|

Nuxurka go’aan ay wasaaradda Caddaalada Somaliland dhaqan-gelisay

Hargeysa 30, May 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka Caddaalada Somaliland Mr. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa soo saaray qoraal la xidhiidha fulinta go’aan ka soo baxay guddiga Caddaalada.

Qoraalkan oo wasiirku maanta soosaaray, waxa uu ujeedadiisu la xidhiidhaa bedelk garsoore, aqbalaada shaqo-ka-tagis, iyo magacaabis.

Qoraalkan wasiirka waxa lagu sheegay in wasaarada Caddaalada oo cuskanaysa qodobka 106-aad ee Distoorka Qaranka farqadiisa 1aad oo qeexaya in wasaarada Cadaaladu u xilsaaran tahay fulinta go’aanada gudida Cadaaladu ay go’aamio, waxayna guddigu soosaareen;

1. Sheekh Xasan Sh.Saalax Xasan waxaa laga bedelay guddoomiyaha Maxkamada degmada Gar-adag, waxaana loo bedelay guddoomiyaha Maxkamada degmada Caynabo oo awood Maxkamad gobol ku shaqaynaysa.

2. Guuleed Axmed Jaamac oo ahaa ku-xigeenka xeer-ilaaliye Guud, waxaa laga ogolaaday shaqo-ka-tagis uu soo codsaday, waxaana halkiisii loo magacaabay Shucayb Maxamuud Cilmi Axmed inuu noqdo ku-xigeenka Xeer ilaaliye Guud.

3. Waxaa liiska ku-xigeen Xeer-ilaaliyaha Guud laga saaray Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Maxamed Cigaal.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed