaka Dibadda Loo Diray

                                Muqdisho:March,01,2015(SDN/QN)-Xukuumadda Somalia, ayaa saaka diyaarad gaar ah ku qaadday 13-qof oo kamid ahaa dadkii dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii Hutel Central, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad aad u liidatay. Saaka ayaa dadkan laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana loo qaaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo xaaladooda caafimaad lagu soo dabiibaayo, maadaama dhaawacyadooda ay cuslaayeen. Wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan…

                                Read More

                                  “Odayga xigtadiisu way garanayeen inay lama taabtaan yihiin. Tabashadii Awdal-na ma Col. Cumar oo adeerkii xanuun saday iyo Madaxwayne xigeenka ayaa…..”Muj, Cali-gurey

                                  Hargeysa:March,01,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey), ayaa ka falceliyey Isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Habeen hore ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxana uu tilmaamay inaanay ahayn wax la aqbali karo. Mujaahid Cali-gurey  oo qoraal Kooban soo dhigay Bartiisa Face-book-ga, ayaa tilmaamay in isku shaandhayntani noqotay mid aan loo fadhiyin oo ka duwan…

                                  Read More

                                    Wada-hadalladii Somaliland Iyo Somalia Oo Maanta Furmaya Iyo Wasiir Biixi Ku Adkaystay Inaanay La Fadhiisan Doonin Xubno ay Saluugsan Yihiin Oo Dhanka Kale Kasoo Jeeda

                                    Stanbul:March,01,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Ka Hadlay Wada-hadalka Somaliland Iyo Somalia  ee Lagu wado inuu maanta ka furmi doono Magaalada Stanbul ee Dalka Turkiga. Wasiir Biixi oo la Hadlay BBC-da, ayaa ka Hadlay warar sheegaya in Dhinaca  Somalia ay ka socdaa Xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo sheegay inaanay la…

                                    Read More

                                      Jarmalka Oo Shaqadii Ka Caydhiyey Askari Muslim ah Oo Diintiisa Lagu Faquuqay

                                      Munchen:March,01,2015(SDN/QJ)-Askari muslim ah oo u dhashay dalka Jarmalka, ayaa shaqadii uu hayey laga caydhiyey, kaidb markii lagu eedeeyey inuu sameeyey Cibaado la xidhiidha diinta Islaamka. Askarigan oo Da’diisa lagu sheegay 21-sano jir, Maxakamada ciidamada ee dalkaa ee loo yaqaano Bundeswehr, ay soo saartay Amarka shaqada lagaga caydhinayo. Askarigan oo laga soo bilaabo 2009-kii ka shaqeynayay…

                                      Read More

                                        “Xilkaas Maan Aqbalin, Mana Aqbalayo,Diyaar Uma Ihi inaan Xilkasii Qabto Xukuumadda Uu Hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo” Samaale

                                        Hargeysa:March,01,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa Markii ugu horraysay si rasmi ah u shaaciyey inuu iska casilay Xilka Wasaaradda Waxbarashada oo uu Habeen Hore Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay. Mudane Samaale oo Xalay La Hadlay Idaacadda VOA-da, ayaa  si cad u sheegay inaan xilkaas diyaar u ahayn, isla-markaana aanu qabanaynin oo uu…

                                        Read More