Garowe 07.Jan 2014 (SDN)- Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa goor dhowayd soo gabagabeeyay dhageysiga khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Puntland.
Waxaa barnaamijkooda ka hor akhriyay baarlamaanka 11 musharraxiin oo u taagan xilka madaxweynenimo ee Puntland.
Musharraxiinta ayaa khudbahooda waxay ahaayeen kuwo isku dhow, waxayna ballan-qaadeen inay ka hor marinayaan maamulka Puntland dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, xiriirka beesha caalamka, dib u soo nooleynta xiriirka dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, adkeynta xiriirrada Puntland iyo dowlaha Afrika ee deriska la ah.
Musharraxiinta ayaa ballan-qaaday inay bixinayaan mushaharaadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda si ay u kasbado kalsoonida shacabka.
Baarlamaanka ayaa goor dhowayd guda-galay dhageysiga khudbadaha 10-ka musharrax ee u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Ammaanka xarunta golaha wakiillada ayaa aad loo adkeeyay, sida uu Bar-kulan u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland, Saadaq Abshir Garaad.
Doorashada madaxtnimo ee maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Arbacada berri ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay January 8, 2014.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com
