New York April 13,2012(SDN)-Gollaha Amaanka ee QM ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay dhawaan u dirayaan dalka Siiriya si loo anba qaado nidaamka nabadeynta ee dalkaasi.
Goaaka QM ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib xabad joojin ka irgashay dalkaasi,ka dib qalalasaase dalkaa ka socday mudo sanad ah.
Ergeyga QM iyo Jaamacada Carabta Koffi Annan ayaa sheegay in loo baaha yahay in xukuumada Bashar Al Asad ay hirgeliso dhamaan qodobadii nabadeynta.
Maalinimadii shalay ayaa waxa dalka Siiriya ka bilowday xabad joojin mudo la sugayay.
Ciidamada Siiriyaa aanse sidii la filayay aan dib uga bixin guddaha magaalooyinkii lagu dagaalamay.
Waxaana la arkayay iyaga oo isku urursanaya duleedka magaalooyin ay gadhaacayeen bilo.
Mucaaridka iyo reer Galbeedka ayaa qaba shaki ku wejahan in xukuumada Siiriya aaney hirgelin doonin dhamaan qodobadii xabad joojinta.
SDN-New York
