|

Wasiirka Deegaanka oo ka Hadashay Dhibaatooyinka Deegaanka lagu hayo

Hargaysa 31.July (SDN) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee JSL Marwo Shukri X Ismaaciil (Baandare)  oo maanta la hadashay warbaahinta ayaa dareen ka bixisay dhibaatada ay deegaanka ku hayaan boholaha iyo jeex-jeexyada ay sameeyaan daadadka xilli roobaadka.

Marwo shukri waxa ay sheegtay in muddo dheer ay jirtay dhibaatada ay sababaan jeex-jeexyada gaar ahaan waxyeelooyinka ay u leeyihiin qaybaha nolosha bulshada sida beeraha, xoolaha iyo bilicda magaalooyinka iyagoo ay biyo roobaadku si degdeg ah u raacaan jeexjeexyada iyo laagaha aan haboonayn taasoo yaraysa dalag cawseedkii ka soo bixi lahaa dhulka badankiisa isla markaana khatar gelisa dhismayaashii deegaanka ahaa ee magaalooyinka.

Wasiirada deegaanku waxa ay sheegtay in hadii aan wax laga qaban biyaha rogmanaya ay maalinba ta xigta sii kordhi doonto dhibaatada ay ugu horayso nabaadguurku, wasaarad ahaana ay ku talo jiraan inay talaabo ka qaadaan arimahaasi.

Dhanka kalena marwo shukri X Ismaaciil wasiirka wasaaradda deegaanka waxa ay tilmaantay in deegaanada somaliland ay haysato dhibaato adag, taaoo lagaga bixi karo in bulshada Somaliland fahamto lahaanshaha dhulkooda iyo deegaanka iyo weliba faa’iidooyinka uu u leeyahay, lana joojiyo dhulka la deegaamaynayo ee tuulooyinka cusub laga samaynayo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed