|

Berbera: Dood-cilmiyeed ku saabsan barashada cilmiga Dhaqaalaha iyo xaaladdaha Dhaqaale ee Somaliland oo lagu qabtay Jaamacadda Gollis

Berbera 29, Feb.2012 (Qurbejoog.com)- Waxa xalay magaalada Berbera lagu qabtay dood cilmiyeed ku saabsan barashada cilmiga dhaqaalaha iyo faaidada, iyo weliba xaaladda dhaqaalaha Somaliland.

Kulankan waxa soo qabanqaabiyey ardayda seniors kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Camuud Borame, waxana kala qayb qaadanayay ardayda dhaqaalaha barata ee jaamacadda Gollis Berbera.

Dhiinka kulliyadda MS-IT ee jaamacadda Gollis Berbera mr CabdiFatax oo kulankasi ka hadlay aya ugu horray si aada ugu mahad celiyey ardayda kasoo booqatay dhiggooda Jaamacadda Camuud. “Jaamacadda Gollis Berbera waxa la furay 2009, waan 5 kulliyaddood, Berbera waxay hore u ahayd goob ganacsi keliya, laakiin hadda waxaanu ka dhignay goob wax barasho” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa isna xafladda ka hadlay hormoodka kulliyadda dhaqaalaha ee Gollis Berbera, Cabdirisaaq Cabdilaahi oo si aada ugu dheeraaday faaiidada barashada Cilmiga Dhaqaalaha.  “Aad baan u soo dhawaynayaa ardaydan nooga timid Jaamacadda Camuud Borama. Waxan leeyahay annana markayaga waa idin soo booqan doonaa inshalah” ayuu yidhi Mr Cabdirisaaq Cabdilaahi

Waxana uu intaas raaciyey “ wax barashadu nooc kasta ay tahayba waa lagama maar maan, waana shay asaasi ah. Wadan kastaana wuxu si gaara uga baahanyahay nooc ka mid ah aqoonta. Dunida saddexaad ee Somaliland ka mid tahay, waxay ka duulan markay horu marka doonayaan inay awooda saaraan cilmiga dhaqaalaha” ayuu yidhi mr Cabdirisaaq Cabdilaahi.

Mr Cabdirisaaq waxa uu sheegay in Somaliland wadada ugu dhaw ee horumarku ay tahay mid lagu gaadhayo cilmiga dhaqaalaha “ haddaba, Somaliland ahaan waa in aynu awoodda saarra barashada iyo dhiirigelinta cilmiga dhaqaalaha si aynu uga mid noqo wadamada higsanaya horumarka dhaqaalaha”

Sidoo kale waxa isna goobta ka hadlay Xuseen Cisman Warsame oo ahaa guddoomiyaha arday jaamcadda Camuud Boorama, waxana uu si aada ugu mahad celiyey soo dhawaynta ay kala kulmeen magaalada Berbera.

Intaas ka dib waxa la gudo galay dodo badan oo la xidhiidha faaiida barashada Dhaqaalaha iyo weliba xaaladda dhaqaale oo Somaliland.

Waxa doodaha lagu sheegay in dadka reer Somaliland ay celcelis ahaan ku nool yihiin maalintii wax ka yar $1, taasina ay Somaliland ka dhigtay wadamada ugu hooseeya dunida dhaqaale ahaan.

Dhabka kale waxa dooda lagu xusay in ay Somaliland qani ka tahay khayraadka dabiiciga ah sida xoolaha nool, macdanta, beeraha iyo weliba shidaalka.

Waxa dooda lagu xusay in sababta iyadoo Somaliland khayraadkaas oo dhan haysata hadana u horumari wayday ay tahay dadkii oo gabay kaalintoodii.

Ugu danbayntii waxa doooda soo xidhay hormuudka kulliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda Gollis Berbera Mr Cabdirisaaq Cabdilaahi Aadan.

Qurbejoog.com, Berbera

 

 

Comments are closed