Garowe:May,04,2014(SDN/QJ)-Wasiirka arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan(karaash)- ayaa ka hadlay Xiisadda ka taagan deegaanada Xuduudda Somaliland iyo Puntland u dhaxaysa.
Wasiirka oo la hadlay idaacada Daljir ee Galkacayo, ayaa sheegay in Soomaaliland ay gardaro ku joogto deegaanka Holhol ee gobolka Sool, halkaas oo ay dhowaan qabsadeen, waxana uu arrintaas ku tilmaamay mid aanay udulqaadan doonin.
Puntland ayaa haatan diyaar u ah in ay Soomaaliland iska difaacdo isla markaasna ka saarto deeganada ay qabsatay ee gobolka Sool, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Karaash, wuxuu intaas ku daray in ay mudo dheer sugayeen in xasiloonida la dhowro oo aan xiisada jirta dagaal lagu xalin.
“Dalalka deriska ah iyo beesha caalamka waxaan u sheegaynaa inaanan qaylo dhaan dambe u gelayn dhaqdhaaqa Soomaaliland, balse aan qaadi doono talaabo la mid ah tay wadaan.” Ayuu yidhi Karaash
Ciidamada Soomaaliland oo toddobo sano gacanta ku hayey xaruunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa dhowaan tegay deegaanka Taleex taas oo xiisada labada maamul kor u qaaday, waxaa ka horeeyey booqashadii madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo uu ku tegay Laas-qoray.
Ciidanka qaranka Somaliland ayaa Haatan dhawaan gacanta ku dhigay Deegaanka Holhol oo ay puntland sheegato, waxana uu maamulka Puntland ku baaqayaa inay si xoog ah uga kicin doonaan Goobaha Somaliland Haysato.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
