|

Maxamuud Indhacase oo dhawaan ku dhintay Qaraxii Villa Soomaaliya ayaa Tacsi loogu sameeyay magaalada Ottawa

Ottawa Mar 01,2014(SDN)-Waxa magaalada Ottawa lagu qabtay Tacsi balaaran oo ay ka soo xaadireen qeybaha kala duwan ee Bulshada Marxuum Maxamuud Cabdulle Indhacase oo dhawaan Qaraxii ismaadiminta ahaa ee ka dhacay Villa Soomaaliya ku geeriyooday.

Maxamuud Indhacase oo ay si weyn u yaqaaneen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa ayaa mudo dheer ahaa ruux si joogto ah ugu khidmeeya dhalaanka Soomaaliyeed.

Marxuumka oo ahaa Aqoon yahay dalkii Hooyo iyo Canadaba wax ku bartay ayaa aqoontiisa uga faaiideyay dhalin yarada Soomaaliyeed ee dalkan ku soo barbaaray,sida ay ka qireen Tacsida marxuumka oo lagu qabtay Ridgemount High School.

Aqoonyahano,asxaab iyo culumaudiin isugu soo baxay Tacsida ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka wax qabdkii Maxamuud Cabdulle Indhacase eebe naxariistiisii jano haka waraabiyee.

Maxamuud Indhacase ayaa addunka uga tegay lix Caruur ah iyo xaas oo gidigood ay haatan Ottawa ku nool yihiin.

SDN-Ottawa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed