|

Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo ka hadashay Shuban Biyood ka dilaacay Deegaamo ka Mid ah Somaliland

Hargaysa 31.Dec 2013  (SDN)- Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Cismaan Xuseen warsame ayaa maanta warbixin ka bixiyey shuban biyood ka bilaabay meelo ka mid ah dalkan JSL.

Breaking-NewsAgaasimaha guud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in shubankan uu ka dhashay roobabkii dhowaan ka da’ay dalka, waxana uu sheegay in wasaaradda caafimaadku si gurmad ah oo degdeg ah kaga hawlgashay deegaanadii uu shuban biyoodku ka dillaacay iyadoo la gaaadhsiiyey daawooyinka lagula tacaalo shubanka isla markaana talooyinkii lagama maarmaanka ahaa loo gudbiyey bulshada.

Dr axmed jawaan oo ka mid ahaa kooxdii caafimaad ee gurmadka ku tagtay deegaanka Xiin-Galool ee bariga gobolka Sanaag oo isna shir jaraa’idkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xakameeyeen fiditaankii cudurkaasi isla markaana daaweyn gaadhsiiyeen dadkii uu asiibay cudurku.

Agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka Abiib Aadan Nuur ayaa isna dhankiisa ugu baaqay bulshada Somaliland inay ilaaliyaan saxada iyo fayo-dhowrka kana feejignaadaan xaalada cudurka shubanku ku fido.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed