|

Boorama: Maxaa ka soo baxay Shirweynaha TOL?

Boorama 30, August 2012 (SDN)- Shirweyne dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ka socday magaalada Boorama, ayaa laga soosaaray go’aamadii lagu soo gunaanaday.

War-,muriteed maanta ka soo baxay, waxa lagu faafaahiyay waxyaabaha kulankaas lagu go’aamiyay, wuxuuna u dhignaa sidan;

BAYAANADA SHIRWAYNAHA TOLKA

• In wixii khilaafaad jira noocuu doonoba ha ahaadee sida ugu dhaqso badan loo waajaho, loona xaliyo, si tolku hore ugu socdo, iyadoo wax kasta laga hormarinayo danta guud ee tolka.
• In Madaxdhaqameedyada tolku midoobaan, talada tolka ee guudna meel isugu keenaan. Hawshaana ergooyinka shirku waxay isku raaceen in iyaga laga sugo,wixii wada tashi odaydhaqameedyadu uga baahan yihiin bulshada inteeda kalana diyaar loola noqdo.
• In la dhiso gole la taliyayaal ah oo ka socda gudo iyo dibadba, kana kooan aqoonyaho iyo ulshada rayidka ah inteeda kale.

Golahaasi in uu:-

a) Furo xarun lagu sameeyo daraasaad joogto ah oo lagu ogaado hadna baylahda jirta
b) Isku xidho qayaha kala duwan ee TOLKA iyo deggaanadiisa.
c) Golahaas oo awoodiisu tahay mid la taliye ah (Adversory council)
d) Golahaasina waa in uu ahaadaa mid ku kooban talooyinka guud ee TOLKA.
e) In golahaasi ka koobnaado 20-59 xubnood oo ka kala yimaada deggaanada TOLKA oo idil
f) In xubnaha golhaas lagu soo xulo kartidooda iyo aqoontooda oo aan lagu xulin beelo.

• In wixii tabasho ah ee TOLKU leeyahay nooc kasta ha ahaatee ay xaq u leeyihiin in si aan gabasho lahayn loogala xisaabtamo cidkasta oo ay khusayso.
• In TOLKU sii xoojiyo nabadgalyada, deganaashaha iyo ehelnimada iyaga dhexdooda ah iyo tanka dhexaysa iyaga iyo beelaha kale ee ay dal, duunyo iyo danba wadaagaan
• In la xidhiidhiyo mudnaanna la kala siiyo mashaariicda TOLKA ee dhinaca horumarka(coordination and prioritization of TOL development projects).
• In la dhiso guddi fulineed ku meelgaadh ah oo ka kooban 12 xubnood oo dabagala bayaanada shirka iyo hirgalintooda muddo ku siman hal sano.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed