|

Rag ka tirsan Shabaab oo Mandhera ku dilay Askeri iyo shacab gadood ku dilay mid ka mida shabaabkii

Mandhera Feb 29,2012(SDN)-Rag hubeysan oo ka tirsan Shabaabka ayaa Askeri ku dilay weerar ka dhacay goob laga tukaameysto oo ku taal degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Sidaana waxaa saxaafada u xaqiijiyay guddoomiyaha Mandheera Benson Laparmorijo.

Guddoomiyuhu waxa uu intaa ku daray in kolkii raga hubeysani ay dileen askariga ka dib ay shacab goobta ku sugnaa ay dileen mid ka mida ragii sadexda ahaa ee dilka geystay.

Labadii nin ee kale ayaa dadku baacsadeen ka dibna waxa ay isku difaaceen bam nooca gacanta laga tuuro oo dhaawacay sideed ka mid ah dadkii shacabka ahaa.

Weerarada noocan ah ayaa soo noqnoqday intii ka danbeysay kolkii ay Kenya ciidamadeeda u dirtay guddaha dalka Soomaaliya sanadii hore,ilaa iyo iminkana waxa weeraradan ku dhintay in ka badan 30 ruux.

SDN-Mandheera
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed