|

Xafiiska SARC adeeg noocee ah ayuu u qabtaa Bulshada?

Hargeysa, 29, February 2012 (SDN)- Agaasimaha xafiiska la-dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta Axmed Daahir Aadam ayaa ka warramay hawl-qabadka xafiiskiisa iyo ujeedooyinka loo aasaasay.

Agaasimaha ayaa sheegay hawlaha uu xafiiskiisu u qabto bulshada ay ku kooban yihiin adeegyada caafimaad, sharci, la talin iyo u dooddista dadka aan awooddin inay qabsadaan garyaqaano u doodda.

Axmed Daahir Aadan waxa uu xusay in xafiiska la-dagaalanka tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta ee SARC uu ka fulliyay gobollada dalka wacyigelin iyo aqoon is-waydaarsiyo lagaga hadlayo xakamaynta iyo joojinta nooc kasta oo ka mid ah tacadiyada saameeya bulshada qaybaheeda jilicdasan.

Agaasimuhu wuxuu tilmaamay in xafiiska SARC uu ku dhex yaallo Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isla markaana adeegyadiisa oodhan lagu qabto goobtaas.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed