|

Dawlada Somaliland oo Amar Cusub iyo Talaabo adag ka qaadaysa Gaadiidlayda Wata Baabuurta Turusku ka horeeyo iyo Sababaha Keenay

Hargeysa 30.June 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa digiin u diray wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan kuwa gaadiidkoodu leeyihiin turusyada hore.

TURUSWasiir Warancadde waxa uu Ciidanka nabadgelyadda Waddooyinka ku amray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan maanta laga bilaabo gadiidka lagu arko iyagga oo turusyo hore leh.”Baabuurtaasi gardarada iyo fool xumada ay sameeyaan waxa ka siidaran xaga hore waxa ay ku xidheen birwayn oo sidii cagaf-cagafta oo kala ah ayay dadka ku jiidhaan,xagana danbena mid aan looga soo dhawaanin ayay ku samaysteen,taasna waxaan leeyahay dib loo aqbali maayo. Ciidanka Nabad Galiyada wadooyinka waxaan farayaa wixii bari laga bilaabo si deg-deg Ah in Ay labada Dhinacba ka jaraan Turusyada gawaadhida xaga hore ku samaystay,maalin danbena Aanu marin Karin magaalada gaadhi tursi leh.” Ayuu yidhi Wasiir Warancadde

Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan amar ku bixinayaa intaan gaadhiga lagaa xarayn inaad hada ka sii jarto wixii bari ka danbeeyana gaadhiga waa laga dhigi doonaa,waxaana lasaaraya ganaax wayn oo aanay qaadi karin gadiidlaydu, haday u hogaan sami wayaan Amarkaas Wasaarada ay farayso.”.

Geesta kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C.laahi Fadal Iimaan ayaa Qoraal uu ku faafiyay Barta uu ku leeyahay Shabkada Xidhiidhka dadweynaha ee Facebook Wuxuu ku amray Madaxda Sare ee Ciidanka Ilaalada Nabadgalyada Wadooyinka Fulinta amarkan ,Qoraalka Taliyaha ayaa u dhignaa Sidan:-

 

 

Anigu ku hadlaya afka Ciidanka police somaliland waxan faraya gadiid layda in qofkii lagu arko baabur sameeskiisa laga badalay sida turus dheer iyo wixii la mida inuu xabsi dheer muteesanayo ,waxaanan si gaar ah digniin ugu siidirayaa, Basaska ciyaal Iskuulka wada, Booyadaha iyo Iskarogooyinka,waxaana idiin sheegayaa qadarku waa halkiisa. Laakiin cidii sharciga u hogaan sami wayday inuu ciidanku gacan wayn ku qaban doono, ciidanku maanta laga bilaabo shaqada bilaabi doonaan, waxan farayna taliyaha Ciidanka nabad galyada wadooyinka somaliland Faysal xiis cilmi iyo talye xigeenka mahdi nuur LIXLE inay wareegtada siday tahay u fuliyan ila baaburta xawaaraha ku socota talaabo laga qaadaya ilaahay ayaa mahad leh”.

Amarkan ayaa ka danbeeyay Shil ay ku naf waayeen Sadex Ruux oo kala ah Marxuum Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ahaa Sawir-qaade ka hawlgali jiray Horn Cable TV, Weli Daa’uud Cigaal oo ahaa Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Muuse Cabdi Haybe oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay doraad galab deegaanka aw barkhadle ee bariga Hargaysa .

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed