Hargaysa 08.March 2014 (SDN)- War murtiyeed kasoo baxay Xafiiska Gudida Baadhista Xasuuqa ayaa lagu sheegay in dib loo xabaali doono tiro dad ah oo dhawaan khubaro baadhasay xasuuqii dalkan ka dhacay sanadihii Sideetamaadkii ay ka soo saareen Xabaal wadareedyo lagu aasay.
Sida lagu Sheegay War ay soo Saareen Gudida Daba galka Xasuuqu waxaa 44 Marxuun oo lafahooda laga soo saaray Magaalada Hargaysa isla markaana la Xasuuqay 1984kii loo aasi doonaa Si Waafaqsan Shareecada Islaamka iyadoo loo asteeyay in Hawshaa la fulin doono Maalinta Beri oo Axad ah Sagaalka Subaxnimo iyadoo lagu aasi doono Xabaalo ay ku deeqeen Ilma Cismaan Geele oo ku yaala Masalaha.
Sidoo kale Wakaaladda wararka ‘Associated press’ ayaa wax ka qortay xabaal wadareed laga qoday Somaliland oo laga helay qalfoofka dad uu laayay taliskii milateriga ahaa ee Siyaad Bare muddo ku siman soddon sano.
Associated press waxa ay sheegtay in ay tobanaan kun oo qalfoof ay ku duugan yihiin dhulka Somaliland, halkaasi oo ay dad badani doonayaan inay arkaan in la gaadho caddaalad.
Sannadkii tegay ayay warbixinta AP sheegtay in 38 qalfoof ah in ciida laga soo faqay laba xabaalood oo qudha, sidaasna waxa sheegay Komishanka baadhista xasuuqa Somaliland oo iyagu dusha ka eegaya hawl-galka goob saddexaad oo ay ku aasan yihiin daraasiin lafihii ka hadhay dadkii la xasuuqay.
In ka badan 200 oo xabaal wadareed ayaa jira Somaliland kuwaas oo ay ku jiraan maydad gaadhaya 50,000 illaa 60,000 oo qof sida ay sheegeen Komishanku daba galka Xasuuqu.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
