|

“Xil Ka Qaadistayda Waxa Keentay Madaxweynaha Iyo Marwadiisa Ayaa Iga Codsaday Inaan Ka Noqdo Xil Ka Qaadista Agaasime-waaxedyada, Ana Waan Diiday”

Hargeysa 30, August 2012 (SDN- Wasiirkii Warfaafinta Mr. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka hadlay sababta keentay in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo xilka ka qaado.

Mr. Boobe Yuusuf Ducaale, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inay xil ka qaadistiisa sababtay laba agaasime waaxeed oo uu xilka ka qaaday oo kala ah agaasimihii telefishanka qaranka Axmed Saleban Dhuxul iyo agaasimihii wargeyska Dawan ee dawladda Maxamed Cismaan Mire (Sayid), waxaanu Boobe Yuusuf Ducaale sheegay in kulan habeen saddexaad madaxtooyada ka dhacay ay Madaxweynaha iyo xaaskiisu kaga codsadeen inuu ka noqdo go’aanka xil ka qaadista, taas oo uu diiday. “Xil ka qaadistayda waxa sabab u ah laba agaasime waaxeed oo aan xilka ka qaaday oo uu Madaxweynaha iga codsaday inaan shaqada ku soo celiyo ana aan ka diiday oo aan idhi labadaas masuul ma soo noqonayaan haddii kale anigu xilka hayn maayo.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay “ Dood habeen hore [Habeen saddexaad] ka dhacday qasriga madaxtooyada oo dhexmartay  annagoo kala Madaxweynaha, marwada madaxweynaha iyo anigoo wasiirkii oo ay ku codsanayeen inaan kaga noqdo go’aanka aan labada agaasime waaxeed ku bedeley ana aan ka diiday ayaa sababtay in xilka layga qaado.”

Boobe Yuusuf Ducaale, wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah marka uu xilka wareejiyo uu bilaabi doono qormooyin taxane ah oo uu kaga hadlayo xil ka qaadistiisa iyo arrimaha sababay oo uu sheegay inuu faahfaahino dheeraad ah ka bixin doono.

Madaxweynaha ayaa Boobe Yuusuf Ducaale, xilkan u magacaabay 14 bishii March ee sannadkan, waxaanu wakhtigaas ka hor ka tirsanaa madaxda Akademiyada nabadda iyo horumarinta Somaliland.

Geeska

Comments are closed