|

Baydhaba : Oo ay Gaadheen Ciidamo Ethiopian ah Iyo Jiido kale oo ay ku Ruqaansadeen

Baydhaba 31.Dec 2013 (SDN)- Ciidamo aad u hubeysan oo Ethiopian ah ayaa maanta gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay.

ethiopian-army-300x201Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Baay Shiine Macallin Nuurow ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in ciidamada ay fariisin ka sameysteen koontaroolka magaalada iyo  dhinaca Maanyo-fuulka, gaar ahaan agagaarka warshaddii hore ee Xaseey ee ka soo horjeedka hotel Bakiin ee duleedka magaalada.

Ciidamo Ethiopian ah ayaa horay u joogay qeyb ka tirsan gobolka Baay, hase yeeshee ciidamada maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay ka yimaadeen gudaha dalka Ethiopia.

Cutubyo ka tirsan ciidamadii maanta tagay Baydhabo ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen jidaha degmada Qansax-dheere, iyadoo lagu warramayo in qorshaha uu ayahay in toddobaadka ugu horreeya sanadka cusub ay gobollada Baay iyo Bakool ka saaraan maleeshiyada al-Shabaab.

Baydhaba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed