|

Boqor Cismaan Buurmadow Oo Ka Hadlay Loolanka U Dhexeeya Wasiirrada Madaxtooyada Iyo Duulista

Hargaysa 31.Aug 2015 (SDN/QJ)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa sheegay in loolanka u dhexeeya Wasiirrdda Madaxtooyada iyo duulista iyo hawadda aanu midkoona ku hadli karin afka beesha bariga Burco oo ay deegaan ahaan ka soo jeedaa.
Boqor Buurmadow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in loolankan u dhexeeya labadan Wasiir aanay la kala safan karin.

buurmadow“Labada nin ba Oday baan u ahay, odayga(Madaxweynaha) ayay la shaqeeyaan, Odayga ayay gacan yarihiisa yihiin, afka beesha midkoodna kuma hadlo, afka beesha dhaqanka oo anaga ah baa ku hadalna, wax khilaaf ah labadooda dhex yaalana anigu ma ogi, loolan madaxweynaha ay la shaqeeyaan ay loolamayaana ma ogi.” ayuu yidhi Boqor Buudmadow.

Cismaan Buurmadow waxa uu intaas raaciyay “Haddii maanta iyaga dhib ka dhex jirtana, labaduba waa innamadayadii umana kala hiilin karno, anagayna noo taal inaanu saxno, mana ogi hadda wax khilaaf ah oo iyaga dhex yaala.” ayuu yidhi Boqor Buurmadow

Boqor Buurmadow waxa kale oo uu intaas ku daray “Anigu waxaan qabaa in madaxda dhaqanku ugu haboon tahay inay dalka hogaamiso. Waxaanu qabnaa inaanu nahay rag dalka hore u hogaamin jiray oo ingiriis wax la qortay oo la inqilaabay oo innamo yaryar oo siyaasiyiin ah oo aan waxba wadi Karin inqilaabeen.” ayuu yidhi Boqor Cismaan Buurmadow

Comments are closed