Webmaster

    Madaxtooyada Somaliland Oo Meesha Ka Saartay Amar Sirdoonka Dalku Ku Mustaafurinayey Abukar Qaad-diid, Una Fasaxday Inuu Sii Joogi Karo Inta Uu Doono

    Hargeysa:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa meesha ka saartay Amar hore uga soo baxay Waaxda Socdaalka Dalka oo sheegayey in Abukar Cawaale Qaad-diid uu dalka kaga baxo sida ugu degdegga Badan, kadib markii lagu eedeeyey inuu Arrimo la xidhiidha Kooxda Khaatumo ku lug yeeshay. Sida aanu ilo xog-ogaal ah ku helnay waxa ay Madaxtooyadu  ku warheshay Hadalladii Abukar…

    Read More

      Magacyada 2-Sarkaal Oo Kenya Madaxooda Duldhigtay Malaayiin Lacag ah Dhuumasho Ku Maqan , Laguna Xidhiidhyey Al-shabaab

      Nairobi:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Kenya, ayaa raacda ugu jirta Laba Sarkaal oo katirsan Kooxda Al-shabaab, kuwaas dhuumasho ku maqan, sida lagu sheegay qoraal Sirdoonka Dalkaasi soo saaray. Magacyada labadan Nin ayaa kala ah Maxamed Dulyadeyn iyo Axmed Iimaan oo labaduba ah saraakiil sar sare oo ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab. Qoraalka ayaa waxa uu si toos ah uga soo baxay…

      Read More

        “Subeer Awal Waxan Leeyahay Waar Dee madaxweynenimana waa doonaysaan, Cod weyna Waan Hayaa afhayeennimadayda iyo madaxweynuhu waa isku xidhan yihiine, Amba Cirro soo raaca..”Suld. Xiirey

        Hargeysa:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo kamid ah Salaadiinta Reer Somaliland, ayaa Madal lagu caleemo saarayey Suldaan Cusub, ka jeediyey Hadallo Kaftan iyo  Duurxul iskugu jira Oo uu Kula Hadlay Beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa. Suldaan Xiirey oo inta Badan ku andacooda inuu yahay Afhayeenka Salaadiinta Reer Somaliland, ayaa sheegay in Beesha Subeer Awal diidmo ka…

        Read More

          Wariyayaal Al-Jazira Kaga Xidhnaa Dalka Masar Oo 411-maalmood Kadib Dammaanad Lagu Sii Daayey

          Caira:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Laba Wariye oo u shaqayn jirey Tv-ga Al-jazira oo ku xidhnaa Gudaha Dalka Masar, ayaa maxkamadi Dammaanad kusii daysay. Labadan Wariye oo magacayadoodu kala ahaayeen Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy, ayey Hore maxkamadi xukun ugu ridday, waxana Xadhigoodu keenay Colaad dheer oo dhexmarta Tv-ga Al-jazira iyo Dawladda Haatan Gacanta ku Haysa Dalkaas oo si xoog…

          Read More

            Cali Sanyare oo ka faalooday xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland(DHEGEYSO PRT3)

            Geneva Feb 13,2015(SDN/QJ)-Waxaanu bishii Janawari ee sandakan la-yeelanay  wareysi dheer,Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali -Sanyare) , oo ahaan jiray Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ah ee xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale ,oo dhinacyo badan ka taabtay xaalada hadda somaliland ku sugantahay.  Wareysigaas oo taxana ah wuxuu maqalkiisa iyo daabacaadiisuba soo baxeen 30…

            Read More

              Haweenaydii 1aad ee Qori Qaadata kuna Biirta Kooxda Suldaan Wabar iyo Fariin ay dirtay DAAWO

              Boorame 13 Feb 2015 (SDN/QJ)-Xiisada dagaal iyo kacdoonka ka taagan Gobolka Awdal ayaa marba marka ka danbaysa sii Xoogaysanaya, sidoo kalana waxaa Bulshada deegaankaasi ay ku howlan yihiin dhismaha ciidamo xoogan oo dhamaan la wareega deegaanada Awdal state. Gabadhan oo Magaceeda ku Sheegtay Hibo Faarax Buux ayaa Tilmaantay Sababta Ku Kaliftay inay Qori qaadato Waxayna…

              Read More

                Waxa aan soo jeedinaya in go”aamadii ay Xukuumaddu ka soo saartay Deegaanka Bali Diiriye Guuleed sidoodii loo fuliyo” Xildhibaan Qabile

                Hargaysa 13.Feb 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiilada, isla markaana mid tirsan Xisbiga Mucaaradka ee UCID  golaha ayaa Xukuumadda taladda dalka haysa ku eedayey inay Sharcigii dalka ku tumatay, isla markaana aanay ku dhaqmin, isaga oo tilmaamay in sida ay doonto u jabiso Sharciga, waxaanu tilmaamay in haddii…

                Read More

                  “Madaxweyne Siilaanyo Xisbigiisii Wuu Dayacay oo Waxaa ku Hadhay Labadii Mujaahid Iyo Shabeel” Siyaasi C.rashiid J.Dheri

                  Hargeysa 13.Feb 2015 (SDN/QJ)-Mr. Cabdirashiid Jaamac Dheri oo ahaa afhayeenka urur siyaasadeedkii Xaqsoor, ayaa sheegay In Madaxweynaha Somaliland dayacay Xisbigiisi, oo aanu dan ka lahayn, oo uu xooga saaray Xukuumaddiisa, isaga oo sheegay in Xisbiga ay ku soo hadheen oo qudha Guddoomiyaha Muuse Biixi, Guddoomiye ku xigeenka kowaad Maxamed Kaahin, Xoghayaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel,…

                  Read More

                    “Boorama Waxay Tahay Casimada Aqoonta iyo Barwaaqada ee Somaliland oo Waxaa ku Nool..” Wasiir Cukuse DAAWO

                    Boorama 13 Feb 2015 (SDN/QJ)-Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Ayaa Ka Qayb Galay Munaasibad Ay Xilka Kula Kala Wareegayeen Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Awdal Iyo Gudoomiyaha Cusub Ee Madaxweynuhu U Magacaabay. Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Khudbad taabatay dareenka Bulshada Gobolka Awdal halkaasi ka jeediyay.

                    Read More

                      “Yaaynaan Ku Dawakhin Waxan Soconaayn Rasaata Aan Qorujeed ka bilaaba Xili ay Bariga Burco Gaadhi Mooyi ” Wasir Abgaal DAAWO

                      Boorama 13.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasirka Boosaha Iyo Isgaadhsinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgal ayaa Mar uu shalay  ka Hadlayay Xaflad ay Xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal iyo Gudoomiyihii Hore ee Gobolkaas oo lagu qabtay Magaalada Boorama waxa uu Fariin Waayeel nimo u diray Bulshada Gobolkaas oo uu Xasuusiyay in Somaliland ay Ku…

                      Read More

                        Berbera: Faanka Beenta, Foorarka Runta, Fiirrada Nolosha, Ficilka Tukaha Iyo Fooridda Dabaysha.Falanqaynta Ogaal

                        “Meeshu waa Berbera, saw fadeexad maaha in qolkaa yar ee burbursani u yahay Maxkamad” “Malaha musuq maasuqa xukuumaddu  waxay u taqaanaa wax qabad” “Madaxweynuhu marna muu tegin Maxkamadda Berbera. Wuxuu tagaa Haamaha Shidaalka iyo meelaha heensiga leh…” Maxkamadaha iyo Jeelashu waa tiirarka garsoorka iyo caddaalada. Intaan la odhan caddaalad darraa jirta, waxa ka horaysa siduu…

                        Read More

                          Saymaha Ganacsi Ee Dhaxal Wareejinta Dekedda Berbera Iyo Kulankii Qarsoodiga Ahaa Ee Xirsi Iyo Weftiga Dubai Port

                          Berbera, 13 Feb 2015  (SDN/QJ)-Wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo maamulka dekedda Berbera ayaa shalay kulamo wada xaajood ah kula yeeshay magaaladda Berbera, wefti ka socday shirkadda dekedaha Dubai ee DP World iyo Enoc (Emirates National oil Company) oo watay diyaarad khaas ah oo gelinkii hore ee shalay timi Madaarka Berbera, isla shalayna dib ugu duushay…

                          Read More

                            Raysal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid oo Hooyadii Geeriyootay iyo Ku Xigeenkiisa oo u Tacsiyadeeyay

                            Muqdisho, 12, Feb, 2015 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed Cali oo xalay ku geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo howlo caafimaad u joogay usbuucyadii la soo dhaafay. “Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Ra’iisul Wasaaraha, kan xukuumadda, iyo kan shacabka…

                            Read More

                              Daawo:Wasiir Xaglo Toosiye Oo Ku Guulaystay Soo Xero Galinta MadaxdhaqameedKa Buuhoodle.Maxayse Ka Badali Mab Da.ii Khaatumo Markay Guryo Noqdaa

                              Hargeisa 12/2/2015(SDN/QJ)wasiir xaglo toosiye oo ku guulaysatay   soo xero galinta madaxdhaqameed  badan  oo ka socda magalada buuhoodle maxay y  madaxdhaqameedkani  kala tagi  doonan magalada hargeisa  maxayse  ka badali mab da,ii khaatumo markay guryo noqdaan https://www.youtube.com/watch?v=pOcHcv85bRk Hargeisa SDN/QJ Concat@Somalidiasporanews.com

                              Read More

                                Badiba Safaaradihii Reer Galbeedku Ku Lahaayeen Dalka Yemen Oo Albaabada Loo Laabay

                                Sanca:Feb,12,2015(SDN/QJ)-Badiba waxa Albaabada loo laabay Safaaradihii Dalalka Reer Galbeedku   ku lahaayeen Caasimadda Dalka Yemen ee Sanca, kadib markii ay Xoogagga Xuutiyiintu Xoog kula wareegeen Awooddii Dalkaas. Xaalada siyaasadeed ee dalka Yemen ayaa aheyd mid aan deganeyn, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, iyadoo xoogaga shiicada Xuutiyiinta ay awood soo saareen…

                                Read More

                                  Wasiir Dhuxulow oo ka tacsiyeeyey Geerida Maxamed Weli Xasan Macow

                                  Muqdisho, Feb 12 2015(SDN/QJ) Wasiir Mudane Mustafa Dhuxulow oo dhowaan xilka Wasiirnimo ku wareejin doona wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyey Geerida naxdinta laheyd ee xalay ku timid Muusikiiste Maxamed Weli Xasan Macow oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi. Wasiir Mustafa Dhuxulow ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaceyga, kan Wasiirka Cusub, kan dowladda, kan…

                                  Read More