|

Baaq Dhallinyaro: Xadhigga Xukun La’aanta Ah ee Boqor Raabbi Waa Xadgudub Sidii Guwaantannaamo Beey

Annaga oo ka mid ah dhallinyarada Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa waxa aannu cambaraynaynaa xadhigga Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo ay ciidanka booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen bishii hore illaa haddana aan la haynin maxkamad si loo xalaaleeyo xabsi ku-hayntiisa ama loogu dacwad haddiiba ay jirto fal lagu eedaynayo oo xorriyaddiisa looga qaadaa.

Waa tallaabo horseedaysa in lagu tunto xuquuqda dadka waddanka u dhashay oo sababi karta tacaddi iyo jawaab bulshadu bixiso haddii aan laga waantoobin. Ugu dambayn waxa aannu ugu baaqaynaa Xukuumadda Somaliland, Bahda Garsoorka, Ciidamada Sirdoonka iyo cid kasta oo ay arrintani khusayso in si degdeg loo dhammeeyo arrinka Boqor Raabbi oo xorriyaddiisa loo celiyo haddii aan lagu haynin xaajo maxkamad loo geeyo… Si weyn ayaanu uga xunnahay in la duudsiyo ummadda. Annaga oo sharciga ixtiraam u haynana waxa aanu leennahay “Yaan la adeegsan jeelal bilaa xukun ah sidii Guwaantannaamo Beeygii uu Mareykanku Furtay
Baaqan waxa soo saaray
1. Axmed C/Raxmaan Buraale
2. Siciid Maxamuud Yuusuf
3. C/Raxmaan Nuur Yoonis
4. Maxamed Cumar Faarax
5. C/Qani Yoonis Muuse
6. Siciid Sharmaarke Ciise

Comments are closed