|

hadaan tahriibi lahaa madaxtooyada miyaan laygu casuumeen?‏udub way tagaysaaye ha tahriibina maxa ka danbeyey!!!!!!!

asalaamu calaykum wa raxmatulaah waxaan marka hore u mahadnaqayaa dhamaan hawl wadeenada shabakadan ii suura galisay inaad aragtidayda ila wadaagtaa. marka xigta waxaan leeyay ramadaan kariim dhamaan umada muslimiinta ah.

(KampalaSDN) Aan u sii durko dhinaca mawduucaygu iga xigo, sida aynu wada ognay beryahan dabe waxa inagaga qaylisiisay tahriibta ama tacabirka kaasoo si xawliya ugu sii siyaday wadankeena ama arliga soomalidu degtoba (5ta soomaaliyeede). hase yeeshee tahriibtu taariikh wayn bay inagu leeday marba heer ay leekaydba, waxaan taariikhda ku hayaa inay jirtay iyadoo macag kan hada ka qurxoon lahayd oo la oran jiray TACABIR. bal dib u milicso taariikhda oo raad raac ku samee qaraabdaadii, imsa qof oo awoow, adeer ama abti kuu ahaa baa la yiraa xiligaasuu tacabiray, wali ma maqashay hebel isagoo tacabirayaa la yiri yay baa meel ku cuntay doon baa la degtay iyo waxa la halmaala. imisaa ka badbaaday masiibooyinka waawayn oo lagu yiri carabaha ayuu ka soo shaqaystay ama yurub ayuu dad hortii galay oo xeebaheenuu markab ka raacay. isku soo wada duuboo tahriib waa tahriib uun. waa nin dalkiisii quus iska soo taagay oo kana doorbiday inuu nafta meel kale kula eerto. Amaan ugama jeedo hordhacayga qiilna ugu samayn maayo dhalinyarta waayuhu dhalandhoolinayo balse waxaan dulka xaadis inoogu sameeyay uun inuu jiri jiray tahriibku waxaaba la oran jiray RAGGA socodku waw door haduu mawdku daayee, hase yeeshee uu aad uga duwanaa ka maanta jira ee ay maatidii qulqulayso, haweenkii cawrada ahaa mid inana, mid xaasa oo caruur ka soo carartay ama la soo carartay, mid uurleh,,,,,,,, oohin iyo naxdin waynaa maalin walba waxaynu maqalnaa doon wal oo gudubtaba intaasoo dumar uurle ah baa saarnaa ama intaasoo dumaraa kusii dhex umushay. walina ifafaalaheedii ma muuqdo in beryahaa cidi joojinayso ama wax ka qabanayso ilaa inta dhalintu ka wada idlaanayso midba meel ilaah gaadhsiiyob. waxaan ogaa xiligii xukuumadii rayaale oo la oranjiray UDUB wuu tagiye ha tahribin walal. UDUB tagtay tahriibkii se waase ka sii daray oo iminkaabu irida jabsaday. waxase iigu yaab badan ama uguba yaab badan habeen dhexdaasa oo la magacaabay gudi lagu magacaabay GUDIGA KA HORTAGA TAHRIIBTA IYO ………………. . gudiduba waa dad ilaah ka arsaaqayo oo shaqo loga dhigay, waa muwaadin oo xaqbuu u leeyay in la shaqaalaysiiyo balse horayso iyo danbaysoba laysuma waydiin waxa dadka tahriibinay ee ku qasbaya inay hagardaamo,, haraad, hanfiga saxara iyo badwaynta ugu babacdhigaan, hadii laysu waydiiyayse jawaab saxa layslama meel dhigin oo waa cadaan. waxa igu soo dhacday malaha waaba la dhiiri galinayaa tahriibta. ma maqli jirtay waxa la soo dhawaynayaa halyaygii ama geesigii guulo lagu faano soo hooyay, ha ahaado, ciyaartoy , ha ahaado halgamaa, ha ahaado hal abuur guulo cad cad oo lays la garanayo soo hooyay. waa tanoo kale nimankii qurbaha si ay ku galeenba si uun ku galay ayaa maantana madaxtooyada lagu soo dhaweeyay. waa halkii u saraysay soo dhawayn!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

 

is waydii oo guusha ugu wayn ee ay soo hooyeen waa maxay. kkkkkkkkkkkkkkk is iri tartankii qurbaha loogu jiray bay ku guulaysteen oo waa kuwaa iyagoo caafimaad qabaa. waxa kale oo jirta 90% masuuliyiinta qaranka ee heer digreeto lagu soo magacaabay waxay sitaan sharciyo ajaanib!!!!!!!!! ma is tiri hadaanad sharci ajaanib sidan laguma magacaabayo. waxaaba jirta oo laysla garanayaa xilibaano ama xilal kale rag loo magacaabay oo qurbaha iska dhiibay si degreeto loogu magacaabo markay soo noqdaan. la soco qaybaha danbe……………………….

 

Ahmed saed

asdiiriyex@hotmail.com

 

faculty HRM KAMPALA UNIVERSITY +256791686972

 

Wariye khadar bitijoor +256791661106

Comments are closed