|

Beeraleyda Afgooye oo UMISOM oo laga dulqaaday Canshuur Xad-dhaaf aheyd oo Shabaabku Dul Dhigay

May 30,2012(SDN)-Beeraleyda degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho ayaa maalmihii u danbeeyay waxa ay faraxad ku soo dhaweeyeen qabsashadii degmada Afgooye ee AMISOM.

Afgooye waxa dhawr sanadood gacanta ku hayay kooxda Al Shabaab oo dhibaatooyin kala duwan ku hayay dadka degaanka.

Afgooye ayaa nabad aheyd balse beeraleyda degmada ayaa sheegay in ay hoos u dhac dhaqaale kala kulmeen xukunka Shabaabka.

Shababaka ayaa canshuurtoodu waxa ay aheyd kala badh wax soosaarkooda,taas oo dhaxal siissay hoos u dhac dhaqaale oo baaxad leh.

Waxa maalmihii u danbeeyay lagu arkayay wadada dheer ee degmada Afgooye ka soo gaasha caasimada gawaadhi fara badan oo sida khudrad beec ah.

Si kastaba ha ahaatee dadka reer Afgooye ayaa culeyskii Shababaku ku hayeen waxa suurto gal ah in ay u bedesho ta ciidamada dawlada oo haatan fariisin ka sameystay.

SDN-Afgooye

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed