|

Banaan baxyo Weli ka socda Somaliland,Laguna diidan yahay dhawaqii Dawlada Ingiriiska.

Hargaysa 31Jan(SDN)   Isu soo bax balaadhan oo lagu diidan yahay Warkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ingiriiska ee Taabanayay Nabadgalyada Somaliland, ayaa maanta  lagu kala qabtay Magaalooyinka Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar adag ee Gobolka Sanaag.

Bulshada ku Dhaqan Magaalada Ceerigaabo ayaa Waxaa kala qayb galay Isu soo baxan ay ku Muujinayaan Dareenkooda ku aadan dhawaqii Wasaarada Arrimaha Dibada ee Uk ee ay Muwaadiniinteeda kaga dalbatay inay Sababo dhinaca Amaanka ah uga soo baxaan Somaliland Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal Geel Jire,Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur,iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxda Gobolka Sanaag iyo Kuwa Degmada Ceerigaabo oo Isu soo baxayaasha kula hadlayay Fagaaraha Nuura 1 ee Ceerigaabo ayaa waxay caddeeyeen in nabadgelyada somaliland ay tahay mid la isku hallayn karo  isla markaana aanay haba yaraatee waxba ka jirin warbixinaha ay dalalka qaarkood ku doonayaan inay ku waxyeeleeyaan nabadgelyada dalkan. waxayna ugu baaqeen shacabka somaliland inay u midoobaan adkaynta midnimadooda iyo wada jirkooda.

Dhinaca degmada Ceel Afweyn ayaa goor hore oo subaxnimadii saaka ah dadweynaha oo ay hor kacayaan xubnaha golaha deegaanka, mayorka iyo ku xigeenkiisa, salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kale  waxay isugu soo baxeen fagaaraha Kheyriyada ee magaaladaasi, waxaana halkaa kala hadlay mayorka degmada Ceel Afweyn Md Baashe Xandulle warsame. oo ka dalbaday dawladda Britain inay dib uga fiirsato hadaladii ka soo yeedhay.

Geesta kale Magaalada gar’adag ee isla Gobolka sanaag ayaa banaanbax kaa la mid ahi ka qabsoomay maanta iyadoo meel fagaare ah ay kala hadleen mas’uuliyiinta degmadaasi oo uu ugu horeeyo Mayorka magaalada Gar adag Md faarax aadan Ciise oo u soo jeediyey dadweynaha reer somaliland inay gacanta is qabsadaan, adkeeyaan midnimadooda.

Hargaysa SDN.

 

 

 

 

Comments are closed