|

Xusuusihii iyo Mahadhooyinkii Maxamed Mooge Liibaan. W/Q:Khaalid Foodhaadhi

Maxamed Mooge

Waxa uu ahaa macallin, heesaa, laxamayste, halgamaa, waxaana  uu ku dhashay magalaada Hargeysa kuna barbaaray yaraantiisii, halkaas oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay, ka hor intii aanu hantiyin dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed waxa uu ahaa macallin ka tirsan wasaarada waxbarashada jamhuuriyadii Soomaaliya, wuxuu hoobal soo shaac baxay noqday sanadihii todobaataneeyadii, waxa taliskii Soomaaliya ka dhisnaan jiray shaqadii ka fadhiisiyeen sanadkii 1971kii ka dib markii talisku ku eedeeyay in aanu u jajabnayn hawlaha kacaan ku sheega boobay taladii dalka, intii uu dalka gudihiisa joogay waxa uu ku heesi jiray heeso si dadban uga soo hor-jeeday taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Todobaataneeyadii ayuu si qarsoodi ah dalka kaga baxay waxaana uu in muddo ah ku noolaa dalka kiiniya iyo dalka ingiriiska, ka dib markii uu naftiisa uga maaro waayay inay ka indho qarsato durbanadii beenta ahaa ee loo tumayay Siyaad Barre.

Dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee Siyaad diidka ahaa (SSDF) ayuu ku biiray, waxaana uu ahaa hoobalkii ugu horeeyay ee qaaday hees cod ah oo si badheedh ah uga soo hor jeedda taliskii Siyaad Barre. Sida heestii ahayd “ lix iyo labaatankii juun ku lednay, kowdii luulyo liibaanay iyo labaatankii October leeleelay”.

Waxa aad ugu beernayd nacaybka taliska mana jirin heeso kacaan ammaan ah oo uu ku heesay muddadii ka badnayd kow iyo labaatanka sannadood ee mugdiga ahaa, xittaa may  jrin heeso uu ku duubay idaacadd soomaaliyeed, sababtuna waxay ahayd isagoo u arkayay idaacaddo aan ka wakiil ahayn  ama ku hadlayn afka shacbiga soomaaliyeed, sidaas darteed ayaa loo dareemi karaa in heesihiisu ay ku duubban yihiin cajaladaha madaxa banana. Maxamed Mooge waxa uu lahaa cod lab oo legddan oo hanaan farshaxanimo ku dheehantahay iyo luuq aan carjabin oo dhegtu heellanaan, hanqal-taag iyo halhaleel ku dhageysato, Maxamed waxa uu ahaa qof bulshaawi ah oo kaftan badan, wuxuu lahaa hilaad fog iyo hiyi durugsan. Maxamed mooge waxa uu la dhashay hoobalkii kale ee caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan.

Hadaba waxaan jecelahay inaan halkan ka xuso goobaha iyo waxyaabaha taariikhiga ah ee loogu magac daray Maxamed Mooge Liibaan, waxaana goobahaasi ka mid ah :- Degmadda Maxamed Mooge oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex Hargeysa, Dusiga sare ee Maxamed Mooge, Dugsiga Hoose/Dhexe ee Maxamed Mooge, Sariibada Maxamed Mooge, Saldhiga Bileyska Maxamed Mooge,Garoonka kubadda cagta ee Maxamed Mooge,  Naadiga Akhriska ee Maxamed iyo goobe kale oo aanan hadda halkan ka xusi Karin. Dhammaan goobahaasina waxay kuwada yaalaan magaalada caasimada ah ee Hargeysa.

Waxa sidoo kale xusid mudan kabankiisii oo carwooyinka magaalada Hargeysa lagu soo bandhigo. Muj.Maxamed Mooge waxa uu ifka kaga tagay wax caruur ah gabadh, gabadhaas oo la yidhaahdo Yaasmiin Maxamed Mooge, Yaasmiin hadda waa marwo reer iyo caruurba leh.

Iyadoo aynu wada ogsoonahay doorkii uu maxamed mooge kulahaa waxbarashada, ayaa haddana waxa jirta hees ka mid ah heesihiisa kuwa ugu caansan taas oo ka hadlaysa waxbarashada, heestan oo la yidhaahdo waadiga waxbarabashada ayaa ah tan ugu caansan heesaha loo qaado waxbarshada, waxaanan ka garan kartaa barmaaijyada waxbarashada ee ka baxa warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha, heestan oo uu ereyadeeda lahaa abwaankii weynaa ee Xassan Sheekh Muumin (AHN), waxaana ereyadeedii ka mid ahaa :

Waxaaan ahay waadiga dugsiyada

Waxaan ahay waanada macalinka

Waagii baryaba ubax laga waraabshoo

Waxaan ku warweynaa,

Wadankiina wax u u barta

Oo xambaara waajibiisa

Wahsan mayno

Waaban mayno

Weec-weecan mayno

Guul wacan

Cadow ka waabtgo

Nolol wanaagsan

Iyo barwaaqo

Haku waaro wadankeenu

Waddankeenu waa

Wadnihii jidhkeena

Waraabinaaya dhiigoo

Waan ku wardiyeynaa.

Maxamed Mooge Liibaan (AHN) waxa uu geeriyooday 4/6/1984kii isagoo ku baxay gacan ka xaqq daran.

W/Q: Khaalid Ismaaciil Cabdurraxmaan (Khaalid Foodhaadhi)

Hargeysa,Somaliland

Email: Khaalidfoodhaadhi@gmail.com

Comments are closed