|

Booliska New York oo dabagal iyo dhegeysi ku sameeyay Soomaalida ku nool Buffalo

Buffalo Feb 29,2012(SDN)-Sida ku xusan qoraal iminka uun la shaaciyay ciidamada booliska ee New York ayaa dabagal iyo baaritaano mudo ku wada Muslimiinta guud ahaan khaasatan Soomaalida ku nool magaalada Buffalo.

Sidaana waxa lagu daabacay Buug dhawaan laga qoray booliiska NY oo ka waramay in Soomaalida ku cibaadeysata mid ka mida Masaajidada ku yaal Buffalo.

Leonard Levitt oo ah qoraaga arintan shaaciyay ayaa sheegay in qeybta dabgalka booliska NY ay baaritaanu ku sameyeen Soomaalida ku cibaadeysata Masjidkaasi.

Buuga iyo qoraalada laga soo xigtay dhacdadan laguma xusin sababta loo bartilmaansaday Soomaalida ku nool magaalada Buffallo.

Dabagalada iyo baaritaanadan ayaa socdey mudo balse sida qoraalkan ku xusan waxa la xaqiijiyay in intooda badan halgalada la sameeyay sanadihii 2008dii iyo 2009kii.
SDN-Buffalo
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed