|

Boobka uu ku kacay wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland

Asc. Marka hore waxaan salaamayaa sacaafada horta ah ee somaliland, waxa kale oon salamayaa shacbka somaliland.indheer garadka gurtida, culimada. iyo dhamaan bulshawaynta somaliland, salaan ka bacdi. waxa maanta aan doonayaa inana ka hadlo boobka uu kulakacay dalka wasiirka wasarada ganacsiga iyo malgashigu. ee dadka qaar u yaqaanaan Dr beenaale. qaarkalana ugu yeedhaan Mr 10%, taasoo macneheedu tahay. inuu ka qaato dilaalka shirkadaha ajanabiga ahe ee uu u boobo khayradka maguuranka ah ee dalkeena somaliland.wasiirkan Mr 10% am Dr beenaale Maxamed cabdullahi Cumar oo ahaan jiray wasiirkii hore ee arimaha dibada , kadib markaay shacabka reer soomaliland sida fiinta uga qaayliyeena uu siilanyo halkuu ka eryi lahaa ka dhigay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga somaliland.hadaba madaamoo doorashadii somaliland salka inoo saarantahay aanay ka hadhsantahay mudo yar oo koobaani waxaan tusaale u soo qaadanayaa musuqmasaqa baahsan ee ka jira dhamaan 22 wasaradood ee aay ka koobantahay xukumada kulmiye ee uu hogaaminayo madaxwayne siilanyo. anigoo week gaga soo socda u soo qaadan doona mid mid wasaradaha wax qabadkooda iyo musuqmasaqa baahsan ee ka jira iyo cadaaladarada boobka iyo qaawlasatada dalka u shuraakoowday sidii aay u dhamaysan lahayeen hantida maguuranka ah iyo khayradka ummada somaliland ka dhexeeya waxaan ugu horaayn soo qaadanayaa wasarada Dr beenaale mr 10% Maxamed cabdullahi cumar…………….1) wasaaradan ganacsiga waxa ka socda musuqmasaq aad iyo aad u xad dhaafay kaasi oo Mr 10% uu khayradkii dalka sida beenyada fooxa iyo xabagta kaladuwan ee badanaba laga hello gobolda bariga somaliland ee sool iyo sanaag uu ula soo heshiiyay shirkado gaar loo leeyahay oo tuuga oo uu kula soo heshiiaya inuu khidmad 10% ah ka qaato waxii ka soo baxa beenyada iyo xabagta shirkadahani aay sida bilaa sharcigaha ah dalkii uga guranayaan.

Sababta aay bilaa sharciga u yihiin waxay tahay.A) in iyadoo aan parliemanka somaliland ansixin uu shirkadahan
Ajanabiga ah.
B) Inaan Shirkadahan Ajanabiga ah dadka deegaanka dagan sool iyo sanaag lagala tashan waxna aan laga waydiin intaan dalka lakiinin shirkadajhan oo wasiirka ganacsigu Mr 10% maxamed abdullahi cumar dr beenale dibada kula soo heshiiyay.
C) Inaan wax debate ah ama falanqaayn ah goolaha wakiilada somaliland iyo shacbaka deeganada la boobayo khayradkooda ee somaliland waxba laga waydiin.
Sidaas darteed waxaan soo jeedinayaa in sacaafada madaxbanani aay wasiirka wax ka waydiiso talabadan xaaranta ah ee boobka bilaa xishoodka ah ee uu kula kacay khayradka somaliland ee ummada u dhaxeeya oo aay sacaafadu arimahan u dabagasho si xirfad heersare ah ku dheehantahay bilaabaana baadhitaan aay ugu duurxulaaan shirkadahan uu Dr beenaale dalka keenay iyo percentage ka uu ku leeyahay inuu ka badanyahay 10% oo sacaafadu samayso( investigative journalism ) waxa kale oo aan ku baaqayaa in parliemanka somaliland si deg deg ah ugu yeedho Dr beenale mr 10% maxamed cabdilaahi cumar.
Wabilaahi tawfiiq
Xooghayah siyaasada Ucid UK & Europe
Saciid Xariir Diiriye
ucidk

Comments are closed