|

Sucuudiga Oo Cod-dheer Kaga Digay Halista Kooxda Daacish

Riyad:Aug,31,2014(SDN/QJ)-Dalka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa soo raacay Walaaca soo kordhaya ee Dalalka Reer galbeedku sida joogtada ah uga soo saarayaan Kooxaha dagaalka ka wada Dalalka Syria iyo ciraaq ee Daacish.

king abdalaBoqorka Sucudiga King Abdullah ayaa sheegay in ururada xagjira ah aanay lahayn xad ayna awoodi karaan in ay weeraraan wadamo ka fogfog Bariga Dhexe.

Warkan ayaa uu ka sheegay Boqorka mar uu la kulmay safiiro waxana kulana boqorka uu ku soo beegmay xilli warbaahinta ay ku soo bandhigeen ururka ISIS askari u dhashay dalka Lubnaan oo qoorta laga jarayo.

Inkastoo aanu  magacaabin urur ayuu hadana Boqor Abdullah waxa uu u muuqday in uu u tilmaamayo Washington iyo NATO ciidamadooda inay kordhiyaan dagaalada loogaga soo horjeedo ururka ISIS iyo taageerayaasha uu ku leeyahay gobolka.

Ururkan ayaa waxa uu waqti kooban kula wareegay dhul ballaadhan oo ku yaal wadamada Siiriya iyo Ciraaq. “Haddii aan isa indho tirno waan hubaa in bil kadib ay gaadhi doonaan Yurub bil kalana ay ku gaadhayaan America.”ayuu yidhi Boqor Abdullah.

Boqorka Sacudi Carabiya oo sii hadlay ayaa sheegay in argagaxisada aanay lahayn xad khatartooduna ay gaadhi karto wadamo ka baxsan Bariga Dhexe.

“Idinkuma aha sir, waxa ay samaynayaan waxa ay doonayaan in ay sameeyaan. Waxaan idina codsanayaa in aad fariintan u gudbisaan hogaamiyaashiina. Kula dagaalama argagaxisada xoog,sabab iyo xawaare”.’

 

Si kasta ha ahaatee boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa marwalba beenaysa inay hub iyo taageeraba siiso dagaalyahanada Sunniyiinta ah ee dalka Siiriya iyo weliba ururka ISIS.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed