|

BAAQ KU SAABSAN GANACSIGA LAGA BURBURIYEY DADKA DANYARTA AH IYO WADHATADDA MAGAALADA HARGEYSA Musharaxa madaxweynaha xisbiga ucid Jamaal ali xusein

BAAQ KU SAABSAN GANACSIGA LAGA BURBURIYEY DADKA DANYARTA AH IYO WADHATADDA MAGAALADA HARGEYSA:

 

(KampalaSDN)   Inkastoo ay hawshooda gudanayaan oo aan ixtiraam u hayo dawladda

 

hoose ee Hargeysa iyo Ciidanka Booliska, haddana indhaha kama

 

qarsan karno dhaawaca la gaadhsiinayo dadka dan’yarta ah ee ka

 

ganacsadda suuqyadda magaaladda Hargeysa. Caqliga suubani ma

 

qaadan karayo marka ay Dawladda Hoose Iyo Ciidamadda Booliska Oo

 

Cudud Ku Muquuniyaan Wadhatadii Hargeysa iyo khasaaraha Maalin

 

Keli ah Ay soo Gaadhsiiyaan dadkaasi dan’yarta ah. Way dhici kartaa

 

in ay qaar dhego-adaygaan laakiin yaan fadlan laga burburin inta yar

 

ee ay isku keenkeenene waa in si kale loogaga wareego sidii bilicda

 

magaaladda loo hagaajin lahaa. Fadliga bisha Ramadaan iyo dadkaasi

 

danyarta ah ee ay naftu u geysay waa in il naxariis leh lagu eego

 

 

arrimaha burburinta ganacsigoodana intaan la gudo gelin waa in laga

 

 

fikiraa burburintuna aanay noqon falka ugu horeeya ee lagu kaco.

 

Ganaax lacageed baa la sameyn karaa marka hore iyo digniino faro badan! Ilaahay kheyrka hayna waafajiyo.

 

 

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga ucid  Jamaal ali xusien

 

 

 

Wariye khadar bitijoor

 

uganda kampala

 

+256791661106

 

OFFICE UGANDHA

 

Comments are closed