Muqdisho Oct 27,2013(SDN)- Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo koox hubeysani ay 22kii bishan raasaas la dhacday ayaa dhawicii soo gaaray u geriyooday.
Maxamed Timacade oo ku jiray Cusbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho oo maalmihii u danbeeyay dhaawacyadiisa lagu dhayay.
Rag hubeysan ayaa wariye Timacad xili uu ka soo baxayay aqalkiisa ku dhuftay lix xabadood.
Wariye Timacade ayaa u shaqeynayay television ka Universal ee xaruntiisu tahay magaalada London ee cariga Britain.
Allaha u naxariistee wariye Maxamed Maxamuud Timacade ayaa noqonaya wariyihii Todobaad ee Soomaaliya lagu dilo sanadkan.
Bahda qurbejoog iyo somalidiasporanews.com ayaa ehelkii qaraabadii iyo bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxayba u direysa Tacsi,marxuumkana eebe SWT uga baryaya in uu janadii fardoosa ka waraabiyo,Aammiinn.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
