“Author Archive”
Stories written by akguled

DAAWO: Sidee Ku Bilaabantay Taariikhda Islaamka ee Hijriyadu?

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Ka hor cahdigii uu khaliifada hayey cumar Bin Khadaab Muslimiintu waxay isticmaali jireen oo keliya taariik bilaha uun ku kooban sidii ay carabtuba tirsiga bilaha u isticmaali jireen islaamka ka hor.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xaflad Meher Ka Dhacday Magaalada Burco oo Indhaha Bulshada Soo jiidatay (Waa Gabadh Araga Naafo ka ah oo uu Guursaday Wiil Laxaadkiisa Qaba) & Dhaqaale Loogu Yaboohay DAAWO

Burco 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Munaasibad Meher oo Masuuliyiin iyo Shacab la isku arkay, isla markaana ka duwan Munaasibadaha inta badan dhiggeeda ah ee Meherrada ah, ahaydna mid la isugu dhisayey ama la isugu Guuriyey Lammaane Muslim ah oo midkood Aragtida Naafo ka yahay, ayaa Sabtidii doraad lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Lammaanaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumaddu Miyay Ka Habranaysaa Mise Wey Ka Huruddaa Mudane Ka Tirsan Dawlada Somalia oo dhex Mushaaxaya Bar-kulanka Bulshada,Kaas oo la Dhashay Mas’uuliyiin Sare oo Somaliland ah?

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka ee dawladda federaalka ah ee dalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii u dembeeyey ku sugnaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa isaga oo aan haba yaraatee wax shido ah kala kulmin dawladda, isla markaana si caadi ah uga soo degay madaarka. Xildhibaankan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland balse dawladihii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Kuraasidii Beelaha Bariga Sidii Bay Beesha Dhexe U Haysanaysaa Amma Ha Is Diiwaangeliyaan Ama Yaanay Is Diiwaangelin Eh Ilaahay Hortii Maaha Cadaalad Waana Ceeb” Cali Guray

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Sida aynu ognahay beryan meel wanaagsan ayay beelaha berigu, siiba Reer Sool iyo reer Sanaagba taagnaayeen. Waxaynu ognahay in tiro badan oo iyaga ka mid ihi isu diiwaangeliyeen doorashooyinka mudaysan 28/3/2017ka. Ahmiyadooda ugu wayn ee doorashadu waxan qabaa in ay tahay kuraasida Wakiilada oo saamigii ay ku lahaayeen lagu bililiqaystay sheekadii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dhaqanada La yaabka ah ee ka Jira Dalka Faransiiska haddii aad jabisano Ciqaab la Kulmayso DAAWO

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dalka faransiiska oo ka mid ah wadamada waaweyn ee caalamka ahna wadan ay in badan oo dadweynaha caalamka ahi danaynayaan in ay ku noolaadaan ayaa dhanka kale waxaa wax lala yaabo noqotay qaar ka mid ah sharciyada dalkaasi dhigteen oo weliba ku adag yihiin.ciddii dhaaftana ay taallo ciqaab ay mudanayaan.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaadka oo Si Tuugo ah ku yimaada Deegaanada Koonfur Galbeed Somalia iyo Digniin Adag oo Maamulka K.Galbeed ka soo saaray

Baydhaba 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Amar 6 bishan kasoo baxay wasaarada duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuusan jirin qaad imaan kara gudaha dalka Soomaaliya iyadoo qaar kamid ah maamul goboleedyado ay kasoo horjeesteen go,aankaas sida Maamul Goboleedka Puntland iyo Xukuumada Somaliland oo Sheegtay in aanay Khusayn awaamiirta Dawlada Federaalku Maadaama ay dib ula noqdeen Xoriyadoodii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Buugga Dhacdooyinka Layaabka Leh Ee Genius World Record Oo Shaaciyey Haweenayda Adduunka Ugu Gadh Weyn DAAWO

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Buugga dhacdooyinka layaabka leh lagu ururiyo ayaa soo saaray dhacdooyinkii ugu layaab badnaa sannadkan sii dhammaanaya ee 2016 isaga oo si gaar ah u soo qaatay haweenayda loo aqoonsaday midda ugu gadh weyn haweenka adduunka wakhtigan ee ugu da’da yar. Inkasta oo ay jiraan haween gadh weyn lihi haddana waxa ay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Akhri Xog-Qoraal Muujinaya Faa’iidooyinka Ganacsi, Siyaasadeed, Dhaqaale, Shaqo Abuur, Dalxiis, Diblomaasiyadda Iyo Arrimo Kale Oo Somaliland Ugu Jira Heshiiska ay la Saxeexatay Shirkada DPW

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah kana soo baxay Jaamacad Maraykanka laga leeyahay oo ku taalla dalka Switzerland oo lagu magacaabo American University of Switzerland oo uu ku diyaariyey shahaadada sare ee qaanuunka Caalamiga ah (International Law) kana soo shaqeeyey shariikaadka ugu waaweyn qaaradda Asia sida ARAMCO […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Siraha qarsoon ee ku duugan Kacbada Barakaysan,Imisa dhagax ayay ka kooban tahay, Tiirarkeedu waa imisa Halkeese laga keenay, Waa Imisa Kiiloo Albaabkeeda Dahabka ahi, Imisa Goor ayaase Dayac-tir lagu Sameeyey? – q:1aad

Hargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Inkasta oo culimada taariikhda werisaa ay siyaalo kala duwan uga hadlaan dhawr jeerna macluumaadyo kala duwan ka bixiyaan xaaladda dhabta ah iyo macluumaadka la xidhiidha dhismaha Kacbada Barakaysan ee Masaajidka Xaramka tan iyo markii Nabiyullaahi Ibraahiim Calaysi Salaam uu dhidibada u taagay, haddana waxa la isku waafaqsan yahay in badan oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Imisa Saacadood Ayey Shaqeeyaan Maalintii Madaxda Dalka Sucuudigu ?

Riyadh 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waxa muddooyinkan danbe ka bilaabmay dalkaasi Sucuudiga isbadalo aad u fara badan gaar ahaana dhinaca siyaasada gudaha ee dalkaasi kadib markii uu boqorka haatan tallada hayaa la wreegay jagada Boqortinimada dalkaasi Sucuudiga, waxaana la sheegay in madaxda dalkaasi dhamaantood ay shaqeeyaan saacado fara badan iyaga oo ku dadaalaya horumarka dalkooda, maadaama […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »