Hargaysa 15.April (SDN) Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa Fadhi aan Caadi ahayn oo ay Maanta ku Yeesheen Xaruntooda Hargaysa Waxay Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Soo Jeedin uga Timid Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu kaga dalbanayay inay Muda Xileedka Golaha Wakiilada ay u Kordhiyaan Maadaama uu Wakhtigoodii Sharciga ahaa ku Eeg yahay Bisha May ee Sandkan,Bisha May ee Sandkan.
Sidoo Kale waxay Xildhibaanada Golaha Guurtidu Cod Gacan taag ah ku ansixiyeen in Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee Golahaasi uu Noqdo Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida Jagadaas oo uu ka geeriyooday Marxuun Sh.Axmed Sh Nuux Fure.
Nuxurka Soo Jeedinta Madaxweynaha ayaa u u dhignayd Sidan :-“ Mudanayaal aniga oo tixraacaaya go’aanka Komishanka Doorashooyink Qaranka ee summadiisu tahay 319/2013 kuna taariikheysan 6/4/2013 ujeedadiisuna tahay Doorashada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan Mudanayaal idiin soo jeedinayaa inaad ka gudataan xilkiina Distooriga ah eek u xusan qodobka 42 ee Distoorka Jamhuuriyada Somaliland. Allaa Mahad Leh.”
Markaas kadib Waxay Mudanayaashu Cod u qaadeen Ansixinta Fadhigan aan caadiga ahayn,Meel Marinta Mudo kodhinta iyo in Gudoomiye ku xigeenkii 2aad ee Golaha Guurtidu Mudane Siciid Jaamac Cilmi uu noqdo Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida iyadoo Mar kale loo balamay Buuxinta Jagada Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida.
Waxaa Cod loo qaaday in la ogolaado soo jeedintaas Madaxweynaha waxaana si Cod aqlabiyad ah ku Meel Mariyay 71 kii mudane ee maanta ka soo xaadiray fadhigaas. Taas oo sheegaysa in Golaha wakiilada loo kordhiyay muddo ah 2 sanno ah, bill iyo 27 cisho. Waxa koloo Golaha Guurtidu ay isu kordhiyeen muddo saddex sanno ah,Taas oo ka dhigan inay hal sano ka danbayn doonaan Doorashada Golaha Wakiilada .
Halkan ka Dhagayso Qaabkii fadhigu u qabsoomay iyo Cod u qaadista Guurtida .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Mudokordhin.mp3″]
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com
